Daahir Rayaale: “Xisbiga KULMIYE waa kii shirkoodii Burco (2008) ku kala tegay, UDUB-na intii mabda’iisa aaminsanayd maanta way ku sugan yihiin, 27-ka bishana…” (DHEGAYSO)
Hargeysa 23, August 2012 (SDN)- Madaxweynihii hore ee Somaliland ahna guddoomiyaha xisbiga khilaafaadku kala daadiyay ee UDUB Daahir Rayaale Kaahin, ayaa ku celiyay rejadiisa la xidhiidha in xisbigaasi ku soo bixi doono doorashada Deegaanka oo loo muddeeyay 28 November 2012. Daahir Rayaale oo maanta warbaahinta kula hadlay gurigiisa magaalada Hargeysa, waxa uu soo dhaweeyay in…
