Ganacsade Caan ah Iyo Tiro Dhakhaatiir ah Oo Loo Xidhay Geerida Taliyihii Booliska Somalia iyo Meydka Taliyaha Oo Nairobi Lala Hadal Hayo

    Muqdisho:Oct,31,2014(SDN/QJ)-Guddii uu Ra’isal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed u saatay Baadhitaan lagu sameeyo Geerida Taliyihii Ciidanka Boliska Somalia, ayaa la sheegayaa inay tallaabooyinkoodii ugu horreeyey qaadeen. Wararka Guddidaas Kasoo Baxaya, ayaa sheegaya inay isla garteen in Meydka loo qaado Magaalada Nairobi, si loo xaqiijiyo sababta Rasmiga ah ee Geeidiisa Keentay, maadaama xilli xaasaasi ah khilaaf jiro…

    Read More

      Ururka Gabalkiisu Dhacay Ee SOLJA Oo Cambaarayn Hawada U Mariyey Xadhig Xukuumaddu Kula Kacday Wariye Reer Gabiley ah

      Hargeysa:Oct,31,2014(SDN/QJ)-Ururka Khilaafku Awooddiisa kala dhantaalay ee Solja, ayaa cambaarayn Hawada  u mariyey Xadhiga Wariyihii HCTV uga soo warrami jirey Gobolka Gabiley oo xukuumaddu xabsiga dhigtay. Ururuka SOLJA oo muddo Dhawr bilood ah aan cid hadal haysa la maqlin, isla-markaana  hore ugu kala jabay garab Xukuumadda Taageersan iyo mid kasoo horjeeda, ayaa haatan dib loo maqlay…

      Read More

        Akhri Sababtii Keentay In Reer Gabiley Fagaare Ku Gubaan Calanka Kulmiye Iyo Mudane Baarlamaanka Ka Tirsan Oo Ceebo Dul Hoganayaan

        Hargeysa:Oct,31,2014(SDN/QJ)-Kadib daba gal dheer oo ay samaysay Shabakadda Caalamiga ah ee Qurbejoog.com, waxanu xaqiijinay in Shacabka reer Gabiley ee shalay ku gadooday Calankii xisbigii ay kursiga dalka saareen ee Kulmiye ay ka cadhoodeen tallaabooyin ay halkaas ka abaabulayeen shakhsiyaad uu hoggaaminayo Mudane Baarlamaanka ka tirsan oo isagu Muxaafid ahi. Sida aanu warka ku xaqiijinay waxa…

        Read More

          Afhayeenka Wadani ee Sweden oo canbaareeyay Xadhiga Xubiinta Guddiga Fuliinta Ee Xisbiga Wadaani Mr Goodaad Iyo Wariyaha HCTV Ee Gobolka Gebiley

          Stockholm Oct 31,2014(SDN/QJ)-Afhayeenka xisbiga Wadani laantiisa Sweden Mudane Cantar Kidaar Cune ayaa dhanbaal uu na soo gaarsiiyay waxa uu ku canbaareeyay falkii xukuumadu xabsiga ku dhigtay masuul xisbigaa ka tirsan iyo suxuufi ka hawlgala TVga HCTV. Afhayeenka ayaa qoraalka uu nasoo gaarsiiyay uu sidan u dhignaa: “aniga oo ku hadlaya magaca xisbiga wadaani ee guud iyo kana scandanvianka…

          Read More

            Qaar kamid shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo loo qabtay Aqoon Is-weydaarsi la xiriira shaqada

            Mogadishu Oct 31, 2014(SDN/QJ)– Waaxda Shaqada Shaqaalaha iyo Tababarrada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya, ayaa aqoon isweydaarsi soconayay hal maalin u qabatay qaar kamid ah shaqaalaha Xafiiska, kaasoo qeyb ka ahaa barnaamijka Tababarka iyo Tayeynta Shaqada iyo Shaqaalaha XRW oo uu ku dhawaaqay Mudane C/qaadir Cabdi Faarax Xog-hayaha Joogtadda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Tababarkaan oo…

            Read More

              Khilaafkii Golaha Wakiilada oo Weji kale Yeeshay Xildhibaanada oo Isugu Hanjabay Mooshino Xil ka Qaadis Madaxweyne iyo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada

              Hargaysa 31.Oct 2014 (SDN/QJ)- Laba xildhibaan oo kala taageersan Madaxweyne Siilaanyo iyo guddoomiye Cirro, kana tirsan golaha wakiilada, ayaa dood adag oo ay yeesheen waxa ay isku weydaarsadeen weedho kulul oo xanaf leh. Labada xildhibaan oo kala ah Xildhibaan Ibrahim Caraale Ruush oo taageersan Madaxweyne Siilaanyo iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Xoog) oo taageersan guddoomiye…

              Read More

                R.W Cabdiweli oo ka Tacsiyeeyay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Taliyihii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, guudi geeridiisa baartana magacaabay

                Mogadishu Oct 31, 2014(SDN/QJ)– Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa ka tacsiyeeyey geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Allaah u naxariistee Taliyihii Ciidamadda Booliska Soomaaliyeed General Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil oo si kadis ah galabta ugu geeriyooday magaalada Muqdisho. Isagoo ku hadlaya Magaciisa, kan Xuumadda iyo kan shacabka Soomaaliyeed ayuu Ra’iisul…

                Read More

                  Mudanayaasha Garabka Xukuumada oo Jiho Khaldan u Qaaday Weedho dhinaca ka soo Hor jeedaa ku dhaliileen Xukuumada

                  Hargaysa 31.Oct 2014 (SDN/QJ)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye(Nac-nac), oo ka tirsan Golaha wakiilada ayaa Gudoomiye xigeenka 1-aad ee Wakiilada ka difaacay eedaymo uu u jeediyay Xildhibaan Bashiir Tukaale oo Mucaaradka wakiilada ah. Waxa uu Xildhibaan Nacnac ku eedeeyay Xisbiga Waddani inuu yahay mid ka maarmay Bulshada Reer Somaliland ee Sool. “Sidaas Wanaag laguma Gaadho Wadankana Hakala…

                  Read More

                    Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyey geeridii ku timid taliyahii Ciidamadda Boliiska

                    Abu Dubai Oct 31, 2014(SDN/QJ)– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka tacsiyeeyey geeridii Allaah ha u naxariistee Taliyahii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Ismaacil oo maanta ku geeriyooday Muqdisho. “Innaa Lillaahi wa innaa Illayhi raajicuun, waxaan Eebbe ka baryayaa inuu dhammaanteen samir iyo iimaan naga siiyo Taliyahii Ciidanka Booliiska…

                    Read More

                      Muqdisho oo laga Furay Goobo lagu Diiwaangeliyo Dhallinta uu Madax maray Fikirka Jihaadku si ay uga barbar dagaalamaan Kooxda Daacish

                      Muqdisho 31.Oct 2014 (SDN/QJ)- Wararka laga Helayo Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in Halkaas laga diiwaangeliyo Boqolaal Dhallinyaro ah oo la Dhacsan Dagaallada ururka Daacish wado, kuwaas oo doonaya inay gaadhaan Dalalka Ciraaq iyo Syria. Sarkaal Sare oo ka tirsan Ururka Al-shabaab, ayaa qaarkamid ah Warbaahinta u sheegtay in dadka buugaasi lagu diiwaan galiyo loo qeybin…

                      Read More

                        Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Amniga oo Ragii la Xidhnaa ee Maxkamaddu Dembi ku weydey Mar kale Xabsiga dib loogu celiyey

                        Hargaysa 31.Oct 2014 (SDN/QJ)- Laba Nin oo la xidhnaa Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cabdillaahi Abbokor Aw Cismaan, balse uu Garsooraha Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ee Axaddii toddobaadkan xukunka ku riday Cabdillaahi Abbokor iyo Askarigii ilaalada u ahaan jiray uu sheegay in wax dembi ah lagu waayey oo ay Maxkamaddu Fasaxday,…

                        Read More

                          Khilaafkii Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha oo ay Soo raaceen Is fahmi waa Xoogan oo soo kala dhex galay Waaxdii Garsoorka Somalia

                          Muqdisho 31.Oct 2014 (SDN/QJ)- Khilaafka u dhexeeya xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo guddoomiyaha maxkamadda sare ayaa cirka isku sii shareeraya, iyagoo  ay labadan mas’uul warbaahinta isku mariyeen hadallu u muuqday inay isku eedeynayaan.   Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, Avv. Caydiid C/llaahi Ilko-Xanaf oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in xeer ilaaliyaha…

                          Read More

                            Xukuumada oo Xabsiga dhigtay Mas’uul sare oo ka tirsan Xisbiga Waddani iyo Afhayeenka Xisbigaas oo ka hadlay

                            Hargeysa 31.Oct 2014 (SDN/QJ)-Xoghayaha Xanaanada Xoolaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Xasan Axmed Goodaad,ayaa Xabsiga loo taxaabay kadib markii uu dhawaan dhaliilo ugu jeediyay Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan(Saleebaan-Gaal). Sida Wararku sheegayaan Xukuumada Somaliland ayaa dhibsatay Dhaliilo xoogan oo uu u jeediyay Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo iyo Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan-Gaal sida ay ugu badheedheen…

                            Read More

                              Dhallinyaro Reer Gebilay ah oo dabka qabadsiiyay Calanka Xisbiga Kulmiye,Maxaa Sababay? DAAWO

                              Gebilay 31.Oct 2014 (SDN/QJ)- Axsaabta Mucaaridka ah ee Ucid iyo Waddani ayaa Badhtamihii Bishan October waxay Magaalada Gebilay ku qabteen Munaasibado ay u sameeyeen Taageerayaal la sheegay inay ka soo digo rogteen Xisbiga Kulmiye. Hasa yeeshee Xisbiga Talada dalka haya ee Kulmiye ayaa isagu waxa uu Shalay Magaalada Gebilay ku qabtay Kulan uu Nuxurkiisu ahaa…

                              Read More

                                “Saddexdii qoddob-ba xukuumaddu way fulisay oo waxa u dambeeya mashruucan biyaha ee aynu daah furayno” Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil

                                Laascaanood 31.Oct 2014 (SDN/QJ)- Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, oo ka mid ah madax-dhaqameedka waaweyn ee gobolka Sool, ayaa shaaca ka qaaday in xukuumadda Somaliland ka soo baxday balan-qaadyadii Horumarinta gobolka la xidhiidhay, iyaguna ay lama huraan tahay inay ka soo baxaan oo ay garab istaagaan xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo ka shaqaynaysa horumarinta dalka. Sida uu…

                                Read More

                                  “Laascanood Dasturka Puntland ee aan ku dhaartay ayey ka mid tahay,gacantayada waan ku soo celinayaa Laascanod, In Afti laga qaado….” Madaxweyne C.weli Gaas

                                  Garowe 31.Oct 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Maamul-goboleedka somaliyeed ee Puntland Cabiweli Maxamed Cali(Gaas), ayaa soo jeediyey in baahi loo qabo in afti ku saabsan cidda ay jecel yihiin inay raacaan laga qaado shacabka deggen Gobolka Sool oo maamulkiisu sheegto inuu ka tirsan yahay. Madaxweyne Gaas waxa uu sheegay inuu si dhab ah u doonayo in shacabkaas…

                                  Read More

                                    Wasiirka horumarinta caalamiga ah ee Britain oo booqatay Muqdisho Kana Hadashay Arrimo aanay Somalidu Niyad u hayn

                                    Muqdisho 31.Oct 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka horumarinta caalamiga ah ee dowladda Britain, Lynne Choona Featherstone oo  booqatay magaalada Muqdisho ayaa qaar ka tirsan wasiirrada xukuumadda Soomaaliya kala hadashay sidii loo xoojin lahaa xuquuqda haweenka iyo in la hubiyo in ay haweenku yihiin halbowlaha horumarka dalka. Lynne Featherstone, ayaa la kulantay wasiirka haweenka iyo horumarinta xuquuqda aadanaha…

                                    Read More

                                      Halkan ka daawo dood xiiso badan oo dhexmartay sadexda Xisbi qaran Kulmiye Ucid iyo wadani khilaafka Golaha Guurtida iyo wariye Mustafe Shaafi

                                      London31Oct14(SDN/QJ) Baraamijka Xulashada Todobaadka oo iska kashadaan webka qurbejoog iyo wariye Mustafe Shaafi oo lagu soo qatay dood xiiso badan oo dhexmartay Sadexda Xisbi Qaran oo lagu falaqaynayey khilaafka xeerka doorashooyinka baraamijkan oo xiiso badnaa ayaa waxa si kulul uga dooday xeerka dorashooyinka sadexda xisbi Halkan kaa daawo.

                                      Read More

                                        Xaruntii Baarlamanka Burkina Faso oo dab la qabadsiiyay Iyagoo ka Gadoodsan Mudo Kordhin loo sameeyo Madaxweynaha dalkaasi

                                        Burkina Faso 30.Oct 2014 (SDN/QJ)- Wararka ka imana dalka Burkina Faso ayaa sheegaya in rasaas laga maqlayo meel u dhow madaxtooyada dalkaasi, ka dib markii goobtaas ay ka dhaceen mudaharaado kala duwani, waxaana dadka isu-soobaxa samaynayaa ay dab qabadsiiyeen dhismaha baarlamaanka. Xiisadahan ka curtay dalka Burkina Faso ayaa yimi ka dib markii golaha sharci-dejintu uu…

                                        Read More