Qaar ka mid ah Tahriibayaashii Soomaaliyeed Ee Doontu la Gubatay Oo Magacyadooda la shaaciyey

      Valleta:4-Oct-2013(SDN)-Waxa isa soo taraya wararka ku saabsan tahriibayaashii maalintii shalay doonnidu kula qarraqantay Badda u dhaw jasiiradda Malta, iyadoo ay halkaasna ku dhinteen soomaali tiro badani, halka qaar kalena la la’yahay. Doonida waday Dhalintani ayaa waxaa la soo warinayaa inay kasoo ambabaxday Xeebaha Dalka Libya hayeeshee markii ay gaardhay kala badh Badda isu xidha…

    Read More

      “waxanu Caalamka Dacwad ugu Gudbinnay Shan Shakhsi oo qaarkood aanay Masuuliyiin ahayn oo Boobay Lacagtii dadkan, Madaxweynahana waxanu ku Haysannaa………”Eng. Faysal Cali Waraabe.

      Hargeya:4-Oct-2013-(SDN)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa markale Xukuumadda Somaliland ee uu Gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne           Axmed Maxamed Maxamuud(siilaanyo) u jeediyey Eedo kulul oo dhinacyo badan taabanaya. Eng. Faysal Cali waraabe oo  u warramayey Telefishanka Somsat, ayaa xukuumadda ku dhaliilay  maamul-xumo iyo kala daadsanaan ka dhex jirta  dawladda, isagoo  xusay…

      Read More

        Ismaamulka Kililka Shanaad Ee Ethiopia oo Jeelasha ka Buuxiyey Arday Iyo Waalidiin Soomaaliyeed

          Jigjiga:4-Oct-2013(SDN)-Maamulka Kililka shanaad ee Itoobiya ayaa  Ayaamahan ugu dambeeyey Jeelasha ka buuxiyey Waalidiin iyo Arday Soomaaliyeed iyo sababo kala duwan ugu safrayey Dalka Ithiopia. Dadkan lagu xidh xidhay Kililka shanaad waxa ay gaadhayaa laba boqol iyo kontomeeyo qof, waxaanay ku safrayeen baasaaboorada Somaliland iyo Itoobiya oo u Fiisaysnaa, illaa hadana lama garanayo sababta Maamulkaasi…

        Read More

          Xaaladda Magaalada Ceerigaabo oo Kacsan iyo Wafti Wasiirro ah Oo Maalmaha Soo Socda U Kicitimaya Deminta Muranka Taagan

          Hargeysa: 4-Oct-2013-(SDN)-Magaalo-madaxda Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo ayaa intii muddo ahaydba waxa ka taagnaa Dhibaato ka dhalatay lacagtii shilin Soomaaliga ahayd oo la beddelay, waxana arrintaasi keentay isku dhacyo dhimasho gaadhay. Shaqaadan oo muddo bil ku dhaw halkaas ka taagnayd ayaa lagu sababeeyey saluug Beelaha Magaalada Dega Qaarkood ka muujiyeen  Hannaankii lacagtaas loo beddelay, waxana intaas…

          Read More

            War Deg Dega:Haweeneydii Boolisku toogteen ee Dooneysay in ay Xooga ku gasho White House-ka oo cida ay tahay la shaaciyay

            Washington Oct 04,2013(SDN)-Haweeney shalay gelinkii danbe dooneysay in ay gaari jiirsiiso oo boolisku ku toogteen aqalka cad agagaarkiisa ayaa la shaaciyay magaceeda iyo muuqaalkeedaba. Haweeneydan oo la yiraahdo Mariam Carey ayaa la sheegay in da’adeedu tahay 34 jir isla markaana ka soo jeeda gobolka Connecticut. Haweeneydan ayaa sidoo kale la shaaciyay in ilmaha yar ee…

            Read More

              Obama oo ku cariyay Guddoomiyaha Wakiilada Mareykanka in uu cod geliyo qorshahiisa

              Washington Oct 04,2013(SDN)-Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama oo ka hadlay dooda baarlamanaka ka taagan ee xanibtay adeegyadii dawlada dalkaasi maalintii afaraad ayaa u soo jeediyay Guddoomiyaha Gollaha Wakiilada Mareykanka. Madaxweynaha ayaa sheegay in miisaniyada dalka oo ay hore u ansixiyeen aqalka Senate-ka uu cod geliyo oo hadii la ansixiyana uu aqbalo natiijada. Guddoomiyaha Gollaha Wakiilada…

              Read More

                Shir hawleed lagaga hadlayay Tayaynta Caafimaadinta Xoolaha oo Garowe lagu soo Gunaanaday

                Garowe 03.October 2013 (SDN)- Wasaaradda  xanaanada xoolaha ee Puntland ayaa maanta magaalada Garoowe ugu soo gababaysay shir u socday guddi Punland u qaabilsan tayo dhowrka caafimaadka ee cunooyinka laga keeno dalka dibaddiisa, kuwaasoo qaarkood la sheego in laga qaado xannuuno halisa. Guddigaan  waxay isugu jiraan xubno ka kala socda wasaaraddaha dowladda Puntland iyo jaamacaddaha, waxaana…

                Read More

                  Madaxweyne Obama iyo Aqalka Congresska oo Isku Mari la’a Qorshaha Caafimaadinta ee Obama

                  Washington 03.Oct 2013 (SDN)-Madaxweyne Obama iyo Hoggaamiyayaasha Congresska ayaa isku afgaran waayay kulan ka dhacay aqalka cad, kaasi oo la rabay in xal loogu helo hakadka ku yimid shaqada dawladda Maraykanka. Madaxda golayaasha Senatka iyo Aqalka hoose ayaa ka soo baxay Aqalka Cad ka dib markii kulan saacad ah ay la yeesheen madaxweyne Obama, hase…

                  Read More

                    Mudada lagu Jiro Bisha Udxiyada oo Somalia laga Mamnuucay Gawraca Xoolaha Dhedig

                    Muqdisho 03.October 2013 (SDN)-Wasaaradda kheyraadka ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta mamnuucday in la gowraco xoolaha dheddigga ah inta lagu jiro udxiyada. Agaasimaha waaxda caafimaadka xoolaha ee wasaaradda kheyraadka Sowda Maxamuud Rooble oo shir jaraa’id ku qabatay Muqdisho ayaa dadka iyo hay’adaha samafalka uga digtay inay gowracaan neefka riman, kan irmaan iyo midka…

                    Read More

                      Qodobo ka soo baxay Shirkii Golaha Wasiirada ee dawlada Federaalka Somalia

                      Muqdisho 03.Oct 2013 (SDN)- Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa kaasoo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, iyadoo kulankan looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin shirka dib u heshiisiinta ee Jubba, heshiiskii shirkadda Sahminta shidaalka ee Soma Oil and Gas Exploration, iyo warbixinta…

                      Read More

                        Madaxweyne Siilaanyo iyo Weftigiisii oo Turkiga Kulan kula qaatay Gudida Horumarinta Dhaqaalaha iyo Maalgashiga ee Turkiga {DAAWO}

                        Ankara 03.Oct 2013 (SDN) Weftigii uu Hogaaminayay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo ku Sugan Magaalada Ankara ee Wadanka Turkiga ayaa kulamo kala duwan la qaatay Gudida Horumarinta Dhaqaalaha iyo Maalgashiga ee Wadanka Turkiga iyagoo ka wada hadlay Meelaha ay Somaliland uga baahan tahay in laga maalgashado iyo fursadaha tirada badan ee…

                        Read More

                          Wasaaradda Caafimaadka Somaliland iyo dhakhaatiirta TB-da oo ku dhawaaqay in Hoos u dhac weyni ku yimi

                          Hargaysa 03.Oct 2013 (SDN)-Mas’uuliyiinta barnaamijka la dagaalanka Qaaxada Qaranka ayaa maanta si weyn u beeniyey warbixin  uu wargayska Haatuf daabacay maanta oo khamiis ah kuna beegan 3.Oct.2013, warbixintaas oo uu wargaysku ku sheegay in fiditaanka cudurka Qaaxadu uu kor uga kacay deegaanada Jamhuuriyadda Somaliland. Mas’uuliyiinta oo maanta ka hadlay xaaladda qaaxadda ee gudaha wadanka ayaa sharaxaad…

                          Read More

                            Madaxweyne ku Xigeenka Jamhuuriyada Somaliland oo Xafiiskiisa ku qaabilay Shirkad Maalgashi Caalami ah dalka ka fulinaysa

                            Hargaysa 03.Oct 2013 (SDN)- Madaxweyne ku xigeenka JSL ahna ku simaha madaxweynaha MD Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay kambaniyo Maalgashi oo caalami ah Madaxweyne ku xigeenku iyo labada Kambany ee kala ah AlPho Ray iyo Hanford University waxa ay si balaadhan uga wada hadleen mashaariicda iyo fursadaha iskaashi ee wadanka…

                            Read More

                              Kulan ku Wajahan Diiwaangelinta Mihnadlayaasha Caafimaadka oo Hargaysa lagu Qabtay

                              Hargaysa 03.October 2013 (SDN)-Aqoon isweydaarsi socon doona muddo hal maalin ah ayna ka qayb qaadanayaan xirfadlayaasha caafimaad ee Reer Somaliland ujeedadiisuna tahay sida ay isu diiwaangelin lahaayeen xirfadlayaasha caafimaad ee dalka ku sugan ayaa maanta lagu qabtay Hotel Maansoor ee Magaalada hargaysa. Agaasimaha fulinta ee gudida heer Qaran ee Xirfadlayaasha caafimaadka oo furitaankii aqoon iisweydaarsigan…

                              Read More

                                ” Shirka Jubooyinka Loo Qabanayaa Waa Xal Wanaagsan” Xildhibaan Nuur Faarax

                                Muqdisho 03.Oct 2013 (SDN)-Xildhibaan Nuur Faarax Jaamac oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaaciyey in shirka dib u heshisiisinta goboladda Jubooyinka ee lagu qabanayo Magaalada Muqdisho uu xal wanaagsan u yahay arrimaha siyaasadeed ee ka taagan goboladda jubooyinka. Xildhibaan Nuur Faarax waxaa uu daboolka ka qaaday in shirkaasi uu yahay…

                                Read More

                                  Warbxin si Qoto dheer u faahfaahisay Dhismaha Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Boosaaso

                                  Garowe 03.Oct 2013 (SDN)- Wakhtigii wuxuu ka dhamaaday Xukuumada Gen. Cade Muuse iyadoo aan dhamaystirin Terminal-ka Garoonka Boosaaso wax qorshe ahna aan u haynin dhismaha Dhabaha diyaaraduhu ku cararaan (Runway) . Markii ay Xafiiska la wareegtay Xukuumada Madaxweyne Dr. Cabdiraxamaan Sh. Maxamed Maxamuud (Faroole) waxay dadaal u gashay sidii loo dhamays tiri lahaa Garoonkaas iyadoo…

                                  Read More

                                    Hay’ad la Wareegtay adeega Caafimaad ee Xarunta Hooyada iyo Dhalaanka ee Cisbitaalka Kismaayo

                                    Kismaayo 03.October 2013 (SDN)- Hay’ad caalami ah oo lagu magacaabo American Refugee Committee (ARC) ayaa maanta la wareegtay gacan ku heynta qeybta hooyada iyo dhallaanka ee isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.  Dr. Cabdisamad Abuukar Xaaji oo ka tirsan madaxda Isbitaalka ayaa sheegay in hay’adda ay bixin doonto mushaharka shaqaalaha, daawada…

                                    Read More

                                      Mareykanka iyo burburka dhaqaale ee maalin walba oo dawladu xiran tahay

                                      Washington Oct 03,2013(SDN)-Dawlada Mareykanka ayaa maalintii sadexaad aa n shicibkeeda u soo bandhigin adeegyadii dawladeed ee loo doortay. Arintan oo dhacday kolkii axsaabta dalkaasi isku afgaran waayeen odoroska miisaaniyada sanadka. Aqalka Wakiilada ayaa hakiyay dekhliga barnamijka caafimaad ee Obama care oo ah qorshe kolkii u horeeysay shacabka Mareykanka u saamexaya in ay helaan caafimaad ay…

                                      Read More