“Kuwa weeraray danaha Mareykanka way carari karaan balse ma dhuuman karaan” Xoghayaha arrimaha dibada Maraykanka

    Washington 06.October 2013 (SDN)- Xog-hayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka John Kerry ayaa sheegay in kumaandooska Mareykanka ay weerareen guri ku yaalla magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose si ay u qabtaan xubno sare oo ka tirsan Al-Shabaab oo aan la magacaabin. Hasa yeeshee, Kerry waxa uu qiray in howlgalku uu fashilmay kaddib markii ciidanka gaarka…

    Read More

      Kenya oo Shaacisay Qaar ka Mid ah Dablaydii Weerartay Xaruntii Ganacsi ee Westgate

      Nairobi 06.October 2013 (SDN)-Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday magacyada afar ka mid ah raggii weeraray xarunta ganacsiga Westgate ee magaalada Nairobi. Afhayeenka milateriga Kenya Major Emmanuel Chirchir ayaa saxaafadda u sheegay in ragga la aqoonsaday ay u kala dhasheen dalalka Kenya, Sudan iyo Soomaaliya, kuwaas oo ka qeyb qaatay weerarkii  bishii hore lagu qaaday xarunta…

      Read More

        Saxmad Hor leh oo ku soo Korodhay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cade ee Muqdisho

        Muqdisho 06.October 2013 (SDN)- Airporka Caalamiga ah  Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa haatan waxaa ka socda howlo balaaran oo la xiriira horumarinta Airporka, iyadoo Mashquul aad u baahsan laga dareemayo ayna halkaasi ka soo dagayaan muwaadiniin Soomaaliyeed iyo dad ajaanib ah,   halka kuwa kalana ay ka dhoofayaan Airporka,  waxaana ka socda dhismo balaaran oo…

        Read More

          Dawladda Xasan Sheekh Maxamuud Oo Lagu Wareejinayo Lacag Malaayiin Doolar ah ICAO Ka Ururisay Hawada Soomaalida Iyo Xukuumadda Somaliland Oo Aan Waxba Kala Soconin

          Muqdisho:6-Oct-2013(SDN)-Xukuumadda Somaliland Gaar ahaan wasaaradda Duulista Hawada ayaan wali ka Hadlin Natiijada Shir dhawaan ku qabsoomaya Dalka Canada Oo Hay’adda ICAO Dawladda Federalka  ah ee Soomaaliya ugu Oggolaatay inay ugu wareejiso lacag Malaayiin Dollar ah laga Ururiyey Hawada Soomaalida oo Midda Somaliland ku Jirto. Sida Ay Baahisay Shabakadda Wararka ee Hiiraan Online, waxa shir dhawaan…

          Read More

            Maraykanka oo Sheegtay inuu ka Dambeeyey Weerarkii lagu Qaaday Magaalada Baraawe

            Washington:6-Oct-2013(SDN)-Dawladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in ciidankeeda sida aadka  ah u tababarin ay weerar ku qaadeen Magaalada Baraawe ee Soomaliya Aroortii hore ee Maalinimadii Sabtidii. Weerarkaas dawladda Maraykanku wax faahfaahin ah oo intaas sii dheer kama ay bixinin, waxase sida wasaaradda Arrimaha Dibaddu hadalka u dhigtay oo uu weerarkaasi u muuqdaa mid fashilmay oo aan…

            Read More

              Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Hadal Yididiilo leh Ka Sheegtay Diiwaangelinta Muwaadiniinteeda

              Hargeysa: 6-Oct-2013(SDN)-Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde ayaa markii ugu horraysa sheegay in Somaliland Guud ahaanba laga bilaabi doono Diiwaangelinta Shacacabka oo in muddo ahba la sugayey.   Wasiir warancadde oo maalintii shalay waraysi siiyey qaar ka mid warbaahinta dalka Somaliland, ayaa xusay  in Wakhti kooban Gudihii dalka laga higelin diiwaangelintaas oo uu…

              Read More

                Dawladda Hoose ee Hargeysa oo Shaqadeedii Fadhiid Noqotay iyo Muwaadiniintii Soo Doortay oo Farta Dhexda ka Qaniinsan.

                Hargeysa:6-Oct-2013(SDN)-Golaha Deegaan ee Hargeysa oo da’doodu madaxa la gashay muddo sanad ah ayaa noqday  qaar fadhiid ah oo shacabkii soo doortay ku riday Naxdin iyo yaab aanay marnaba filaynin.   Golaha Deegaanka oo dad badani filayeen inay  noqdaan qaar ka duwan kuwii ka horreeyey oo lagu xaman jirey shaqo la’aan iyo is qabqasbsi dhexdooda ah…

                Read More

                  Wefti Wasiiro ah oo Ceergaabo lagaga Mudaharaaday(SAWIRO)

                  Ceergaabo 06.Oct 2013-(SDN) Mudaharaad lagaga soo horjeedo imaantinka Koox wasiiro ah oo maalintii shalay magaalada Ceergaabo soo gaadhay ayaa maanta ka dhacay magaalada. Imaatinka wasiiradan oo salka ku hayey xalinta raadadkii tabnaa ee ay ka tagtay isku daygii bedelka lacagta shilinka somaliga ah, ayaa bulshada ku dhaqan magaalo madaxda Gobolka sanaag Ceergaabo ay muujiyeen saluug…

                  Read More

                    Weerarkii Shalay ee Baraawe Yaaqaaday,yaase lagu qaaday?

                    Baraawe Oct 06,2013(SDN)-Weerar shalay lagu qaaday aqal ku yaal xaabta magaalada Baraawe ayaan ilaa iyo haatan la garaneyn cida qaaday,waxaase soo baxaya in weerarka lagu qaaday mid ka mida hogaaamiyeyaasha Shabaabka. Ilo wareedyo kala duwan ayaa tibaaxaya in weerarka lagu bartilmaansaday nin Ajenebi ah oo ka mid ah hogaanka sare ee Al Shabaab. Isla xogahani…

                    Read More

                      Weerarkii Westgate Mall ka dib Ciidamada la dagaalanka Argegixisada oo Soomaalida Bartilmaansada

                      Nairobi Oct 06,2013(SDN)-Ciidamada dalka Kenya ayaa la sheegay in ay intii ka danbeysay weerarkii lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate Mall waxa ay bartilmaansadaan Soomaalida dalkaasi ku nool. Ciidamada ayaa ciidii ay Soomaali u gartaan ama u muuqaal egba xabsiyada ku gurayay todobaadyadii ka danbeeyay weerarka. Ubax Abukar oo ah haweeney Soomaali ah oo heysata…

                      Read More

                        Weftigii Madaxweynaha oo Turkiga kulan kula qaatay Dublamaasiyiin iyo Ganacsato iyo Qodobo la isku afgartay {DAAWO}

                        Istanbul 05.October 2013 (SDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo Weftigii uu hogaaminayay ee Socdaalka ku jooga dalka Turkiga ayaa Kulan la qaatay Safiirka Turkiga u qaabilsan Somaliland iyo Somalia,iyo Qaar ka mid ah Shirkadaha Maalgashi ee Wadankaas iyo Xubno Ganacsato ah . Waxa kale oo uu madaxweynuhu kulan la yeeshay qaar…

                        Read More

                          Argagixisadii Weerartay Xaruntii Ganacsi ee West Gate ee Magaalada Nairobi oo Muuqaal laga duubay la soo bandhigay {DAAWO}

                          Nairobi 05.October 2013 (SDN)-Warbaahinta caalamiga ayaa wali warbixino ka qoraya weerarkii Westgate Mall ee 21-kii September ay ku qaadeen dabley hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasoo dilay ilaa 67ruux isugu jiray dadkii ka shaqeynayay xarunta ganacsiga iyo dadkii u soo adeeg doontay. Telefishinka Sky News ayaa soo bandhigay muuqaal muujinaya in raga dableyda ee weerartay ay…

                          Read More

                            Ra’isal Wasaaraha Somalia oo Hortagaya Baarlamanka iyo Gudoonka Baarlamka Somalia oo Baaq u diray Xildhibaanada

                            Muqdisho 05.October 2013 (SDN)- Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa xildhibaannada gobollada iyo dibadda ugu maqan fasaxyo shaqo u qabtay inay caasimadda ku xaadiraan muddo 15-cisho ah, si loo amba-qaado kulamada golaha oo dhowr jeer kooram la’aan u baaqday. Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ka hadlayay kulankii golaha shacabka ee maanta ayaa sheegay…

                            Read More

                              Xuska Sadex sanno Guuradii aasaaska Ciidamada Bada ee Punt land oo Si Mug leh loogu dabaal degay

                              Boosaaso 05.October 2013 (SDN)- Munaasabad ku aaddan saddex sano-guuradii ka soo wareegtay aasaaskii ciidamada badda ee maamulka Puntland ayaa maanta lagu qabtay xero wayn oo ciidamadu ay ku leeyihiin galbeedka magaalada Boosaaso. Cutubyo ka tirsan ciidamada badda ayaa goobta ku soo bandhigay dhoollatus ay ku muujinayeen xirfaddooda iyo howlaha ay qabtaan, waxaana goobta ka muuqday…

                              Read More

                                Wasiirka Caafimaadka oo tababar u soo Gabo gabeeyay Daryeelayaasha Caafimaadka ee Gebilay

                                Gebilay 05.October 2013 (SDN)- Wasiirka wasaaradda Caafimaadka ee JSL Dr saleebaan Ciise axmed (xaglo Toosiye) ayaa maanta magaalada Gebiley tababar ugu soo xidhay Daryelayssha caafimaadka ee deegaankaasi, daryeelayaashaas oo bixin doona barnaamijka loo yaqaan ((Marwo Caafimaad)), halka sidoo kalena uu dhagax dhigay xarun caafimaad oo laga dhisayo deegaanka Geed-ballaadh ee isla gobolkaasi. Ka qayb galayaashii…

                                Read More

                                  Golaha Wakiilada oo Meel mariyay Xeerka Booliska Somaliland oo Mudo badan hor yaalay

                                  Hargaysa 05.October 2013 (SDN)- Fadhigii maanta ee golaha wakiiladda oo uu shir gudoominayay gudoomiyaha golaha wakiiladda j s l md cabdiraxmaan maxamed cabdilaahi ayaa mudanayaasha gilahaasi waxay cod gacan taag ah ku meel mariyeen xeerka booliiska j sl iyo mooshin ku saabsan inay xildhibaanada goluhu mushaharadooda boqol doolar uga jaraan mashruuca wadada ceerigaabo muddo sanad…

                                  Read More

                                    Magaalada Laascaanood oo uu ka socdo Qorshihii dib u habaynta Bilicda Magaalooyinka Waaweyn

                                    Laascaanood 05.October 2013 (SDN)- Magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool waxaa si habsami leh uga socda qorshayaashii wasaaradda arimaha gudaha ee hagaajinta iyo dib u habaynta bilicda magaalooyinka kaasoo ay halkaa ka fulinayso dawladda hoose ee magaaladaasi. Hawlgal qayb ka ah hagaajinta bilicda magaalooyinka ayaa saaka mar kale waxaa si kama dambays ah loogu baneeyey waddo…

                                    Read More