caawa iyo hargeisa iyo udiyaar garawga ciidal adxada

    hargeisa 25.oct.2012(sdn)waxa si aada caawa looga daremaaya udiyaargarawga ciida udxada magaalada hargeisa iyada oo faras magaalaha magaalada hargeisa ay qulqulayaan dadwayne aad utiro badan kuwaaso kadukaan sanaya suuqyada magaalada hargeisa gaar ahaan bacadlayaasha kuwaaso ay ka iibsanayaan dharkii ciida mar aaanu wax kawaydiinay gancsatada bacadlayaasha ah ayay waxay noo sheegeen in ganacsigoodu aad usocda faaiido…

    Read More

      Madaxweynaha oo shacabka Somaliland iyo guud ahaan Muslimiinta ku hambalyeeyay munaasibadda Ciidul-Axda

      Hargeysa 25, October 2012 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa dhamabaal hambalyo ah u diray shacabka Somaliland iyo guud ahaan umadda Islaamka, munaasibadda Ciidul-Axdaha darteed. Sida lagu sheegay dhambaal kooban oo afhayeenka Madaxtooyada Mr. Axmed Saleebaan Dhuxul ku saxeexnaa, Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu u duceeyay Xujaajta maanta taagan buurta Carafa, wuxuuna dhambalkaasi u dhignaa…

      Read More

        2.7 Milyan oo Xujaaj ah oo Maanta iskugu tagaya Buurta Carafo si ay u gutaan Rukniga Ugu Wayn Ee Xajka

        london Oct 25/12  2.7  milyan oo xaaji ayaa isugu tagan Buurta Carafo, si ay halkaa u gutaan tiirka ugu muhiimsan ee Xajka,Nabigeeni Maxamed (NNKHA) ayaa xadiis saxeexa ku sheegay in muhiimada xajku tahay, Carafo ama istaaga Carafo, waxaanay leedahay xuduudo sugan oo uu ku ansaxayo istaageedu, wakhtiyadan danbana waxa loo sameeyay calaamado muujinaya xuduudaha carafe…

        Read More

          Gudida Dorashooyinka Somaliland oo ku Dhawaqday Malinta Ay Bilaamayso Ololaha Dorashooyinka

          Hargaysa Oct25/2012 SDN Komashanka Qaranka Somaliland ayaa ku dhawaqay Maalinta iyo Waqtiga ay qabsoomayso olalaha doorashooyinka Golayaasha Deeganka .Afhayeenka Komishinka Mudane Maxamed Axmed Geele oo shir jaraid ku qabtay xarunta komoshinka ayaa ku dhawaqay jadwalka ururada iyo xisbiyada ay ku soo dhiga yaan baraamijyadooda iyo siday u kala leyahiin maalmha doorashooyinka gobolada oo dhan afhayeenka…

          Read More

            Isreal iyo Xamaas oo heshiis xabad joojin ah gaadhay

            Gaza Oct 25,2012(SDN)-Dawlada Isreal iyo kooxda xamaas ee ka arrimisa daana Gaza ayaa gaaray heshiis xabad joojin ah oo lagu hakinayo madaafiic labada dhan ay isweydaarsadeen. Colaada labada dhan ee maalmaha socotay ayaa heshiiska lagu hakiyay waxa ka shaqeeyay dawlada Masar. Heshiiska labada dhan ay maanta gaareen ayaan la garaneyn mudada uu socon doono iyo…

            Read More

              Mahiga:Waa in la baaraa Toogashadii Tuuryare iyo dilkii Axmed Faarax

              Nairobi Oct 25,2012(SDN)-Madaxa Xafiiska Siyaasada Qaramada Midoobey u qaabilsan dalka Soomaaliya ayaa war uu soo saaray waxa uu uga waramay dilalaka soo noqnoqday ee suxuufiyiinta loo geysto. Augustine Mahiga ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay dilalaka iyo weerarada soo noqnoqdey ee lagu qado wariyeyasha Soomaaliya. “Waxaan halkan Tacsi uga dirayaa ehelkii iyo qaraabadii…

              Read More

                Burcad badeed weerar ku qaaday Markab ciidan

                Muqdisho Oct 25,2012(SDN)-Qaar ka mida Burcad-badeeda Soomaalida ee ka qawleysta xeebaha ku teedsan dalkooda ayaa weerar jac ku siiyay markabka hormuudka u ah maraakiibta ka hawlgala xeebahaSoomaalida. Sida lagu sheegay war laga soo saaray taliska ciidamada NATO ayaa lagu xusay in markabka Rotterdam ee Holland laga leeyahay burcad weerartay. Burcada oo hawlgaladooda ugaarsi ee maraakiibta…

                Read More

                  GUDOOMIYAAH URURKA RAYS, AQOONYAHAN LA AAMINI KARO

                  Waxaa la gaadhay somaliland waqtigii loo hiilin lahaa aqoonta, aragti cusub oo siyaasadeed, iyo hogaan fahamsan isbedelka siyaaasadeed ee saameeynta ku yeelaan kara somaliland. Astaamahaas iyo kuwa kale oo muhiim ayay  tahay inuu yeesho qofka ummad hogaaminaya, hadaba marka aad eegto maanta wadamada aynu deriska nahay iyo aduunka intiisa badan ayaa ku talaabsaday inay hogaanka…

                  Read More

                    Prof. Cabdiweli Gaas oo soo gaaray Caasimada Puntland kadib markuu soo maray deegaano badan oo u dhexeeya Gaalkacyo iyo Garowe

                    Garoowe Oct 24,2012(SDN)-Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya  Dr Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas iyo Wafdi uu hogaaminayo oo kasoo kicitimay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug  ayaa Cagta soo mariyay deegaano badan oo u dhexeeya Gaalkacyo iyo Garowe intuusan caasimada Puntland soo gaarin. Dr Gaas ayaa waxaa ka mid ahaa goobihii uu soo maray…

                    Read More

                      Wasiirka WarfaafintaSomaliland:Ha’yadaha amniga u xil-saaranina waxay ku hawlan yihiin sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen Dambbiileyaashii dilka Axmed-Seki geystay

                      Hargeysa Oct 24,2012(SDN)-Wasiirka Warfaafinta Somaliland Md Abiib Diiriye Nuur(Timocad) ayaa wa uu maanta ka soo saaray ku canbaareeyay dil xalay loogu geystay mahaalada Laascaanood wariye Axmed Seki Faarax. Wariyaha oo ka tirsanaa TVga Universal ayaa waxa toogasho ku dilay rag afka soo duubtay. Wasiirka Warfaafinta Somaliland ayaa qoraalka uu ka soo saaray dilka u dhignaa…

                      Read More

                        Madaxweyne Siilaanyo oo tacsi u diray Agaasimihii hore ee Duulista oo ku geeriyooday Hargeysa

                        Hargeysa 24, October 2012 (SDN)- Madaxweynaha JSL, Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii, Qaraabadii, Asxaabtii, Ehelkii, Wasaaradda Duulista & Hawada, iyo Shacbiga reer Somaliland, oo uu ka tacsiyadaynaayo Geerida ku timid Duuliye Sare, MARXUUM, CABDI CALI OBSIIYE oo Maanta ku geeriyooday Magaalada Hargeysa, laguna aasay. Marxuumku waxa uu mudo dheer…

                        Read More

                          Wasiir Xaabsade Oo Ka Hadlay Qorshaha Xukuumadooda Uga Meel Yaala Guryihii Iyo Hantidii Kale Ee Ay Xukuumadii Hore Ee UDUB Iibisay

                          Hargaysa  Oct 24,2012 xigasho Wargayska geeska Afrika : Wasiirkaha hawlaha guud iyo gaadiidka Md. Axmed Cabdi Xaabsade, ayaa ka hadlay qorshe xukuumadda uu ka tirsanyahay uga meelyaala guryihii iyo dhulkii ay dawladu lahayd ee ay xukuumadii hore ee UDUB iibisay. Md. Xaabsade, wuxuu sheegay inay wasaaradiisu diyaarinayso warbixin ku saabsan hantidaas oo loo gudbin doono…

                          Read More

                            Abwaan Cabdilaahi Lagjar oo Madal toban qofood isugu timi ku shaaciyay Somaliweynimo(DHEGEYSO)

                            Toronto Oct 24,2012(SDN)-Waxa magaalada Toronto dhawaan lagu qabtay kulan looga hadlayo arimo dhawr ah oo salka ku hayay nooca ay noqon karaan wadahadalo dhex mara Somaliland iyo Soomaaliya. Kulankan oo ay ka khudbadeeyeen dad kala taageersan Khaatumo,Awdal iyo Makhir State ayaa khudbadii ugu xiisaha badneyd waxa jeediyay Abwaan hore ugu caan baxay difaaca gooni isu…

                            Read More

                              Madaxweynaha Kililka 5aad Iyo Ku-xigeenkiisii Oo Loo Diiday Inuu Safar Ugu Baxaan Debedda

                              Adis-ababaOct 24,2012 (SDN/Hubaal-W/wararka)- Dawladda Federaalka Ethiopia, ayaa  la sheegay in ay xilkii ka qaaday madaxweynihii Kililka shanaad ee Ismaamulka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar ( Cabdi Iley). Warkan oo aanu ka soo xiganay shabakadda Araweelonews  oo  iyadu boggeeda ku daabacday ayaa sheegaya in Madaxweynaha Kililka Shanaad ee Itoobiya oo qorshaynayay inuu safar dalka debediisa ugu…

                              Read More

                                Waran-Cadde oo Fashiliyey Cudud Qarannimada Somaliland Lid Ku Ah oo Qaramada Miboobey Maleegayaan

                                Hargeysa Oct 24,2012(SDN/Hubaal)- Siyaasiga Cali Maxamed Waran Cadde, ayaa cawaaqib xumo ku tilmaamay ciidammo uu sheegay in lagu tabobarayo meelo ka mid ah dalka Soomaliya oo uu ku eedeeyey inay  Qaramada Midoobey dabada ka wadaan. Cali Warancadde waxa uu sheegay in Ciidammadani hor dhac yihiin qorshihii cunaqabataynta lagaga qaaday hubka Soomaaliya ee ay dhawaan Qaramada…

                                Read More

                                  AlShabaab oo Deegaannada Ay Ku Hadheen Ka Mamnuucay Gawraca Xoolaha ee Ciidal-Adxaha

                                  Jawhar Oct 24,2012(SDN/W/wararka)-Xarakadda Alshabaab ayaa deegaanadda ay ku sii hadheen maamulkooda ka mamnuucay in gawraca Xoolaha ee maalinta Ciidul-adxaha oo ku beegan Jimcaha soo socda, iyagoo ku dooday In  dadka Soomaalida ahi si khaldan u gawracaan Xoolaha. Dhinaca kale Al-shabaab  ayaa  Ku Hanjabtay Inay Qaraxyo Ka Geysanayso dalka  Ingiriisk.  Sida lagu sheegay Qoraal ay ku…

                                  Read More

                                    Xil. Qabille oo Sheegay In Madaxweynuhu Markii uu Tegey Berbera Goddob ka Galay Musharraxiinta Xisbigiisa oo Siraad ku Raadinayay

                                    Hargeysa Oct 24,2012(SDN/Hubaal)- Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland ayaa naqdiyey socdaalkii dhawaan madaxweynuhu ku tegey gobolka Saaxil., isaga oo ku tilmaamay mid reer Berbera lagaga iibinayo musharraxnimadda maayarka Magaaladaasi Cabdalle Maxamed Carab oo kamid ah Musharraxiinta Xisbiga KULMIYE uga tartamaya golaha deegaanka ee Berbera. Xildhibaan Qabille waxa kale oo uu…

                                    Read More

                                      Mareykanka oo qiimeynaya Barnaamijka Qaxootiga Soomaalida dalkooda loogu soo qaado

                                      Nairobi Oct 24,2012(SDN)-Dawlada Mareykanka ayaa shaacisay in ay qiimeyn ku sameyneyso barnaamijka Qaxootiga Soomaalida ee Kiinya ku sugan loogu soo qaado dalka Mareykanka. Qiimeynta barnaamijka ayaa waxa sameyneysa haweeneyda kaaliyaha u ah xoghayaha arrimaha dibedda Anne Richard oo booqaneysa Nairobi. Dawlada Kiinya ayaa dhankeeda qorsheyneysa in Mareykanka ay ka raarido in Soomaalida Qaxootiga ku ah…

                                      Read More