Qaramada Midoobay oo soo dhoweysay shirka qaran ee Muqdisho ka socda

    Muqdisho:3-Sep-2013(SDN)-Qaramada Midoobay ayaa soo dhoweysay shir qaran  oo Maalintii shalay ka furmay Magaalada Muqdisho, kaas looga hadlayo qabashada doorasho xor ah oo 2016-ka ka dhacda Soomaaliya.   Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay oo hadal ka jeediyay furitaanka shirka ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay dowladda Soomaaliya…

    Read More

      Obama oo Gacanta ku Haya tallaabooyinkii ugu dambeeyey ee Dagaalka Suuriya

      Washington:3-Sep-2013(SDN)- Madaxweyne Barack Obama ayaa  wali ku hawllan sii wadidda dadaalkiisa uu taageerada kaga raadinayo congresska Maraykanka si uu tallaabo militari uga qaado dawladda Suuriya.   Sharci dejiyeyaasha qaarkood ayaa shaki ka muujiyey qorshihiisa, Dalka Ruushka ayaa isna su’aal ka keenay caddeymaha go’aankan ka dambeeya, waxana uu taageero weyn ka haystaa dalka awoodda badan ee…

      Read More

        Roobab Habeennadii ugu dambeeyey ka da’yey Hargeysa oo waxyeello u geystay Jidadka waaweyn ee Magaalada

        Hargeysa:3-Sep-2013(SDN)-Roobab lexaad leh oo labadii Habeen ee ugu dambeeyey ka da’ayey Magaalada Hargeysa iyo Hareeraheeda ayaa waxyeello kala duwan u geystay jidadka waaweyn ee caasimadda. Waddooyinka Caasimadda Hargeysa, ayaa Guud ahaanba ah kuwo gaboobay oo  dayac badani hadheeyey, iyadoo ay jiraan qaar cusub balse tayadoodu liidato, haddana waxa marka kasta dhibaato badani haysataa dadka iyo…

        Read More

          DHEGEYSO:wasiirka duulista iyo hawada oo ka hadlay imaatinka diyaaradii labaad ee soo fadhiisata madaarka caasimada Hargeysa

          Hargeysa Sept 03,2013(SDN)-Wasiirka wasaarada Duulista iyo hawada Somaliland Maxamuud Xaashi ayaa khudbad uu maanta jeediyay waxa uu uga waramay duulimaadkii labaad ee soo gaara madaarka magaalada Hargeysa. Duulimaadyada madaarka caasimada ayaa haatan u muuqda in ay caadi ku so noqonayaan ka dib kolkii uu madaarku dayactir u xiraa mudo dheer,DHEGEYSO [peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/WasiiirDaalo2(1).mp3″] HALAKAN MOBILKA…

          Read More

            Barack Obama oo Dhabaha u Xaadhaya duulaan ka dhan ah Xukuumada Bashaar Al asad

            Washington 02.Sep 2013 (SDN)-Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa sii wada dadaalkiisa uu taageerada kaga raadinayo congresska Maraykanka si uu talaabo militari uga qaado dawladda Suuriya. Sharci dejiyeyaasha qaarkood ayaa shaki ka muujiyey qorshihiisa. Dalka Ruushka ayaa isna su’aal ka keenay caddeymaha go’aankan ka dambeeya. Mr. Obama ayaa Isniinta maanta Aqalka Cad ku marti galinaya Senator…

            Read More

              Dawlada Federaalka Somalia oo Magaalada Jidah ee Sucuudiga Heshiis kula Saxeexatay Bangiga Islaamka

              Jidah 02.Sep 2013 (SDN)- Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” oo ku sugan magaaladda Jidah ee Boqortooyadda Sucuudiga ayaa maanta waxaa uu heshiisyo la gaaray Bankiga Islaamka oo fadhigiisu yahay magaaladda Jidah ee boqortooyadda Dalka Sucuudiga. Heshiiskan oo ka dhacay xarunta Bankiga Islaamka waxaa Soomaaliya u matalayay Wasiiru Dawlaha Arimaha dibadda…

              Read More

                Nawaaxiga Jowhar oo lagu dilay Askari ka tirsan ciidanka dowladda Somalia

                Jariirow 02.Sep 2013 (SDN)- Askari ka tirsan ciidanka dowladda ayaa lagu dilay, mid kalena waa lagu dhaawacay deegaanka Jariirow oo galbeedka kaga aaddan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe. Qaar ka tirsan dadka deegaanka Jiriirow oo la hadlay Warbaahinta  ayaa sheegay in askariga la dilay uu isbaaro dhigan jiray tuulada, ayna dishay kooxda al-Shabaab. Sarkaal…

                Read More

                  Wasiirka Warfaafinta oo Xilkii ka qaaday Madaxii Wararka ee Telefishanka qaranka,Magacaabayna Mas’uul cusub iyo sababaha Xil ka qaadista

                  Hargaysa 02.Sep 2013 (SDN)- Wasiirka Wasaarada Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa Maanta Shaqadii ka fadhiisayay Madaxii wararka ee Telefishanka qaranka Xamse Cali Bul bul kadib markii uu amar diido kala hor yimid wasiirka . Wasiirka warfaafinta ayaa Xilka u Magacaabay Maxamed Siciid Muxumed oo hore u ahaa agaasimihii hore ee…

                  Read More

                    Muqdisho oo uu ka Furmay Shirweyne lagu dejinayo Geedi Socodka Siyaasada Somalia,Higsiga Sannadka 2016 iyo Khudbadii Madaxweynaha

                    Muqdisho 02.Sep 2013 (SDN)- Waxaa maanta magaalada muqdisho ka furmay Shirweynaha Qaran ee Geedi Socodka Siyaasada Soomaaliya iyo Hiigsiga Sanadka 2016ka,waxana ka qeyb galaya ergo ka kala timid gudaha dalka iyo dibadiisa. Furitaanka shirweynaha ayaa waxaa ka qeyb galay madaxweynaha J.F Soomaaliya ku simaha ra’iisul wasaaraha,ahna ra’iisulwasaare ku xigeen iyo wasiirka arrimaha dibedda Foowsiyo Yuusuf…

                    Read More

                      Taliska Sare ee Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland oo Beeniyay in lacago faalso ah laga soo dejiyay deegaanka Laasa Surad

                      Hargaysa 02.Sep 2013 (SDN)-  Taliyaha Ciidanka Ilaalada iyo Difaaca Xeebaha ee Somaliland Admiral Axmed Aw Cismaan ayaa beeniyay in lacag Faalso ah oo Shilling Somaliga (Giinbaarta) laga soo dejiyay deegaanka Laasa Surad ee Gobolka Sanaag. Taliyaha Ciidanka Ilaalada iyo Difaaca Xeebuhu waxa uu Xusay inay Waxba ka Jirin wararka sheegaya in Deegaanada Xeebaha Gobolka Sanaag…

                      Read More

                        Shir lagaga hadlayo Sidii looga arrinsan lahaa Shaqaalaha ku Jira Miisaaniyada dawlada oo Hargaysa ka furmay

                        Hargaysa 02.Sep 2013 (SDN)-  Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha iyo hay’adaha dawlada oo ay weheliyaan maareeyayaasha madaxabanaan ayaa maanta shir uga furmay Hotel maansoor ee magaalada Hargaysa.   Gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Md Nuux sheekh Muuse Ducaale oo furitaankii shirkaasi ka hadlay ayaa sheegay in kulankan maanta u furmaya agaasimayaasha guud iyo maareeyayaasha madaxa banaan ay…

                        Read More

                          Golaha Wakiilada oo Ansixiyay Xeerka Hab Maamuuska Madaxweynaha iyo Ku xigeenkiisa

                          Hargaysa 02.Sep 2013 (SDN)- Golaha wakiilada JSL ayaa fadhigoodii maanta oo uu shir gudoominayey Gudoomiyaha golahaasi ayaa maanta meel mariyey xeerka Maamuuska madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka iyo mudanayaasha baarlamaanka xeer No 62/2013. Mudanayaasha maanta  soo xaadiray fadhiga oo tiradoodu ahayd 42 xildhibaan ayaa waxaa ansixinta xeerkaasi ogolaaday 32 mudane,waxa diiday 5 mudane, waxaabna ka aamusay…

                          Read More

                            Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland oo Safar aan la Shaacin Ugu Kicitimay Imaaraadka

                            Hargaysa 02.Sep 2013 (SDN)- Wasiirka wasaaradda Arrimaha dibeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa maanta safar aan ujeedadiisa la ogayn ugu baxay dalka Imaaraatka Carabta, kaasoo noqonaya safarkiisii labaad ee uu Dalka dibediisa u baxo tan iyo intii la magacaabay. Wasiir Maxamed Biixi Yoonis waxa uu maanta Duhurkii ka raacay Garoonka Caalamiga ah ee Cigaal International…

                            Read More

                              Puntland oo Is-beddeshay Heshiiskii Addis Ababa-na Taageertay

                              Nairobi:2-Sep-2013 (SDN) – Maamulka Puntland Heshiiskii dhawan magaalada Addis ababa ku dhex maray Dawladda Federalka ah ee somaliya iyo maamulka Jubbaland. Go’aankan ayaa yimid kadib markii shalay Sept 1, 2013 kulan saacado badan socdey ku wada qaateen magaalada Nairobi wafti ay kala hogaaminayaan hogaamiyaha  maamulka Jubba iyo Madaxweynaha dowladda Puntland. Kulankan oo arrimo badan lagu…

                              Read More

                                Ra’isal Wasaare Saacid Oo la Sheegay Inuu Bastoolado Siiyey Qaar ka mid ah Shaqaalaha idaacadaha Muqdisho

                                Muqdisho:2-Sep-2013(SDN)-Warar oo ku dhaw aqalka uu Deggan yahay Ra’isal wasaare saacid ayaa sheegaya inuu Ra’iisal wasaaruhu  uu bastoolado ay isku ilaaliyaan siiyey wariyayaal ka hawl gala idaacadda shabelle ee magaalada Muqdisho.  Ujeedadda uu ra’iisal wasaaraha u siiyey Bastooladahan, ayaa ahayd sidii ay isku ilaalin lahaayeen maadaama dilalku ku bateen wariyayaasha, waxase abuurmay buuq iyo sawaxan…

                                Read More