Home » 12:54 pm Entries posted on “August, 2013”

Itoobiya “Somaliland Waa Goob Ka Caagan Argagixisadda iyo Kooxaha Nabad Diidka Ah” General Berhe Tesfay

Addis ababa 31.Aug 2013 (SDN)-Itoobiya oo kaashanaysa dawladda Somaliland waxa ay ka dhigtay Somaliland iyo marinkeedaba goob u daran kooxaha argagixisada iyo canaasiirta nabad diidka ahba, sidaas waxa sheegay danjiraha Itoobiya u fadhiya Somaliland General Berhe Tesfay. Wareysi gaar ah oo wakaalada wararka Itoobiya (WIC) uu siiyay qunsulka guud ee Itoobiya u fadhiya Somaliland, waxa […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Wasaarada Amuuraha Gudaha oo ka hadashay Horumarinta Bilicda Magaalooyinka

Hargaysa 31.Aug 2013 (SDN)- Agaasimaha Guud ee wasaaradda arimaha Gudaha Md Cabdi-semed Cumar Maal ayaa maanta ka hadlay kobcinta wasaaradda arimaha gudaha iyo qorshayaasheeda ku aaddan bilicda magaalooyinka iyo xidhiidhka golayaasha deegaanada dalka. Agaasimaha guud oo u waramayey wakaaladda wararka Somaliland ee Solna ayaa sheegay in maalinta berrito ee bilowga bisha sagaalaad ee sanadka 2013 […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Dibadbax looga soo horjeedo heshiiskii Addis Ababa oo ka socda Baydhabo

Baydhaba 31,Aug 2013 (SDN)- Bannaanbax weyn oo laga soo horjeedo heshiiskii dhowaan dowladda federaalka ah iyo maamulka ku meel gaarka ah ee Jubba ku dhex maray magaalada Addis Ababa ayaa maanta ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay. Ku simaha guddoomiyaha maamulka gobolka Bay Shiine Macallin Nuurow oo ka hadlay bannaanbaxa ayaa sheegay in […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Difaaci Labada Xildhibaan Ee Dhanka Xukumada +Odayaasha Golaha La Baxay Hadii Ay Xisbiyada Gali Wayaan Mandheera Ayey Liinta Ku Cabi + Suaali Ardayda Ee Diirdiirana+Badhaadhi Marwo Saynab Action Aid!!!!

(KampalaSDN) Wafti baaladhan oo ay horkacayso sarkaal sare oo ka tirsan Team leader actionAid Saynab mohamed xasan,waftigan oo ay ka mid ahaayen labo xildhibaan oo barlamaanka somaliland ka socda oo kala ahaa xildhibaan Yusuf Artan iyo xildhibaan Ahmed yasiin sheekh ali ayaanle iyo xubno ka socda arimaha bulshada waxa kale oo ka mid ahaa marwo […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Jimmy Carter oo duulan lagu qaado Syria iyada oo aaney QM ogolaan sharci daro ku tilmaamay

Washington Aug 31,2013(SDN)-Madaxweynihii hore ee Mareykanka Jimmy Carter ayaa ka soo horjeestay in duqeyn aaney Qaramada Midoobey ogolaan loo geysto dalka Syria. “Tilaabo ciidan oo laga qaado Syria iyada oo aan jirin ogolaasho laga helo QM,Jaamacada Carabta iyo NATO waa sharci daro”sidaa waxa yiri madaxweyne Carter. Madaxweynihii hore ee Mareykanka ayaa hore ugu ahaa taageere […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Ruushka oo weerar Mareykanku ku qaado Syria ku tilmaantay Sharci daro

Moscow Aug 31,2013(SDN)-Afhayeenka Wasaarada Arrimaha Dibedda ee dalka Ruushka ayaa war uu soo saarey ku dhaleeceeyay hadal heynta ah in Mareykanku qorsheynayo in uu weerar ku qaado dalka Syria. “Iyada oo aaney jirin ogolaasho laga heysto gollaha amaanka in laga hadlo weerar lagu qaado Syria waa sharci daro cad”ayuu yiri Alexander Lukashevich. Afhayeenku waxa uu […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Maraykanka iyo Qorshahiisa ku Aaddan Duullaanka Suuriya

Washington:31-Aug-2013-(SDN)-Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa sheegay inaanu wali gaadhin Go’aankii rasmiga ahaa eek u saabsanaa tallaabada uu maraykanku ka qaadi lahaa waddanka Syria oo lagu eedaynayo inay isticmaashay hubka halista ku ah noolaha dunida.   Madaxweynaha ayaa hadalkan sheegay Jimcihii shalay, wax yar ka dib markii xoghayaha arimaha dibadda ee Mareykanka John Kerry uu isna […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Qaramada midoobay oo Digniin u dirtay xubno looga shakiyey inay ku Hawllan yihiin minjo-xaabinta dawladda Xasan sheikh

Addis-Ababa:31Aug-2013- (SDN) -war hoose oo ku dhaw dhaw Ergayga Qaramada midoobay u qaabilsa somaliya, ayaa sheegaya in qaramada midoobay  ugu baaqday xubno soomaali ah oo ku foogan sidii ay uminjo xaabin lahaayeen xukuumadda soomaaliya inay joojiyaan arrimahaas. Wararku waxa ay intaas ku darayaan in Ergayga Nicholas Kay uu kulamo kula yeeshay magaalada Addis Asababa xubno […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Xisbiga Ikhwaanka oo bedelay tabihii muduharaadyada iyo Ciidamada Masar oo ku dawakhsan

Qahira Aug 31,2013(SDN)-Xisbiga ikhwaanka ee talada dalka Masar laga faro maroorsaday ayaa haatan bilaabay in ay taageereyaashooda ugu baaqaan tab cusub oo ay isu soo baxyo ugu qabtaan magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi. Ikhwaanka ayaa halkii ay hore uga qaban qaabin jireen banaabaxyo baaxad leh oo keena isku dhacyo ay haatan abaabula isu soo baxyo kooban […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Cabdiwali Gaas oo soo dhoweeyay Heshiiskii Addis Ababa

Garowe:31-Aug-2013-(SDN)-Cabdiweli Maxamed Cali  Gaas Raysul wasaarihii hore ee xukuumaddii KMG ahayd ee Soomaaliya  ayaa soo dhoweeyay heshiiskii ay magaalada Addis Ababa Arbacadii la soo dhaafay ku kala saxeexdeen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka gobbaland ee Jubbooyinka.   Cabdiweli Gaas ayaa heshiiska ku tilmaamay mid albaabbada u furaya maamullada kale oo dalka, oo horseedaya […]

Posted in Uncategorized | Read More »