|

13 qof oo ku Dhimatay Qaraxyo Iyo Weerar ka Dhacay Xarunta Denbi baadhista Qaranka ee Muqdisho

Muqdisho,31.July 2016 (SDN/QJ):- Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ururka Alshabaab ay weerar ku qaadeen xarunta dembibaadhista Qaranka ee Soomaaliya.

E3BE8643-C90B-48F1-9EFC-36BFA9CAA334_cx0_cy5_cw0_w987_r1_s_r1Goobjoogayaal ayaa sheegay in laba gaadhi oo walxaha qarax laga buuxiyey lagu weeraray afaafka hore ee xarunta dembi-baadhista.

Sida laga soo xigay Wasiirka Amniga Somaliya, Cabdirisaaq Cumar Maxamed, ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhintay weerarkan10 kalena wey ku dhaawacantay.

Todoba ka mid ah dadka dhintay ayaa ahaa maleeshiyadi ururka Al-shabaab halka 5 qof oo kalena ay shacab yihiin. waxaa kaloo weerarka ku dhintay hal askari.

Wasiirka Aminiga ayaa sheegay in weerarkaasi la fashiliyay oo kuwii fuliyay aysan gaarin hadafkii ay ka lahaayeen.

Ururka al-Shabab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka.

Comments are closed