Xasan Sheekh Oo Tacsiyeeyey Dilkii Xildhibaan Xuseen Cabdisalaan.

    Washington:23-Sep-2013(SDN)-Madaxeweynaha Dawladda ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyey Dilkii habeenkii xalay magaalada Muqdisho loogu geystay xildhibaan  Xuseen cabdilaahi oo ka mid ahaa Baarlamaanka soomaaliya. Madaxweynaha ayaa tacsi u diray eheladdii , Qaraabadii iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriday  Allah ha u naxariisee Marxuum   Xuseen C/Salaam” Inaa Lilaahi wa inaa Ilaahi…

    Read More

      Maalintii saddexaad Oo La isku Dhex Fadhiyo Westgate Iyo Warar dheeraad ah

      Nairobi:23-Sep-2013(SDN)-Waxa Maalintii saddexaad sii socota Gacan-ku-hayntii Dablayda Hubaysani ee Xarunta Westgate, waxana LA sheegayaa in hawlgalku meel fiican marayo.  Kooxdan ayaa la sheegayaa inay haatan ku sugan yihiin Dabaqa Afraad ee xaruntan, waxana saaka la maqlayaa rasaas kala duwan oo ay is weydaarsanayaa Ciidanka ammaanka iyo kooxaha hubaysani.   Saraakiisha ciidanka Booliiska dalka Kenya ayaa…

      Read More

        “Madaxweynuhu Karaamadii umadda oo dhan buu sitaa, markaasuu khaakh dhaha oo tuuf dhaha leeyahay intuu umad dhan is hortaagay, waana waxa aanu ugu yeedhayno” xildhibaan Mataan.

        Hargeysa:23-Sep2013(SDN)-Xildhibaan Aadan Muxumed Hoorre (Mataan) oo ka tirsan Golaha wakiillada Somaliland, ayaa deedafeeyey Hadal dhawaan ka soo yeedhay Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax oo hore u sheegay inaan Goluhu xaq u lahayn inay  madaxweynaha u yeedhaan. Xildhibaan Hoorri oo maalintii shalay waraysi gaar ah siinayey Shabakadda wararka ee Qurbejoog.com, ayaa sidoo kale…

        Read More

          Eng. Maxamed Xaashi Oo Qalinkiisa ku soo Bandhigay Boogaha Xukuumadda iyo Xalka uu U hayo

          Hargeysa:23-Sep-2013(SDN)-Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa Qoraal Dheer oo soo Saaray si faahfaahsan uga hadlay Xaaladda Guud ee Dalka Somaliland iyo Caqabadaha lagama-gudbaanka ah ee ilaa intii Somaliland dhidibadda loo taagay ay ka tallaabsan la’dahay. Eng. Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu qoraalkiisan ku caddeeyey sida Dalka Somaliland Qaniga ugu yahay…

          Read More

            Koox Suxufiyiin ah oo Hargaysa loogu soo gabo gabeeyay tababar ku wajahan wacyigelinta AIDS-ka

            Hargaysa 23.Sep 2013 (SDN)- Agaasimaha Komiishanka Qaranka ee Xakamaynta AIDS Prof Cabdi Cali Jaamac ayaa labaatan xubnood oo ka kala socday hay’adaha warbaahinta Somaliland waxa uu aqoon isweydaarsi laba cisho socday ugu soo gabo gabeeyay huteelka Imperial ee Magaalada Hargaysa . Aqoon isweydaarsigan oo lagu baranayay duruus la xidhiidha sidii bulshada looga wacyigelin lahaa Cudurka…

            Read More

            Xiddigii Reer Germany Ozil oo Guulow u Bidhaamiyey Arsenal.By Jaahuur.

            London-Sep-22-2013-qurbejoog.com-Saaxiibayaal qormadeena ciyaaraha waxaynu maanta ula safreynaa xagaa iyo cariga Ingiriiska oo uu si habsami ah uga socdo horyaalka (Premier League). Falaqeynteenan ciyaaraha waxaynu ku jaleceynaa ciyaar xiiso badan oo galabta dhexmartey Arsenal iyo Stoke, ayaa waxaa ka soo qeyb galey dadweyna aad u badan iyo dabcan tageerayaasha labada dhinac. Arsenal oo horyaalka ku biloowdey…

            Read More

              Wakaalada wararka AFP oo ku warantay in Ciidamo ka socda kuwa amniga ee dalka Israa’iil ay maanta gaadheen caasimadda Kenya ee Nairobi, maxay tahay sababtu?

              Nairobi Sept. 22, 2013 (SDN/AFP)- Ciidamo ka socda kuwa amniga ee Israa’iil ayaa Axadda maanta ku biiray dedaalada Kenya ku doonayso inay ku dhamayso qafaalashada dhimashada keentay ee ay weerarayaasha maleeshiyada ahi ku galeen suuqa Westgate ee magaalada Nairobi. Ilo-wareed amni oo aan la magacaabin ayaa wakaalada wararka Fararnsiiska ee AFP u sheegay in ciidamadan…

              Read More

                (DAAWO)Xisbiga UCID:Madaxweynuhu ma garanayo magacyada 46ka Wasiiradiisa waa laga saxeexay uun,Baarlamaanka waa in uu hortagaa

                Hargeysa Sept 22,2013(SDN)-Madaxda sare ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID oo ay weheliyaan Xildhibaano ka tirsan gollaha wakiilada Somaliland ayaa maanta shir jaraid oo ay qabteen waxa ay si adag uga hadleen xaalada dalka. UCID waxa ay bulshada u soo bandhigeen mooshin la horgeynayo gollaha Wakiilada Somaliland oo madaxweynaha suaalo lagu weydiinayo,DAAWO.  

                Read More

                  “Anigu waxaan Odhan lahaa Reer Khaatumo aynu wada dhisano Somaliland,Soo Noqda,Wixii dib loo xalaalaynayo aynu u Xalaalayno,idinku Madaxweyne ka Noqda” Prof Axmed Ismaaciil Samatar Waraysi {DAAWO}

                  Washington 22.Sep 2013 (SDN) Prof Axmed Ismaaciil Samatar ayaa ugu Baaqay Kooxda Khaatumo inay fikirkooda iyo Maskaxdoodaba isugu geeyaan sidii ay Qaybtooda uga qaadan lahaayeen dib u dhiska iyo horumarka Somaliland,Isagoo Xusay inay haboon tahay ka qayb qaadashada doorashooyinka Madax tinimo ee Somaliland. Prof Samatar ayaa Sheegay inay soo bislaanayso Siyaasada Somaliland isla markaana ay…

                  Read More

                    Xildhibaan ka Tirsan Baarlamanka Somalia oo lagu dilay Caawa Muqdisho

                    Muqdisho 22.Sep 2013 (SDN)- Koox aan la garanayn ayaa maqribnimadii caawa xaafadda Buula-xuubey ee magaalada Muqdisho ku dishay Allaha u naxariistee Xuseen Cabdisalaan oo ka mid ahaa xildhibaannada baarlamanka Soomaaliya. Marxuumka ayaa ku geeriyooday Isbitaalka Madiina oo dhaawac ahaan loo geeyay . Kooxda dilka geysatay ayaa kabxsatay goobta, ciidanka dowladda ayaa wada baaritaan lagu baadi…

                    Read More

                      Gudoomiyaha Jaaliyada Somaliland ee Jarmalka oo baaq u diray Jaaliyada ku dhaqan dalkaasi inay u codeeyaan XISBIGA SPD

                      Berlin 22.Sep 2013 (SDN)- Iyadoo maanta loo dareeray Goobaha Codbixinta ee doorashada dalka Jarmalka ayaa Jaaliyada Somaliland ee dalkaasi ku nooli waxay door Muhiim ah ka qaateen ka qayb qaadashada doorashadaas iyagoo dhinaca kalena Murashixiinta ku loolamaya u Gudbiyay Qoraalo ka waramaya Qadiyada Qaranimada Somaliland. Qoraal kooban oo uu Shabakada Qurbejoog.com soo Gaadhsiiyay Gudoomiyaha Jaaliyada…

                      Read More

                        Tirada dhimashada weerarkii Nairobi oo gaadhay 59,Laba Boqol oo ku Dhaawacantay iyo Kun Qof oo la soo Badbaadiyay

                        Nairobi 22.Sep 2013 (SDN)- Wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya Joseph ole Lenku ayaa sheegay in howlgal si taxadar leh loo fulinayo uu wali socdo si loo soo daayo dadka lagu haysto xarunta ganacsiga Westgate oo shalay ay weerareen rag hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab. 59 qof ayaa ilaa hadda la xaqiijiyay inay ku dhimatay…

                        Read More

                          Doodii Xeerka Horumarinta Wadooyinka oo la soo Gabo Gabeeyay Halkan ka {DHAGAYSO}

                          Hargaysa 22.Sep 2013 (SDN)- Golaha Wakiilada ee Somaliland ayaa Maanta soo Gabo gabeeyay Dooda Xeerka takaaliifta horumarinta wadooyinka dalka,kaas oo Maalmihii u danbeeyay ka socday Xarunta Golaha Wakiilada ee Caasimada Hargaysa . Fadhiga Golaha oo uu Shir Gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro ayaa Sheegay in dooda Xeerkan oo ay ka qayb…

                          Read More

                            Ra’isal Wasaaraha Somalia oo Tacsi u diray Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta weerarkii Westgate

                            Muqdisho 22.Sep 2013 (SDN)- Raysul wasaaraha Soomaaliya ayaa uga tacsiyeeyay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta weerarkii shalay ka dhacay suuqa Westgate, kaas oo ay ku dhinteen 43 qof, 150 kalena ay ku dhaawacmeen. “Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed aad ayay uga xun yihiin dhibaatada loo geystay shacabka aanu walaalaha nahay ee Kenya, si buuxda ayaana u cambaareynayaa…

                            Read More

                              Wasiirul Dawlaha Maaliyada oo Qar iyo Buur Jiidhay,Kana Hadlay Hawl aan Shaqadiisa ahayn {DHAGAYSO}

                              Hargaysa 22.Sep 2013 (SDN)- Wasiiru-dawlaha Wasaaarada Maaliyada Somaliland Mudane Cismaan Saxardiid Cadaani ayaa Maanta si Faah Faahsan uga Waramay Safarkii dhawaan madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo uu ku tegay Gobolada dalka qaar ka mid ah, waxana uu sidoo kale jawaab kaga bixiye eedaymihii xubnaha mucaaradka ahi dusha ka saareen xukuumadda uu ka tirsan yahay. Mudane Cadaani…

                              Read More

                                Xukuumadda Somaliland Oo ka Hadashay Weerarkii ka Dhacay Magaalada Nairobi.

                                Hargeysa:22-Sep-2013(SDN)-Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horraysay ka hadashay dhibaatadii dadka badani ku dhinteen ee ka dhacday Magaalada Nairobi, gaar ahaan Meesha Loo Yaqaanno West Gate. Wasiirka wasaaradda Arrimaha  Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo  ku hadlaya  magaca Xukuumadda, ayaa xusay in  xukuumadda Somaliland Dareen Damqasho leh kaga jawaabayso dhibka ku dhacay dadkaas shacabka ah, “Haddaanu…

                                Read More