13-kamid ah Dadkii Dhawaan Ku Dhaawacmay Hutel Central Oo Saaka Dibadda Loo Diray
Muqdisho:March,01,2015(SDN/QN)-Xukuumadda Somalia, ayaa saaka diyaarad gaar ah ku qaadday 13-qof oo kamid ahaa dadkii dhawaan ku dhaawacmay Qaraxii Hutel Central, kuwaas oo xaaladdooda caafimaad aad u liidatay. Saaka ayaa dadkan laga qaaday Magaalada Muqdisho, waxaana loo qaaday dalka Isutaga Imaaraadka Carabta oo xaaladooda caafimaad lagu soo dabiibaayo, maadaama dhaawacyadooda ay cuslaayeen. Wasiirka caafimaadka Xaawo Xasan…
