Ra’isal Wasaaraha Wadanka Somalia oo Tacsi u diray Dadkii ku Naf Waayay Masiibadii ka dhacday jasiiradda Lampedusa
Muqdisho 05.October 2013 (SDN)- Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa ka tacsiyeeyay dhimashada tahriibayaal Soomaali ah oo dhowaan ku geeriyooday xeebta jasiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga kaddib markii ay degtay doon ay saarnaayeen. Raysul wasaare Shirdoon waxa uu war qoraal ah ku sheegay inuu aad uga naxay dhimashada ka dhalatay doonta ku…
