Raashin Mucaawimo ah oo la Gaadhsiiyay Gobolka Sool,Qaybna ka ah Deeqdii Dawlada Turkiga

    Laascaanood 28.April (SDN) Gudoomiyaha Gobolka  Sool Maxamed faarax oo uu weheliyo Maayirka Magaalada Laas-coodC/qaadir Jaamac ayaa maanta la wareegay saamiga Gobolka Sool  uu ka helay Raashinka mucaawinada ah ee dalka turkigu ugu deeqay Dalka somaaliland. Gudoomiyaha Gobolka Sool oo Gudoonka Deeqdaasi ka hadlay ayaa waxa uu  uga  mahad  celiyey Xukuumadda Somaliland  sida wanaagsan ee Deeqdaqasi…

    Read More

      Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Garoowe Gaaray Kulana La Qaadanaya Faroole

      Garoowe April 28 2013 (SDN)— Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi sare oo uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland. Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa ka anbabaxay Garoonka Muqdisho, isagoo ka yimid Magaalada Mombasa oo uu shalay kula soo kulamay dhigiisa Kenya Mr Uhuro Kenyatta. Wafdiga Madaxweynaha uu hogaaminayay ayaa markii…

      Read More

        Suldaanka Guud ee Beel-weynta Irir Samaale oo Qoraal uga hadlay Arimo Dhawr ah

        Edmonton April 28,2013(SDN)-Warqad qoraal ah oo qaybo kala duwan uga hadlayo Suldaanka guud ee beel weyna irir samaale Suldan Abdikariim Farah Ibrahim kuna wajahan gayiga Somalida. Waaxayna u dhigneey sida tan Suldaan ku waxuu hadalkiisa ku bilabay isagoo ka hadlaaya wada hadalkii dhexmaray Somaliland iyo Somaliya kuna dhex maray wadanka Turkiga. waxuu yidhi Suldaanku  wada…

        Read More

          Maxaa ka soo baxay Wada hadaladii Kenyatta & Hassan Sheek ee ka dhacay Mombassa? Aqriso Warbixin

          Mombasa April 28 2013 (SDN)— Ka dib Kulan si wada jir ah ay u wada qaateen Madaxweynaha dalka Soomaaliya iyo dhigiisa dalka Kenya Uhuru Kenyati,ayaa waxay kaga arinsadeen sidii loo xoojin lahaa xariirka labada dal,iskaashi laga sameeyo la dagaalanka waxay ugu Magacdareen Argagixisada,iyo waliba habka ugu sahlan ee qaxootiga Soomaaliyeed dib loogu soo celin karo…

          Read More

            Kulankii Madaweyne Axmed Siilaanyo ee Attlantic Counsel iyo cidii soo casuuntay Taageereyaashii Khaatumo State

            Washington April 28,2013(SDN)-Kulan dhawaan ka dhacay Xarunta Attlantic Councel ee dalka Mareykanka ayaa waxa khudbad taarikhi ah ka jeediyay Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo. Khudbadii madaxweynaha ka dib ayaa waxa loo galay suaalo ay ka qeyb galayaashii kulanku weydiinayeen madaxweynaha iyo madaxdii kale ee ka tirsaneyd wefdiga Somaliland. Dadkii isu sare taagay suaalaha ayaa…

            Read More

              Wefdigii Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo soo gunaanaday Safarkoodii Mareykanka iyo Gollaha Amaanka oo Diiday in ay ka Aqbalaan Qoraal(Maxaa ku qoraa Qoraalka)

              Washington April 28,2013(SDN)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo gunaanadaya safar dhawr cisho qaatay oo ay ku tegeen dalka Mareykanka. Madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa mudadii ay halkaa ku sugnaayeen waxa ay la kulmeen ganacsato, siyaasiyiin iyo masuuliyiin ka tirsan dawlada Mareykanka. Madaxweynaha Somaliland iyo wefdiga uu Hogaaminayo ayaa sidoo kale isku deyey…

              Read More

                Madaxweynaha Soomaaliya oo saakay kuwa jahan Magaalada Garoowe, Puntland

                Muqdisho April 28 2013 (SDN)— Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka la filayaa in uu gaaro Magaalada Garoowe ee Xarunta Caasimad Goboleedka Puntland. Xubno ka tirsan xafiiska warfaafinta Madaxweynaha Soomaaliya oo aan la xiriiray ayaa ii xaqiijiyay in maanta Madaxweynuhu uu ku wajahanyahay Magaalada Garoowe halkaasi oo uu kula kulmi doono Mas’uuliyiinta Puntland oo…

                Read More

                  Booliiska Norway iyo TVga Universal oo iska kaashanaya Wacyi gelinta Soomaalida(DAAWO)

                  London  28April13 (SDN)Xubna ka mida ciidamada Booliska Dalka Norway ayaa gaaray Studio,ga Universal Tv uu ku leeyahay Magaalada London iyagoo kala tashaday sida Dadka Somalida ah ee ku nool Norway loo gaarsiin karo Barnaamijyo wacyi gelin ah si ay uga badbaadaan denbiyada iyo wixii la mida Warbixintan Booliska waxaa diyaariyay Ibraahim Cumar Baafo. ABDIHAFID MAHAMUD…

                  Read More

                    Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka oo Gaadhay Magaalada Ceerigaabo

                    Ceerigaabo 27.April (SDN) Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Daa’uud Axmed Faarax ayaa  caawa gaadhay Magaalada Ceeri gaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag. Gudoomiyaha ayaa Socdaalkiisu la xidhiidhay Codsi ay u soo direen ardayda dugsiyada sare gaar ahaan fasalada 4aad iyo 8aad ee dugsiyada dhexe ee Gobolka Sanaag,oo ka dalbaday inuu talo iyo tusaaleba ka siiyo Nidaamka Imtaxaanadka…

                    Read More

                      Hanti Dhawraha Guud ee Qaranka oo ka Warbixiyay Hawl gal baadhis ah oo ay ku sameeyeen Waaxda Cashuuraha Bariga ee Wasaarada Maaliyada ee Magaalada Berbera

                      Hargaysa 27.April (SDN).  Hanti Dhawraha Guud ee Qaranka Md. Maxamuud Aw Cabdi ayaa   maanta  sheegay in ay soo afjareen baadhis ay ka wadeen  waaxda cashuuraha  bariga  wasaarada maaliyada ee magaalada BerBera. Baadhistan ayaa  hanti dhawraha guud waxa uu ku tilmaamay in ay la xidhiidhay a  habdhaqan lagu lunsanayay cashuurta dawladda iyada oo la bedalayo dhokumentiga…

                      Read More

                        Suugaantii iyo Waayihii Nololeed ee Alle ha U Naxariistee Marxuun C.laahi Macallin Axmed Dhoodaan {DHAGAYSO}

                        Hargaysa 27.April (SDN). Ilaahay Naxariistiisii Janno ha ugu Deeqee Waxaa Beri oo Axad ah lagu aasi doonaa Magaalada Jig Jiga ee Xarunta Ismaamul Deegaaneedka Soomalida ee Itoobiya Marxuun  Abwaan Cabdilaahi Macalin Axmed (Dhoodaan) oo Door Mug iyo Miisaan leh ka soo qaatay Halgamadii Kala duwanaa ee lagu dagaalamayay Nidaamkii Siyaad Bare . Alle ha u…

                        Read More

                          Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland oo Shirkadaha Isgaadhsiinta iyo Laydhka ugu baaqay inay Xadhkahooda dhulka Mariyaan

                          Hargaysa 27.April (SDN)   Wasiirka wasaarada  Boosaha iyo isgaadhsiinta Md. Cali Cilmi  Geele ayaa ugu baaqay shirkadaha isgaadhsiinta ee dalka in ay xadhkaha  telefoonada ee ay adeegsadaan ay dhulka hoostiisa mariyaan . Wasiirku waxa uu sheegay in xiliyada roobabka iyo dabaylahu ay jiraan  xadhkaha isgaadhsiintu xayiraad  ku keenaan isu socodka Gaadiidka iyo Dadka,  waxaana uu tilmaamay…

                          Read More

                            Dawladda Maraykanka oo ka hadashay kulankii Madaxweyne Siilaanyo iyo haweenayda Kaaliyaha ka ah waaxda Khaarajiga US, akhri qoraalka laga soosaaray

                            Washington April, 27 (SDN)- Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa ka hadashay kulan doraad magaalada Washington ku dhexmaray haweenayda kaaliyaha ka ah Wendy Sherman iyo wefti uu hoggaaminayo Madaxweynaha Somaliland oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa dalkaas. Sida lagu sheegay war-murtiyeed kooban oo Waaxda Khaarajigu kulankaas ka soosaartay, dawladda Maraykanku waxay muujisay taageerada in la sii…

                            Read More

                              Golaha Wakiilada oo ansixiyay Ajandahooda isla markaana canbaareeyay falkii lagu beegsaday Wargayska Hubaal

                              Hargaysa 27.April (SDN)  Fadhigii Maanta ee Golaha Wakiilada ee Somaliland ayaa Mudanayaashu ay Cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen Ajandaha kalfadhiga 21aad ee Golaha Wakiilada. Fadhigan Waxaa Shir Gudoominayay  Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha ahna kusimaha Gudoomiyaha Mudane Baashe Maxamed Faarax waxaanu Mudanayaasha ku Wargaliyay in Maadaama ay u dhamaatay doodii Ajanduhu inay Cod u…

                              Read More

                                Dagaal u dhexeeya Ciidamo kala taageersan Axmed Godane iyo Abuu Mansuur Al Amriki oo ka dhacay gobolka Bay

                                Baydhabo April 27 2013 (SDN)– Xiisad u dhaxeysa ciidamada  ka wada tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa ka taagan deegaanno ka tirsan gobolka Baay ayadoo xiisadaasina ay daba socoto dagaal gelinkii dambe ee shalay ku dhaxemaray ciidamada Al-Shabaab ka wada tirsan deegaanka Raama-Cadeey oo hoostaga degmada Qansaxdheere. ciidamada dagaalamay ayaa la sheegay iney kala taabacsanaayeen horjoogaha ugu sareeya Shabaab…

                                Read More

                                  Xasan Sheekh Iyo Uhuro Kenyatta oo kulan ku yeeshay Magaalada Mombasa ee dalka Kenya

                                  Mombasa April 27 2013 (SDN)– Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo saaka aroortii ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaa gaaray magaalada Mombasa ee dalka Kenya. Kulanka oo ka dhacay madaxtooyada Magaalada Mombasa ayaa labada dhinac waxa ay uga hadleen arimaha xiriirka labada dal iyo sidii loosii wanaajin lahaa. Inkastoo aan warar rasmi ah laga helin waxyaabaha…

                                  Read More