Xasan Sheekh Oo Taageero Buuxda U Muujiyey Xukuumadda Cusub Ee Ra’isal Wasaare Sharma’arke Soo Dhisay
Mogadisho:Jan,14,2015(SDN/QJ)-Madaxweyne Xasan sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horraysay ka Hadlay Xukuumadda Cusub ee Ra’isal Wasaare Sharama’arke soo dhisay, waxana uu tilmaamay inuu soo dhaweynayo. Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu sheegay inuu si kal iyo laab ah usoo dhaweynayo Golahan cusub ee Wasiirrada, waxana uu xusay in kaliya ay hadhsan tahay in Baarlamaanku waajibkooda ka gutaan,…
