Wasiirka Arrimaha gudaha oo maanta ka hor aqriyay Baarlamaanka Soomaaliya sharciga Cusub ee la dagaalanka Argagixisada
Muqdisho 11 June (SDN) Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed ayaa markii labaad maanta ka hor aqriyay Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya Sharciga la dagaalanka Argagixisada oo dhowaan Xukuumada soo ansixisay. Sharcigan oo ah kii u horeeyay ee Xukuumada soo gudbisay ayaa Wasiirka Arrimaha gudaha su’aalo ka weydiiyeen Xildhibaanada, iyadoo xildhibaanada loo qeybiyay nuqulada qoraalka…
