Safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya oo lacag ugu deeqay dadka Soomaaliye​ed ee abaaruhu saameyeen

    Mugdisho, 02 November 2014(SDN/QJ) – Safiirka dalka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Danjire Wei-Hongtian ayaa Dawladda Soomaaliya ku wareejisay deeq lacageed oo gaaraysa US$ 20, 000 oo dollar , taas oo loogu talagalay in lagu caawiyo dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha iyo biyo la’aanta ka jirta qeybo ka mid ah gobollada dalka. Xog-hayaha Joogtada ee…

    Read More

      Madaxda ugu sareysa dalka oo ka qeyb galay Aas Qaran oo loo sameeyay Taliyihii Ciidanka Booliska Soomaaliye​ed

      Mogadishu, 02 November 2014(SDN/QJ) –Madaxda ugu sareysa dalka ayaa ka qeyb galay Aas Qaran oo gelinkii danbe ee maanta loogu sameeyay Dugsiga tababarada Ciidanka Booliska ee General Kaahiye, Taliyihii Ciidammada Booliska Soomaaliyeed S/G Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil oo oo maalintii khamiista ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Madaxweynaha Jamhuuriyadda F. Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Golaha…

      Read More

        Tifaftirihii Guud ee Telefishanka HCTV oo is casilay, qoraalna ku faahfaahiyay duruufaha ku kelifay

        Hargeysa 2, November 2014 (SDN)- Tifaftirihii guud ee Telefishanka Horn Cable TV (HCTV) Mr. Cabdillaahi Aaden Cumar (Wayab), ayaa sheegay inuu iska casilay xilkii tifaftirka telefishankaas oo uu in muddo ah hayay. Mr. Wayab oo xalay qoraal kasoo saaray Hargeysa, wuxuu ka hadlay sababaha dhaliyay inuu shaqada ka tago, taasoo uu ku xidhiidhiyay mulkiilaha HCTV…

        Read More

          Siyaasi Ka Tirsanaa Xisbiga Waddani oo Todobaad Rumaan ah Maxkamadi u dirtay

          Hargaysa 02.Nov 2014 (SDN/QJ)- Maxkamada  Hargeysa ayaa Toddoba Cisho oo Rumaan ah  u jartay Xoghayahii Xanaanada Xoolaha ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Md. Xasan Goodaad oo ay Xukuumaddu dhawaan xidhay, Gurigiisana ka soo qabatay. Siyaasigan oo shalay la geeyay maxkamadda Hargeysa, ayaan la garanayn eedaha rasmiga ah ee loo haysto, waxaanay xisbiga Waddani xadhigiisa…

          Read More

            Maydka Taliyhii Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo dib loogu soo celiyay Muqdisho

            Muqdisho 2/11/2014(SDN/QJ)Maydka taliyihii booliska Somalia, Jen. Maxamed Xasan Ismaaciil ayaa maanta dib loogu soo celiyay Muqdisho, kaddib markii Nairobi loogu qaaday baaritaanno la xiriira sababihii deg-degga ahaa ee uu u dhintay. Ma jirto weli wax war ah oo laga soo saaray sababta keentay geeridiisa, balse warar hoose ayaa sheegaya in dhakhaatiirtii baaray ay sheegeen inuu u…

            Read More

              Gudoomiyaha Garabka Haweenka Xisbiga Ucid ee Qarada Yurub Marwo Saynab Xaaji Gaydh oo Hambalyo u Dirtay Ganacastadda Suuqa Gobonimo Oo Ku Biiray Xisbiga Ucid

              London 02Nov14(SDN) Gudoomiyaha Garabka Haweenka Xisbiga Ucid ee Qarada Yurub Marwo Saynab Xaaji Gaydh oo Hambalyo  iyo Boggaadin u diraysa   Ganacastadda Suuqa Gobonimo Oo Ku Biiray Xisbiga Ucid  . Gudoomiye Saynab ayaa waxay kale oo ay ka hadashay sida xisbiga ucid ugu sii xogaysanayo Gobolada Somaliland , sidaa waxay ku shegtay qoraal gaban oo…

              Read More

                Magaalada Tog Wajaale Oo Qaybo Ka Mida Dab Qabsaday Xukuumadoo Wax Dabdamisa U Dirin Iyo Dadwayne Gadoodsan Oo Mudaharaadyo Isugu Soo Baxay

                Wajaale(SDN/QJ)Magaalada Togwajaale Oo Ah Magaalo Ganacsiyeed Ku Taala Xadka Somaliland Iyo Etoobiya Islamrkaan Ay Taalo Hanti Malaayin Dollar Ah Ayaa Saaka Waxaa Dab Qabsaday Meherad Yar Taasi Oo Dabkii Kakacay Uu Galaaftay Meherado Balaadhan Wali Aan La Ogayn Kharaasaha Rasmiga Ah Ee Uu Dabku Gaadhsiiyay Hantida Dadka. Wararka Aanu Ka Helayno Magaalada Wajaale Ayaa Sheegaya…

                Read More

                  Gudomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Oo Cadhaysan Faragalinta Xukumadu Ku Hayso Golaha Barlamanka Iyo Mudo Kordhinta Xukumadu Ku Hawlantahay

                  Hargeisa (SDN/QJ)Tan iyo markii lasoo afjaray khilaafkii ka dhashay diiwaangelinta madaniga ah ee ay ka heshiiyeen xisbiyada mucaaridka iyo xisbiga muxaafidka ah ee kulmiye iyo xukuumada siilaanyo  oo isku dhinac ah ayaa waxay safar wada jir ah ugu anbabaxeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya safarkaas oo macnihiisu ahaa sidii laysula meel dhigi lahaa qolyaha deeq…

                  Read More

                    Marwada Madaxweyne Siilaanyo Oo Diiwaanka Taariikhdeeda Laga Soo Saaray Hadal Foolxumo Badan Oo Maalintay Ku Tiraabaysay La Qurux Badnaa

                    Hargeysa:Nov,02,2014(SDN/QJ)-Marwada Madaxweynaha Somaliland ayaa Xilligii Xisbiga Kulmiye Mucaaridka ahaa waxa diiwaanka Loo Geliyey Hadal maalintaas la qurux badnaa oo faan iyo waxtar la ahaa,  balse Maanta la foolxumaaday. Marwo Aamina Waris oo afmiishaanimo iyo codkarnimo caan ku ahayd ayey saxaafadda Somaliland si weyn u daba gashay weedho xanaf lahaa oo ay kaga dhawaaqday Magaalada Wajaale…

                    Read More

                      Guddoomiye Cirro Oo Beeniyey Inuu Guurtida u Gudbiyey Waxka Beddel iyo Dib-u-sax uu Ku Sameeyey Xeerka Diiwaangelinta

                      Hargeysa:Nov,02,2014(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland,  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa waxba kama-jiraan ka dhigay inuu dib u saxay ama waxka beddel ku sameeyey Xeerka Diiwaangelinta Codbixiya-yaasha oo ay Hore Golaha Guurtidu  usheegeen inay wax ka Khaldan yihiin. Guddoomiye Cirro oo maanta la Hadlay qaar kamid ah warbaahinta Dalka, ayaa si cad usheegay in xeerkii la yaallo…

                      Read More

                        Gudoomiyaha Xisbiga Wadani laantiisa Uk oo soo dhaweyey xubno ka mida tageerayasha Xisbiga ee Xaafada Brent ee Konfur Galbeed London

                        London 02Nov14(SDN) Gudoomiyaha Xisbiga wadani ee Uk Mujaahid Xasan Adan Cade  ayaa kulan la qatay tagerayaal iyo xubno golaha dhaxe ee wadani ee ku sugan xaagada Brent ee Wembley kulankan oo ahaa sidi xisbiga loo dardar galin lahaa lona furi lahaa laantii u balanayd ee wadani oo noqonaya xisbgii u horeyey oo xafiis ka furta…

                        Read More

                          Dhuxuloow:Tartanka Heesaha Hirgalay waxuu qeyb ka yahay Horumarka Fanka Soomaaliyeed

                          Mogadishu Nov 2014(SDN/QJ) – Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustafa Sheikh Ali Dhuxulow ayaa xalay ka qeybgalay Tartanka Heesaha Hirgalay oo ay ku tartamayeen afar dhalinyaro ah oo tijaabinayey inay ka mid noqon karaan Fannaaniinta Soomaliya. Wasiirka Warfaafinta ayaa yiri “Tartanka Heesaha Hirgalay waxuu qeyb ka yiahay Horumarka Fanka Soomaaliyeed.” Wasiir ku xigeenka Warfaafinta, Guddoomiye Ku xigeenka…

                          Read More

                            Madaxtooyada Oo Ka Gam’I La’ Dhaliishii Aareeye Iyo Masuulkii Saddexaad Oo Lagu Khasbay inuu Jawaab Bixiyo

                            Hargeysa:Nov,02,2014(SDN/QJ)-Aqalka Madaxtooyada somaliland, ayaa Wali ka Seexan la’ Hadallo kulkulul ooh ore Xildhibaan Aareeye ugu jeediyey madaxweyne Siilaanyo oo haatan aanu xidhiidhkoodu fiicnayn. Maalin kadib ayey ahayd markii afhayeenka Madaxtooyadu Bixisay jawaabtii ugu horraysay ee lagu dirayo Cali Aareeye, balse waxa la arkay inaaanay jawaabtaas oo uu bixiyey afhayeen dhuxul aanay gaadhin halkii la rabay,…

                            Read More

                              Fannaan Soomaaliyeed Oo Khaati Ka Taagan Daba-gal ay Ku Hayaan Sirdoonka Ingiriisku

                              London:Nov,02,2014(SDN/QJ)-Al-fannaan Aarka Maanta oo ah Fannaan soomaaliyeed oo heesihiisa waayadan dambe aad loo dhegaysto, ayaa  dhibane aan cidi ogayn u noqday Ciidanka Sirdoonka dalka Ingiriiska. Sida aanu Wararka ku helayno, waxa uu fannaankani muddo dareemayey daba-gal joogto ah oo ciidankaasi ku hayaan dhaqdhaqaaq kasta oo uu sameeyo, gaar ahaan xilliyadda uu safrayo. Wararka aanu Hayno…

                              Read More

                                Ethiopia Oo U Yeedhay Ra’isal Wasaaraha Somalia iyo Sababaha loo Aanaynayo

                                Addis Ababa:Nov,02,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda Waddanka Ethiopia, ayaa la sheegayaa inay U yeedhay Ra’isal wasaaraha Somalia Cabdiwli sheikh Axmed si la iskugu dayo in hoos loo dhigo khilaafka dhex yaalla isaga iyo Ra’isal wasaaraha. Wararka nasoo gaadhaya, ayaa in ra’iisal wasaaraha warqad qoraal ah ka soo gaadhay dhigiisa Ethiopia Hailemariam Desalegn,taasi oo loogu sheegay C/wali in sida ugu…

                                Read More

                                  Akhri Tirada Xildhibaanada ah ee Saxeexday Mooshinka Xilka Lagaga Qaadayo Ra’isal wasaare Cabdiweli

                                  Muqdisho:Nov,02,2014(SDN/QJ)-Caasimadda Somalia ee Muqdisho, waxa ayaamahan ka socoto xaasaasiyad ay dhalisay khilaafka labada masuul ee dalka ugu sarreeya ka dhaxaysaa, waxana  si muuqata loola socdaa iskooxaysiga dhinaca siyaasadda ah ee xukuumadda dhexdeeda ka socda. Shacabka ayaa indhahooda ku arkaya olole xooggan oo ay wadaan mudanayaal ka tirsan Aqalka shacabka, kuwaas oo doonaya inay Baarlamaanka horkeenaan…

                                  Read More

                                    Hoggaanka Boliska Somalia Oo Sharraxay Sababta Meydka Talahooda Loogu Qaaday Nairobi

                                    Muqdisho:Nov,02,2014(SDN/QJ)-Hoggaanka Booliska Somalia, gaar ahaan midka Gobolka Banaadir, ayaa ka Hadlay sababta Meydka Taliyhii ciidankaas loogu qaaday Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya. Taliska sare ayaa sheegay inay meydka u geeyeen Magaalada Nairobi arrimo la xidhiidha sidii baadhitaan loogu samayn lahaa sababaha keenay dhimashadii degdegga ahayd eek u timi. Taliyaha, ayaa gelinkii dambe ee Khamiistii ku…

                                    Read More