|

“Xukuumada Wali waanu uga Fadhinaa Samigii aanu xaga ugu lahayn” Suldaanka Ayuub

ayuub

Hargeysa, 31,7,2016 (QJ/SDN) – Suldaanka Beelaha Ayuub Suldaan Aadan Suldaan Aamin Suldaan Faarax ayaa ka hadlay arimo ay ka mid yihiin Mashruuca laga hirgaliyey dekeda Berbera, Saami qaybsiga beesha ee Xukuumada Kulmiye iyo arimo kale “ waxaanu aad u soo dhawaynaynaa Dekeda Berbera Mashruuca laga hirgaliyey waananu taageersan nahay hadaanu nahay Beesha Ayuub sheekh isaxaaq horena waanu u sheegnay maantana waanu ku celinaynaan” ayuu yidhi Suldaan Aadan

Dhinaca kale Suldaanku waxa uu Xukuumada Siilaanyo Ugu Baaqay “Xukuumada Wali waanu ka sugaynaa Saami qaybsiga yagii, Codsigii aanu ka consanay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Wali kama Hayno, Xukuuda Soosocota ee kulmiye-na inaanu dhisno diyaarbaanu u nahay, sidaa awgeed Mudane madaxweyne waanu kaaga fadhinaa saamigii aanu xaqa ulahayn inaad nasiiso Hadaanu nahay Beesha Ayoub” Suldaan Beesha Ayuub

Suldaanka oo hadalkiisa Sii Wata ayaa intaa sii raaciyey “Shacabka Reer soomaaliland waxaan leeyahay Guusha aynu maanta Gaadhnay iyo guulo badan oo kale inaynu gaadhi doono, aynu gacmaha is qabsano oo ay isku duubnaano, waa danteena waa horumarka qaran qofkastana sidaasaa ay dani ugu jirtaa ee nabad galyada aynu ilaashano inaagaa ku nool” Suldaan Aadan

Comments are closed