QM oo Yemen u tagtay si ay ula socoto doorashooyinka madaxtooyada ee dalkaasi

    Sanca Feb 19,2012(qurbejoog.com)-Ergayga  Qaramada  midoobay  u qaabilsan  dalka  Yaman  Mr  Jamaal  Binu cumar  ayaa maanta  yimid  caasimadda  dalkaasi ee Sanca,  si uu  ula socdo habka ay  dalkaasi uga qabsoomayso  doorashada  madaxtinimada  iyo waqtiga  kala  guurka ah.   Waxana la filayaa in doorashada  madaxtinimada  dalkaasi ka qabsoonto  maalinta  salaasada ah ee soo  socota,  hase  yeeshee  waxaa…

    Read More

      Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda China oo booqday Dimishiq baaqna u jeediyay dhinacyada is haya ee Syria

      Dimishiq Feb 19,2012(qurbejoog.com)-Wafti  uu hogaaminayo  wasiir ku xigeenka arrimaha  dibadda ee Shiinaha  Mr  Jaa Jin  oo booqasho rasmi ah  ku joogay  caasimadda  dalka Suuriya  ee Dimishiq,  ayaa  maanta ugu baaqay k ooxaha  mucaaridka  ee hubaysan iyo ciidamada  qaranka  ee xukuumadda  Suuriya  in ay  si deg deg ah  u joojiyaan dagaalada  iyo  rabshadaha  ay  ka wadaan…

      Read More

        Xoghayihii Hore ee gobolka Saraar oo xilkii wareejiyay

        Caynaba Feb 18,2012(qurbejoog.com)-Xoghayihii hore ee Gobolka Saraar Cawil Axmed dheereeye ayaa maanta si rasmi ah Xilkii ugu wareejiyay Xoghaye cusub oo dhawaan wasaarada arrimaha gudaha Somaliland u magacowday. Munaasibad loo sameeyay xil-wareejintan labada Xoghaye Xilalka kula wareegeen oo ka dhacday xarunta Gobolka Saraar ee Caynaba ayaa waxa ka soo qayb galay Maamulka Gobolka Saraar, gaar…

        Read More

          Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada,Ciyaaraha iyo Dhaqanka oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Jabuuti

          Hargeysa Feb 18,2012(qurbejoog.com)-Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada,Ciyaaraha iyo Dhaqanka ee Somaliland Mudane Cabdi Siciid Faahiye ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa shan xubnood oo haween ah kana mid ah baarlamanka dalka aynu deriska nahay ee Jabuuti oo booqasho ku yimid Caasimada dalka ee Hargaysa. Waxa uu Wasiirku warbixin ka siiyay xubnaha weftigan hawlaha ay wasaaradani qaranka Somaliland uga…

          Read More

            Gollaha Wakiilada Somaliland oo maanta dhegeystay warbixino lix heyadood

            Hargeysa Feb 18,2012(qurbejoog.com)-Fadhigii Maanta ee Golaha Wakiilada ee Somaliland ayaa Gudida joogtada ah ee golahaasi waxay ka jeediyeen warbixin dheer oo ay ka soo uruuriyeen Lix Hay’adood oo ka mid ah laamaha dawlada waxaa kale oo ay golaha ka dalbadeen inay ansixiyaan xeerar ay ku shaqeeyaan waaxyaha dawladu. Waxaa fadhigan Shirgudoominayay, Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Md.C/raxmaan…

            Read More

              Britain oo codkeeda ku biirisay dhaleeceynta Iran

              London Feb 18,2012(qurbejoog.com)-Xoghayaha arimaha debadda ee dalka Britian Mr william Heag ayaa maanta ku tilmaamay barnaamijka Neuclier-ka ee dalka Iran mid u horseedaya dawladaha gobolka inay ku beretamaan samaynta hubka Neuclierka ah. Mr Heag waxa uu xusay in talaabooyinka Iran qaadaysaa ay horseedi doonaan inuu bariga dhexe galo dagaalkii qaboobaa ee dunida ka taagnaa qarnigii…

              Read More

                Syria oo dhimashadu sii kordheyso

                Dimishiq Feb 18,2012(qurbejoog.com)-Kooxaha xuquuqda aadanaha u dooda ee wadanka Suuriya ayaa maanta sheegay inay ilaa 48 ruux ku dhinteen goobo kala duwan markii ay Ciidamada dalkaasi si Axmaqnimo ah rasaas ugu rideen. Dhamaan dadka la dilay waxay qayb ka ahaayeen banaanbaxayaasha ka soo horjeeda nadaamka bashaar Al-Asad, waxaana lagu soo waramayaa in dad badan oo…

                Read More

                  Shirkii Garowe2 oo Xalay la soo gabogabeey​ey iyo madaxda Soomaalida oo wada saxiixay heshiis

                  Garowe February 18, 2012(qurbejoog.com)-Shirkii Dastuur u sameynta Soomaaliya ee loogu magac daray Garowe2 isla markaana magaalada Garoowe ka soconayay saddexdii maalmood ee ugu dambeysay ayaa caawa saq dhexe la soo gabogabeeyey iyada oo lagu gaaray heshiis buuxa oo ku aadan Nidaamka dalka lagu dhaqayo, Nooca Baarlamaan ee uu yeelanayo iyo weliba hirgelinta Mabaadii’dii Garowe.  …

                  Read More

                    Ugaanda oo ku adkeysay madaxda Soomaalida in ay ka faaiideysato fursada shirka London

                    Muqdisho Feb 18,2012(qurbejoog.com)-Dawlada dalka Ugaanda oo Soomaaliya ay ka joogaan ciidamada ugu badan ee AMISOM ayaa maanta ku boorisay madaxda Soomaalida ee ku kala qeybsan siyaasada in ay u midoobaan sidii shacabka Soomaaliyeed looga faaideyn lahaa shirka London. Wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Ugaanda Okello Henry Oryem oo booqana Muqdisho ayaa sheegay in madaxda Soomaalida…

                    Read More

                      Shirka Garowe oo maalintii saddexaad galay iyo wefdi uu hogaaminayo madaxweynaha oo maanta soo gaaray

                      Garowe, February 17, 2012(qurbejoog.com)-Shirka Wadatashiga Dastuurka Soomaaliya ee ka soconaya magaalada Garowe ee xarunta Puntland ayaa galay maalintiisii saddexaad iyada oo maantana ay soo gaareen madasha shirka wefdi uu hogaaminayo madaxweynaha dowladda Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed iyaga oo loo sameeyay munaasabada qado ah oo ay isku arkeen madaxda kale ee shirka.   Shirka ayaa…

                      Read More

                        Gudoomiyaha Gobolka Gebilay ayaa maanta xadhiga ka jaray jid laami ah oo isku xidhi doona wadada ka timaada degmada Wajaale iyo Kastamka Kala baydh

                        Gabiley Feb 17,2012(qurbejoog.com)-Gudoomiyaha Gobolka Gebilay Xuseen Cumar Magan ayaa maanta xadhiga ka jaray jid laami ah oo isku xidhi doona wadada ka timaada degmada Wajaale iyo Kastama Kala baydh kaas oo ay maal gelisay Dawlada hoose ee Magaalada  Gebilay . Waxaa munaasibad loo sameeyay xadhig ka jarista wadadan ka qayb galay Maayara Magaalada Gebilay Marwo…

                        Read More

                          Burcad-badeeda Soomaalida oo tiradooda guud la shaaciyay

                          Nairobi Feb 17,2012(qurbejoog.com)-Qaramada Midoobey ayaa shaaca ka qaaday tirada Burcada Soomaalida ee ka qawleysta badaha geeska Africa,kuwa ku xidhan dalalka maxkamadeeya burcada la qabto iyo sida looga hortegi karo. Ergeyga QM u qaabilsan maandooriyaha iyo denbiyada Wayne Miller ayaa maanta London ka sheegay in tirada dhabta ah  ee Soomaalida ah ee ka qawleysta badaha Gacanka…

                          Read More

                            Britain oo shaacisay ujeedada shirka ay Soomaalida u qabaneyso

                            New York Feb 17,2012(qurbejoog.com/dailystar)-Dawlada dalka Britain ayaa damacsan in ay Beesha caalamka iyo Soomaalidaba ka iibiso qorshe cusub oo isugu jira mid ciidan iyo mid siyaasadeed oo culeyska ku siyaadin doona kooxda Al Shabaab isla markaana gacan adag ku qaban doona burcad badeeda,sidaa waxa lagu yidhi warbixin ay daabacda jariirada The Dailystar oo Britain ka…

                            Read More

                              Shirka Garowe2 oo maalintii labaad si habsami leh u socda iyo qodobo horudhac ah oo ka soo baxay

                              Garowe, Feb 16, 2012(qurbejoog.com)-Shirka Garowe2 ee wadatashiga Dastuurka Soomaaliya ayaa maalintii labaad si habsami leh uga soconaya xarunta Jaamacadda Puntland iyadoo saaka ay ergooyinku isu qeybiyeen saddex qeybood kuwaasoo diirada saarayay arrimaha kala ah Federaalku waxa uu yahay iyo midka ugu haboon ee ay Soomaaliya xilligan qaadan karto, Dowlad Wanaaga iyo weliba hirgelinta Axdigii Garowe…

                              Read More

                                Gollaha Wasiirada KMG ah oo shir yeeshay maanta

                                Muqdisho Feb 16,2012(qurbejoog.com)-Shirkii caadiga ahee ee Golaha Wasiirada ayaa maanta waxaa shir-guddoominayey Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xuseen Carab Ciise, waxaana looga hadlay arimaha amniga, warbixin laga dhageystay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Norway, magacaabis Taliyaha Ciidanka Asluubta, siyaasadda Isboortiga dalka, warbixinno laga dhageystey wasiiro iyo shirka London iyo in cunaqabateynta laga qaado dalka. Ugu horreyntii waxaa…

                                Read More

                                  Mucaaridka Jabuuti oo ku kala qeybsamay mudahaarad dhawaan lagu wado in uu ka dhaco guddaha iyo dibeddaba

                                  Jabuuti Feb 16,2012(qurbejoog.com)-Waxa soo baxaya xog tibaaxeysa in mucaaridaka dalka Jamhuuriyada Jabuuti ay ku kala qeybsameen ka qeybgalka mudaharaad lagu wado maalmaha soo socda in ay sameyaan shacabka reer Jabuuti ee guddaha iyo dibedda. Shakigan ayaa yimi ka dib kolkii ay axsaabta mucaaridka qaar ka mid ahi aaney weli ka hadal ama ku booriyin shacabka…

                                  Read More