Madaxweyne Siilaanyo Oo Cafis U Fidiyey 2-Mudane Oo Ka Tirsan Golaha Deegaanka Borama Oo Muddo Jeelka ku Jirey
Hargeysa:Jan,15,2015(SDN/QJ)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, ayaa ugu dambayntii cafis madaxeyne u fidiyey laba xildhibaan oo ka tirsan Golaha Deegaanka Borama oo muddo bilo ah ku xidhnaa Xabsiga Mandhera, kuwaas oo ku eedaysnaa inay rabshado ammaandarro ah ka abaabuleen Borama. Madaxweynaha ayaa cafiskan fidiyey kadib markii uu shalay shir ballaadhan oo saacado qaatay la yeeshay Odayaal iyo…
