Doorashooyinkii Gollaha Degaanka Somaliland ee 2012 oo noqday kuwa qura ee aaney Caalamku Hambalyeyn
Hargeysa Dec 14,2012(SDN)-Doorashooyinkii Golleyaasha degaanka Somaliland ee dalka ka dhacay Bishii ina dhaaftay ayaa noqday kuwa qudha ee dalka ka dhacay ilaa iyo haatan ee aaney beesha caalamku Hambalyeeyn. Sababtuna waa habka iyo hanaanka loo maareeyay doorashooyinka cabashooyinku hadheeyeen ee ay ka qeybgaleen Axsaabta iyo Ururada siyaasada. Doorashooyinkan ayaa noqday kuwo ay dhiig faro badani…
