DAAWO:Dood Xiiso Leh oo ku Saabsan Jubaland

    London May 31,2013(SDN)-Dood xiiso leh oo ku saabsaan Arimaha Jubaland ayaa lagu qabtay magaalada London xarunta TVga ee SomaliChannell iyo Barnaamijkiisa Xulashada Todobaadka. Dooda ayaa lagu lafo guray muranka siyaasadeed u dhexeeya dawlada Soomaaliya iyo maamulka dhawaan looga dhawaaqay Kismaayo ee Juboland.  

    Read More

      Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmaya Ra’iisul wasaaraha Japan Shinzu Abe

      Yokahama May 31 2013 (SDN)— Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Yokahama ee Japan ayaa lagu wadaa in uu maanta la kulmo Ra’iisul wasaaraha dalkaasi Shinsu Abe. Afhayeenka Madaxweynaha C/raxmaan Cumar Cusmaan “Yarisoow” ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaraha Japan iyo Madaxweynaha Soomaaliya ay kawada hadli doonaan Arrimo xasaasi ah…

      Read More

        Kooxo hubeysan oo gudoomiye xaafadeed ku dilay dagmada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe

        Jowhar May 31 2013 (SDN)—Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee Xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa waxa ay ku waramayaa in xalay halkaasi lagu dilay Gudoomiye xafadeed ka tirsanaa Maamulka degmadaasi. Dad goobjoogayaal ah ayaa u sheegay qurbejoog.com in Gudoomiyah la dilay lagu magacaabijiray Xuseen C/laahi Cumar, waxaana uu ahaa gudoomiyaha xaafada Hantiwadaag ee dagmada Jowhar ee…

        Read More

          Xildhibaan ka tirsan Gollaha Degaanka Hargeysa oo dil u geystay Nin Shacab ah iyo Dareenada ka dhashay

          Hargeysa 30,2013(SDN)-Dhacdo fool xun oon hore looga baran Magaalo madaxda Jumhuuriyada Somaliland iyo guud ahaan wadankaba ayaa ka dhacdey Magaalada Hargeisa. Waxaa waqti xili dambaadkii ku beegan dil toogasha ah fuliyey gacan ku dhiigle Xildhibaan golaha deegaanka ka tirsan oo magaciisu yahay Mustafe cismaan daahir oo Marxuumka u dilay si badheedh ah waqtigaas oo ilo…

          Read More

            Wasiirka Caafimaadka oo Horkacaya Koox dhakhaatiir ah oo Madaarka Berbera Maanta ka soo Degay

            Berbera 30.May (SDN) Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland Dr. Xuseen Muxumed  Maxamed (Xoog) oo ay Weheliyaan Dhakhaatiir ka tirsan Wadanka Kenya ayaa maanta dalka yimid kana soo degay Gegida diyaaradaha ee Madaarka Magaalada Berbera isagoo wada koox dhakhaatiir ah oo qaliino lacag la’aan ah ka fulin doona cisbitaalka guud ee magaaladda Burco ee xarunta gobolka…

            Read More

              Wasaarada Cadaalada iyo Garsoorka oo barlamanka Soomaaliyeed maanta hortimid

              Muqdisho May 30 2013 (SDN)– Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa shir gudoominayay gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Jeylaani Nuur Iikar. Kulanka oo ay soo xaadireen 147 Xildhibaan ayaa ajandihiisu ahaa qeybinta qoraal 5-Qodob ka koobnaa oo ay soo gudbisay wasaarada Cadaaladda iyo Garsoorka….

              Read More

                Golaha wasiirada Soomaaliyeed oo maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho

                Muqdisho May 30 2013 (SDN)– Shirkii golaha wasiirada ee joogtada ahaa oo uu shir gudoominayay Ra’iisul Wasaare Cabdi faarax Shirdoon “Saacid” ayaa maanta lagu ansixiyay Hindise Sharciyeedka dhismaha hay’adda maareeynta masiibooyinka Soomaaliya. Waxaa sidoo kale goluhu ka doodeed labo hindise sharciyeed oo dib loogu celiyay gudiyo farsamo si ay u soo ebyaan inta aanu goluhu…

                Read More

                  Wariye Xalay Lagu dhawacay Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose

                  Kismaayo May 30 2013 (SDN)– Dableey Hubaysan oo Haybtooda la garayn ayaa Caawa ku weeraray Degmada Kismaayo Wariye C/qaadir Cabdirisaaq Jiijile oo kamid ahaa Wariyaasha ka howlgala gobolka Jubbada Hoose sidoo kalana la shaqayay Idaacado Maxali ah oo ku yaala Muqdisho. Wariye Faadumo Cilmi oo kamid ah Wariyaasha arkay dhawaca Wariyaha ayaa xaqiijisay wariyaha in lagu dhaawacay…

                  Read More

                    Gudoomiyaha Baarlamaanka Ma Lahan Bogaga Lagu Sameystay Magaciisa Waana Looga Been Abuurtay

                    Muqdisho 30 May 2013 (SDN)— Mudooyinkan dambe waxaa si aad ah ugusoo badanayey baraha internetka gaar ahaanna baraha ay Bulshadu ku kulanto sida Facebook iyo Twitter shaqsiyaad iyagu adeegsanaya magacyada madaxda sare ee Dalka si gaar ahna shaqsi barta Twitterka ka sameystay bog uu ku sheegay inuu leeyahay Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed…

                    Read More

                    Xiddiga Reer Brazil Neymar oo Barcelona u Saxeexay 5-Sanno Inuu u Ciyaaro (By Jaahuur)

                    Brazil-May-29-2o-13-qurbejoognews.com-Ottawa-Asxaabtay faaqidaadeena ciyaaraha waxaynu ku tarwaaxineynaa xagaa iyo cararigaa Brazil. Saaxiibayaal xiddiga da’yar ee reer barazil una ciyaara naadiga faca weyn ee Santos (NEYMAR) ayaa Fc Barcelona waxay dul dhigtey 20,malyan oo lacagta Ingiriiska ah (bound) wuxuuna qalinka ku duugey heshiisna kula galey inuu u ciyaaro shan sanno 5-years. Haddaba laacibkan 21 jirka ah ayaa…

                    Read More

                      Wasiir Duur oo u ambo baxay Itoobiya Sheegayna inuu Heshiis ku soo Saxeexi doono “DAAWO”

                      Berbera 29.May (SDN) Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale Duur oo uu Weheliyo Taliyaha Laanta Socdaalka ee Somaliland ayaa maanta u Kicitimay Wadanka Itoobiya isla markaana Kulano kula Yeelan doona Saraakiil ka tirsan Dawlada Ingiriiska. Wasiirka Amuuraha Guduhu Waxa uu Sheegay in Mudada ay Socdaalka ku joogaan Wadanka Itoobiya uu Soo…

                      Read More

                        Maamulka Caasimada Hargaysa oo Jawaab adag ka bixiyay Xayiraadii uu Wasiir Xaabsade {DHAGAYSO} ku soo rogay dhulka danta Guud

                        Hargaysa 29.May (SDN) Ku simaha Duqa Caasimada Hargaysa ahna Maayar ku Xigeenka Caasimada C.casiis Maxamud Caga weyne ayaa maanta Jawaab Kulul ka bixiyay hadalkii ka soo Yeedhay Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud ee uu Ku Joojiyay dhul dan Guud ah oo dawlada hoose Maalintii doraad Siisay dad barakacayaal ah oo Ku nool Xaafada Maxamed Mooge ….

                        Read More

                          Gudoomiyaha Ururka dhalinyarad SANYO ee Uk oo la kulan la qatay Madaxwayne ku xigeenka Somaliland iyo Wasiirka Maaliyada

                          london 29May13(SDN) Gudoomiyaha dhalinyarada SONYO Mudane Ismaciil Saalax Yasiin  iyo xubnaha ururka ayaa waxay kulan la qateen madaxwayne ku xigeenka Somaliland kana wada hadleen Doorka dhalinyarada Somaliland ee qurbejooga sidii ay uga qayb qatan lahayeen waxtarka iyo horumarka somaliland, Gudoomiyaha ayaa war bixin ka siyey Madaxwayne ku xigeenka dhalinta reer Somaliland ee UK ee ku…

                          Read More

                            Khudbadihii Xuska 22 Guurada ka Soo Wareegtay Markii Itoobiya dhinac isaga riday Heeryadii Mingiste {DHAGAYSO}

                            Hargaysa 29.May (SDN) Waxaa laga Joogaa Mudo ku Siman 22 Sannadood Markii Shucuubta reer Itoobiya ay qori caaradii Xukunka kaga Rideen Keli taliyihii Mingiste Xayle Maryam oo Sannad kastaba la qabto 28 bisha May ayaa Habeenkii Xalay Munaasibad Si weyn loo bilay oo lagu maamuusayo Xoriyada Itoobiyada Cusub waxaa lagu qabtay Huteel Maansoor ee Magaalada…

                            Read More

                              22 Guurada Xornimada Itoobiya oo Si weyn Hargaysa looga dabaal degay

                              Hargaysa 29.May (SDN) Xuska  22 Guurada ka soo wareegtay Marki ixukunka laga tuuray taliskii kali talska ahaa eeMingiste Hailemarim laga Tuuray Xukunka ee Labaadtanka Gimbood ayaa Laga Xusay Somaliland Munaasibad Balaadhan Oo lagu Qaybtay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargaysaa laguna xusayay Maalinta Xoriyada Wadanka Ethiopia Ayaa waxa ka soo qayb galay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ,Xubno …

                              Read More