Wararkii Ugu Dambeeyey Ee shirka Ka Socda Magaalada Kampala

    Kampala: 4-Aug-2013(SDN) Magaalada Kampala ee dalka Uganda waxaa maanta si rasmi ah uga furmaya shir ay  Gondaha isku darayaan madaxweynayaasha ciidamadu ay ka joogaan dalka Soomaaliya iyo madaxweynaha dalkiisa ciidamadu martida ku yihiin ee Somaliya Xasan Sheikh Maxamuud.   Kulanka maanta ayaa ah mid ka duwan kulankii shalay, iyadoo la doonayo in lagaga hadlo arimaha…

    Read More

      Guddoomiye Tarsan oo Dibad-wareeg ah shirarka Amaanka lagaga Hadlayo iyo shaki laga qabo in xilka laga qaadi doono

      Muqdisho:4-aug-2013(SDN) – Magaalada Muqdisho Ee Caasimadda Somaliya, waxaa xalay ka dhacay shir uu soo qaban qaabiyay Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan. Sida ay tibaaxeen  xubno ka qaybgalay shirka, waxaa lagaga hadlay cabasho uu soo jeediyay Guddoomiyaha gobalka Banaadir Tarsan, taasoo ku saabsan in loo diiday  ka qaybgallo shirarka looga…

      Read More

        Wasiirka Arrimaha Guddaha Soomaaliya oo Booqasho ku Jooga Hargeysa

        Hargeysa Aug 04,2013(SDN)-Wariika wasaarada arrimaha Guddaha ee dalka Soomaaliya Md Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa Booqasho aan rasmi aheyn ku jooga Caasimada Somaliland. Wasiirka Arrimaha Guddaha ee Soomaaliya ayaa ka soo degay madaarka Berbera oo ay ku qaabileen raxan wasiiro ah oo ka tirsan Xukuumada Somaliland. Wasiirka ayaana deeto loo soo qaaday dhanka caasimada Hargeysa oo…

        Read More

          DAAWO:SHIRKADA TELESOM OO TARTAN AQOON GUUD U SOO GABO GABAYSAY DUGSIYADA WAXBARASHADA EE BUUHOODLE

          Buuhoodle Aug 04,2013(SDN)-Shirkada Isgaarsiinta ee Telesom ayaa magaalada Buuhoodle ku qabatay tartan Aqoonta guud ah oo u dhexeeyay Dugsiyada waxbarasho ee degaankaas. Tartanka oo ka dhacay Hotel Cabdi Gurey isla markaana lagu soo gunaanaday ayaa waxa lagu qabtay xafladii gunaanadka oo abaal marinana lagu gudoonsiiyay dugsiyadii tartanka ku guuleystay,DAAWO.

          Read More

            War Deg Deg ah: Isku daygii Dhex dhexaadinta oo Fashilmay iyo Salaadiintii Ergada ahayd oo Shaaciyay inay ku Hungoobeen Golaha Wada Tashiga {DHAGAYSO}

            Hargaysa 04.Aug (SDN) Salaadiintii Dhex dhexaadinta Ka Waday Golaha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranka iyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo la filayay inay Caawa Kulan Foolka Fool ah Yeeshaan ayaa Daboolka ka qaaday inay Ku Hungoobeen Sidii ay Xubnaha Golaha Wada Tashigu u qaabili lahaayeen inay ka Kulmaan Madaxweyne Axmed Siilaanyo . Xubnaha Salaadiinta…

            Read More

              Puntland oo Qaadacday Heshiis Dhexmaray Dowlada Federaalka iyo Shirkad Laga Leeyahay dalka Holland

              Garowe 04.Aug (SDN) Wasaarada Dekedaha ,Gaadiidka Badda iyo La Dagaalanka Burcad Badeeda Puntland ayaa Qaadacday Heshiis Horey u  Dhexmaray Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Shirkad Laga Leeyahay dalka Holland. Wasiirka Dekedaha ,Gaadiidka Badda iyo La Dagaalanka Burcad Badeeda Puntland Eng.Siciid Maxamed Raage ayaa Warsaxaafadeed uu Xafiiskiisa Kasoo Saarey Waxa uu ku Sheegay in Dowlada Puntland aysan…

              Read More

                Nabadoon Xaad oo si kulul uga jawaabay eedeyntii Gudoomiye Tarsan

                Muqdisho 03.Aug (SDN) Gudoomiyaha Odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad ayaa ka jawaabay hadalkii uu Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ku dhaleecay Odayaasha dhaqanka Hawiye. Maxamuud Axmed Nuur Tarsan  Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho ayaa  Odayaasha Muqdisho ku eedeeyay  wax qabasha la’anta dhanka Ammaanka Muqdisho iyo xal ka gaarid la’aanta deegaanada ay odayaashaasu ka…

                Read More

                  Robert Mugabe oo Markii 7aad ku Guulaystay Hogaaminta dalka Zimbabwe & Mr Tsvangirai oo Qaadacay

                  Zimbabwe  03.Aug (SDN) Guddiga doorashada dalka Zimbabwe ayaa ku dhawaaqay in madaxwayne Robert Mugabe uu ku guulaystay xafiiska markii todobaad. Mr Mugabe oo sideetan iyo sagaal jir ah ayaa helay lixdan iyo kow boqolkiiba codadkii la dhiibtay, Madaxa guddiga doorashada ZImbabwe, Rita Makarau, ayaa ku dhawaaqday natiijada: Morgan Tsvangirai (Jangaraay), oo la tartamaya ayaa helay…

                  Read More

                    Xildhibaan ku Baaqay in Wada hadal lagu dhameeyo Khilaafka ka Dhex Oogan Golaha Deegaanka Burco

                    Burco 03.Aug (SDN) Xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo ka tirsan Mudaneyaasha Golaha deegaanka ee degmadda Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, ayaa Golahaasi ugu baaqay inay khilaafkooda wada hadal ku dhamaystaan isla markaana ay joojiyaan hindisaha maamuus ka xayuubinta ah ee ay doonayaan inay xilalka kaga qaadaan Maayarka Burco iyo Ku xigeenkiisa. Xildhibaan Mubaarik Yuusuf…

                    Read More

                      Dareenada ku Xeeran Heshiiska ay Dawlada Xasan Sheekh la Gashay Shirkada Shisheeyaha ah ee ilaalada Xeebaha Somalia

                      Muqdisho 03.Aug (SDN) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Heshiis la Saxiixatay Shirkad ilaalisa Xeebaha oo lagu Magacaabo The Atlantic Marine and Offshore Group  Taasi oo Fadhigeedu yahay Dalka Holland,  Qodobada Heshiiska ay wada gaareen Dowlada Soomaaliya iyo The Atlantic Marine and Offshore Group  ayaa inta aan u guda gelin waxa ay Bulshadu ka qabto bal aan…

                      Read More

                        Mareykanka Oo Ka Digay Weeraro Al-Qaacida Uga Yimaada Safaaradihiisa oo Axada iyo Isniinta Xidhnaan doona

                        Washington 03.Aug (SDN) Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay Jimcihii in suurtagalnimada Qatarta argagixiso ay xooggantahay Bariga dhexe iyo Waqooyiga Africa, waxeyna u digtay muwaadiniinta Mareykanka ee dunida u kala safra. Waxaana Dawlada Mareykanku ka cabsi qabtaa in muwaadiniinteeda ay dhibaateeyaan kooxaha Argagixisada ahi. Wasaaradu waxey sheegtay in laga yaabo weerar Al-qacida ay ka…

                        Read More

                          Deegaanka Burtinle oo laga Hirgaliyay Ceel Biyood

                          Burtinle 03.Aug (SDN) Ceel biyood laga qoday Degmada Burtinle ayaa si rasmiya waxa u daahfurey Shirkada Paswayn iyo Hay’ada World Vision oo iyagu iska kaashanayey qodista ceelka iyo maalgalinta kharashka ku baxay. Muddo saddex bilood ayuu socday qodaalka ceelka oo lagu tilmaamey inuu yahay midkii ugu biyo badnaa oo laga helo degmada Burtinle inuu yahay…

                          Read More

                            “Shirkada Somaliland Lacagta u daabacdaa waa shirkad ganacsi oo madaxbanaan” Aadan Dhoola Yare

                            Hargaysa 03.Aug (SDN) Wasiirkii hore ee wasaaradda Caddaaladda Somaliland Mudane Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayare) ahna xubin ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, ayaa sheegay in xukuumadda hada tallada haysaa ay intoodii badnayd fulisay waxyaabihii ay ku balan-qaaday xilligii lagu jiray ololaha doorashaddii madaxtooyadda ee dalka ka dhacday 26-kii June 2010-kii. Waxaanu tilmaamay in waxyaabaha…

                            Read More

                              “Waxaan Idiin Sheegayaa in Put land ay Qarka u Saaran tahay Burbur aan ka soo Kabasho lahayn” Gen Cade Muuse Xirsi

                              Qardho 03.Aug (SDN) Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamuud Muuse Xirsi ‘”Cadde” ayaa sheegay inay Puntland u burburi doonto gobol gobol iyo degmo degmo ,xili laba maalmood laga joogo dabaaldegi 15-sanno guuradii ka soo wareegtay asaaskii Puntland. Ka dib gudi baaritaan oo loo saaray dhacdadii Qardho 14 July,2013 ayna ka qayb qaateen booliska ,nabad-sugida ,sirdoonka iyo…

                              Read More

                                “Dalkeena waxa ka jirta shaqo la’aan oo waad ogtiin dhalinyaradu shaqo ma haystaan” Wasiirka Maaliyada {DHAGAYSO}

                                Hargaysa 03.Aug (SDN) Wasiirka wasaaradda Maaliyadda  Somaliland Cabdi-casiis Maxamed Samaale, ayaa  Maanta Kulan La Yeeshay Agaasimeyaasha Guud Ee Wasaaradaha Dalka Somaliland. Kulankan oo u jeeddadiisu ahayd sidii kor loogu qaadi lahaa Dakhl-kooda ayaa ka qabsoomay Xarunta Guriga shaqaalaha Somaliland. Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ugu horrayn kulankan ka hadlay,  ayaa Agaasimayaasha guud…

                                Read More