Ra’iisul Wasaare Cumar iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo si diirran loogu soo Dhoweeyey Degmooyinka Burtinle iyo Gaalkacyo.

    Gaalkacyo, July 20, 2015 (SDN/QJ)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo ka kooban labadda Gole ee dowladda, la-taliyayaal iyo masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland oo safar dhanka dhulka ah oo ka kicitimay  magaalada Garowe ee xarunta Puntland ayaa gaaray magaalooyinka Burtinle iyo Gaalkacyo. Ra’iisul Wasaaraha XFS…

    Read More

      Wasiir Cadami & Weftigiisii Oo Maaro U La’ Xal U Helidda & Xasilinta Nabadgelyada Ceerigaabo.

      Hargeysa,19july,2015(QJ/SDN)-Weftiga heer qaan oo ka kooban Wasiirka Gaashaandhigga Axmed X. Cali (Cadami) oo isagu weftiga hoggaaminaya Wasiirka Khyraadka Biyaha Baashe Cali Jaamac, Xildhibaan-Bulqaas oo golaha wakiillada ka tirsan iyo Badhasaabka G/Gabiley Mustafe Cabdi Ciise oo tan iyo dhammaadkii toddobaadkii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Ceerigaabo si ay xal uga raadiyaan khilaafaad beeleedyo sababay arrimo ay…

      Read More

        Suldaanka Guud Ee Beelaha Somaliland Sul.Maxamed Sul.Cabdiqaadir Oo la filayo In uu Ka qayb galo Shirka Salaadiinta Soomaaliyeed Oo ka Dhici Doona Puntland.

        Hargeysa,19july,2015(QJ/SDN)-Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa la filayaa in uu ka qayb galo shirka salaadiinta soomaaliyeed oo ka dhici doona deegaanada puntland gaar ahaan magaalada Qardho. Shirkan oo looga hadli doono danaha ummadda soomaaliyeed ee ku nool mandaqada geeska afrika, shirkan ayaa la filayaa in diiradda lagu saari doono sidii ummadda soomaaliyeed…

        Read More

          Madaxweynihii Hore ee Punt land oo Si diiran Hargaysa loogu soo dhaweeyay DAAWO

          Hargaysa 19.July 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynihii hore ee Puntland Mr. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa galabta siweyn loogu soo dhaweeyay madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Air pot ee magaalada Hargeysa, isla markaana waxa Cabdiraxmaan Faroole ayaa waxa madaarka ku soo dhaweeyey madaxda xukuumadda Somaliland, madax-dhaqmeed, culimada iyo shacabka tiro badan oo lulaayey sawirka madaxweynihii hore…

          Read More

            Guddiga doorashooyinka oo markii u horreysay ka hadlay khilaafka Muddo-kordhinta & bilawga diiwaangelinta Codbixiyeyaasha DAAWO

            Hargaysa 19.July 2015 (SDN/QJ)- Guddiga doorashooyinka Qarnaka Somaliland, ayaa markii ugu horreysay maanta ka hadlay muddo-kordhinta Golaha Guurtidu u sameeyey Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada, isla markaana shaaciyey xilliga rasmiga ah ee ay bilaabmayso diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha doorashooyinka, iyagoo xusay inaanu khilaafka siyaasiga ah ee muddo-kordhinta Guurtida iyo Heshiiska Xisbiyada oo aan weli dhinacna la isla-dhigin. Shan…

            Read More

              Xiisaddii deegaanka Qarxis oo heshiis rasmi ah laga gaadhey

              Garowe 19.July 2015 (SDN/QJ)- Waxaa heshiis rasmi ah laga gaarey xiisaddii ka aloosneyd deegaanka qarxis ee u dhexeysey saraakiisha hoggaaminayey ciidamada gadoodsan iyo dowladda Puntland. Waan-waanta oo muddo labo bilood ku dhow soo socotey islamarkaana marxalado badan soo martey waxaa ugu dambeyntii lasoo afjaray xalay, kadib markii labada dhinac tanaasul badan sameeyeen islamarkaana si wadajir ah…

              Read More

                ..”Umada Somaliland Igama ay Baran Hadalo Deelqaaf ah Balse Wasiir Abgaal Isaga ayay Hadalada Deelqaafku Ku Badnaa Oo Uu Madaxweynaha Wasiirka Uu U Yahay Cay Hawada Uu Marin Jiray..” Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeen Xisbiga Ucid DAAWO

                Boorama 19.July 2015 (SDN/QJ)- Musharaxa Jagada Madaxweyne Ku Xigeen ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid ayaa ka fal celiyay Dhaleecayn uu u so Jeediyay Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta oo ay ka soo wada jeedaan Gobolka Awdal. Musharax C.rashiid Xasan Mataan Waxa uu Sheegay inaan Shacabka Somaliland isaga ku baran Caytan iyo Aflagaado halka taas badalkeeda…

                Read More

                  Wasiir Xukuumadda Ka Difaacay Eedo Kaga Yimi Dhinaca Musharraxa Madaxweyne-ku-xigeen Ee Xisbiga Ucid

                  Borama:Jully,19,2015(SDN/QJ)-Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo isgaadhsiinta somaliland Maxamed Jaamac Abgaal, ayaa raalligelin ka bixiyey dhaliilo dhawaan ka yimi dhinaca Musharraxa Madaxweyne-ku-xigeenka Xisbiga Ucid Cabdirashiid Xasan Mataan, kuwaas oo uu dhaqanka xukuumada ku dhaliilay Madashii salaadda ciidda lagu tukanayey ee Magaalada Borama. Wasiir Maxamed Jaamac Abgaal, waxa uu sheegay inuu raalligelin buuxda ka bixinayo erayadaas xukuumadda lagu…

                  Read More

                    Komsihanka Doorashooyinka Qaranka Oo Shaaciyey Xilliga Rasmiga ah ee Diiwaangelinta Codbixiyayaashu Bilaabmi doonto

                    Hargeysa:Jully,19,2015(SDN/QJ)-Guddiga Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa Maanta si rasmi ah u shaaciyey xilliga rasmiga ay bilaabmi doonto diiwaangelinta codbixiyayaasha oo si weyn loo sugayey. Shir jaraa’id oo ay maanta saxaafadda ugu qabteen xafiiskooda ayey ku sheegeen inay 21-ka bishan April ee aynu ku jirno diiwaangelinta Codbixiyayaasha bilaabmi doonaan, iyagoo ugu horrayn ka bilaabi doona gobolka Togdheer,…

                    Read More

                      Wararkii ugu dambeeyay dagaal xoogan oo ciidamada Ahlu Sunna iyo kuwa Dowladda ku dhexmaray Gobolka Galgaduud

                      Dhuusa-mareeb,19july,2015(QJ/SDN)-Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud, dagaal culus ayaa wuxuu halkaasi ku dhexmaray ciidamada Ahlu Sunna iyo ciidamo ka tirsan Dowladda Federalka Somalia.  Ciidamo ka tirsan kuwa Ururka Ahlu Sunna ayaa la sheegayaa inay wadada u galeen ciidamo ka tirsan Dowladda oo uu la socday Taliyaha ciidanka Dowladda ee Xerada 21-aad Sulub Axmed…

                      Read More

                        Fu’aad Aadan Cadde: Han-fogaan….Kal-furnaan Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale

                        Fu’aad Aadan Cadde: Han-fogaan……..Kal-furnaan “Giddigeed adduunyada intii, geesi lagu faanay, Gocasho iyo magac baa ka hadha, gobi u aydaaye, Waad gudatay Muusow xilkii, kula gudboonaaye, Guushii ifkiyo aakhiroba, lagu guddoonsiiye, Gol-dalooladeennii kuwii, kula gufayn waayay, Ee nolosha kugu gabay ayaa, taagan goonyaha e’, Markaad guurtay bay leeyihiin, Ina Galaaloowe, Mar haddaanad geerida horteed, geesiga aqoonsan,…

                        Read More

                          Akhriso: Warmurtiyeed laga soo saaray Shirkii saddex Geesoodka ahaa ee Garoowe ka socday

                          Garowe,19july,2015(QJ/SDN)-Shirkii ka soconayay Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland una dhaxeeyay Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa waxaa laga soo saaray Warmurtiyeed. Warmurtiyeedka laga soo saaray ayaa waxaa uu ka koobnaa 4 qodob oo dhinacyada Garoowe ku shirsanaa ay soo saareen. Afhayeenka Xukuumadda C/salaam Caato ayaa…

                          Read More

                            Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Gaas Oo Safar Ugu Kicitimay Dalka Kenya.

                            Garowe,19july,2015(QJ/SDN)-Madaxweynaha Maamulka Puntland mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa safar shaqo ugu kicitimay magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya. Wararka ayaa sheegaya in m/weyne Gaas uu halkaasi kula kulmi doono madaxda wadankaasi Kenya. Madaxweyne Puntland oo saxaafadda u waramay intii uusan gegida ka duulin ayaa sheegay in safarkiisa uu yahay mid…

                            Read More

                              “Anigaa Madaxweyne Khaatumo u ah oo wada-hadal aanu Somaliland la leenahayna ma jirto.” Prof. Cali Khaliif.

                              Hargeysa,19july,2015(QJ/SDN)-Madaxweynaha Maamulka KHaatumo Prof. Cali Khaliif Galaydh, ayaa ma Ka hadlay warar sheegaya inay wada-hadal la fureen Somaliland, waxana uu sheegay inaanu jirin wax wada-hadal ah oo haatan jiraa. Cali khaliif oo la hadlay warbaahinta Munaasibadda Ciidda Awgeed, ayaa tilmaamay in wararka soo baxaya ee sheegaya inay jiraan wada-hadal maamulkiisu la furay Somaliland iyo Puntland…

                              Read More

                                Madaxweynihii Hore Ee Maamulka Puntland Cabdirraxmaan Faroole Oo Maanta La Filayo In Uu Magaalada Hargeysa Soo Gaadho.

                                Hargeysa,19july,2015(QJ/SDN)-Madaxweynihii Hore ee  Maamul goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa La Filayaa Inuu maanta Socdaal ku yimaado Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland, Safarka cabdiraxmaan Faroole ayaan si cad loo ogeyn ujeedadiisa balse ilowareedyadda aanu ka helany warkan ayaa sheegaya  in uu yahay mid Shakhsi ah iyadoo  Caruurta uu dhalay ay Hargeysa kagaba Soo Horeyeen kuwaasi…

                                Read More

                                  Sidee Looga Ciidday Magaaladda Jig-jiga Ee DDSI- DAAWO SAWIRRADA.

                                  Jig-jiga,19july,2015(QJ/SDN)-Guud ahaan Deegaanka soomaalida itoobiya ayaa shalay si wayn looga ciiday iyadoona aad loo sii qurxiyay Wadooyinka,Goobaha loogu talogalay salaada Ciidul-fidriga sidoo kalana lagu qurxiyay wadooyinka laydhadh kala jaad jaad ah iyo boodhadh ay ku xardhanaayeen farxada iyo Qiimaha balaadhan ee ay maalintani u leedahay Muslimiinta ajiibtay waajibaadkii soonka. Magaalada jigjiga oo ah caasimada dowladd…

                                  Read More

                                    Ciidamada FBI-da Maraykanka Oo La Wareegtay Amaanka Airport-ka Jomo Kenyatta Ka Hor Usbuuc Booqashada OBAMA.

                                    Nairobi,19july,2015(QJ/SDN)-Xili lagu wado in maalinta Jimcaha ee fooda nagu soo hayso uu magaalada Nairobi soo gaaro M/weynaha Mareeykanka Obama, ayaa amaanka guud ee Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta, waxaa la wareegay ciidamada FBI-da Mareeykanka kuwaasoo si weyn usii xaqiijinaya amaanka. M/weyne Obama oo Aabihiis kasoo jeedo Dalka Kenya, ayaa booqashadiisa waxay noqon doontaa tii ugu horeeysay…

                                    Read More

                                      “Baaqa Xukuumadu waa Horumar waxaana Hubaal ah in Muftaaxa Horumarku yahay Nabada ee aynu isku taageersano horusocodka” Wasiir Xirsi

                                      Hargeysa,19july,2015(QJ/SDN)-Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda JSL,ayaa ka qeybaha Bulshadda ku hanbalyeeyay Munaasibadda Ciidal-fidriga,waxaana uu ILAAHAY uga barayay in uu Bishan bisheedda ku gaadhsiiyo nabad-qab iyo horumar. Waxa uu dhinac kale ka hadlay hawla horumarineed ee Xukuumadda uu ka tirsanyahay Dalka ka hirgalisay,isaga oo Bulshaddana usoo jeediyay inay Xukuumadda kala shaqeeyaan Horumarka. Wasiirka ayaa sidaas ku sheegay Qoraal…

                                      Read More