Home » Wararkii ugu Dambeeyay You are browsing entries filed in “Wararkii ugu Dambeeyay”

Booliiska Soomaaliya oo u jawaabay Safaarada Mareykanka

Muqdisho April 11, 2024 (QJ) -Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, C/fitaax Aadan Xasan, ayaa faah faahin ka bixiyay joogitaanka ciidan aad u hubeysan oo saacadihii la soo dhaafay lagu arkayay qeybo badan oo ka mid ah Magaalada Muqdisho, kadib digniino dhanka ammaanka ah oo ay soo saartay Safaaradda Mareykanka ee Magaalada Nairobi. Waxa uu sheegay in […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Ciidamada Dawlada oo soo riday Drone Al Shabaab u basaasayeen

Kismaayo April 11, 2024 (QJ) -Ciidamada xoogga dalka ayaa shalay ku dhawaaqay in ay qabteen diyaarad yar oo la rumeysan yahay in ay adeegsanayeen Al-Shabaab. Diyaaradan la qabtay oo ah kuwa yar yar una muuqda kuwa wax basaasa ayaa la toogtay markii ay isku dayeen in ay gudaha u galaan hawada sare ee duleedka degmada […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Puntland oo ka digtay kalataga Soomaaliya

Garoowe April 11, 2024 (QJ) Madaxweyne ku xigeenka Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa sheegay in wax ka bedelka dastuurka ay fududeynayaan in laga gudbo kala fogaanshaha Soomaaliya. Madaxweyne ku xigeenka Ilyaas Lugatoor waxa uu tilmaamay in haddii Soomaalidu ay kala go’do uu Madaxweyne Xasan Sheekh kaligii qaadi doono mas’uuliyadda. Hadalkan kasoo […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Al Shabaab lagu duqeeyay degaano hoostaga Xarardheere

Muqdisho April 08, 2024 (QJ) -Diyaarado dagaal oo taageeraya ciidamada xoogga dalka Soomaaliya waxa ay weerar xooggan ku qaadeen goobo la rumeysan yahay in Al-Shabaab ay ku qorsheynayeen weeraro ay ku qaadaan ciidamada dowladda. Duqeynta ayaa lala beegsaday deegaan lagu magacaabo Baraag Gurguurte oo qiyaastii 20 KM u jira degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Ilo […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Cudurka Daacuunka oo Soomaaliya ku sii faafaya

Muqdisho April 08, 2024(QJ) -Ugu yaraan 60 qof ayaa Soomaaliya ugu dhintay cudurka daacuunka oo billowday saddex bilood ka hor, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta ee UNICEF. Wadarta 4,956 ruux oo uu haleelay daacuun ayaa la soo sheegay muddadan, iyadoo la diiwaan geliyay 60 dhimasho ah, sida lagu sheegay warbixintii ugu […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Mareykanka oo u digay shaqaalihiisa ku sigan Soomaaliya

Nairobi April 08, 2024(QJ) -Safaaradda Mareykanka ee magaalada Nairobi ayaa soo saartay digniin ku saabsan weeraro argagixiso oo lala beegsado qeybaha kala duwan ee magaalada Muqdisho. Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay inay heleen xogo sirdoon oo lagu kalsoonaan karo oo muujinaya in weeraro Argagixiso ay ka dhici karaan magaalada Muqdisho, gaar ahaan goobaha muhiimka ah sida […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Soomaaliya oo ka digtay xaalufinta kheyradka Badda

Muqdisho April 07, 2024 (QJ) -Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa digniin culus u dirtay dhammaan maraakiibta iyo shirkadaha shisheeye ee ku howlan ka faa’iideysiga kheyraadka badda Soomaaliya. Digniintan ayaa xooga saaraysa in la dhaqan geliyo sharciga Maareynta iyo Horumarinta kalluumeysiga Soomaaliyeed, kaasoo qeexaya hababka la ansixiyay ee ka faa’iidaysiga […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Wasiiro cusub oo lagu biiriyay gollaha Xukuumada Federalka

Muqdishu April 07, 2024 (QJ) -Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta ku dhawaaqay magacaabista Wasiiro cusub oo ka mid noqonaya Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya. Wasiirada uu magacaabay Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa isugu jira xubno hore oo xilal loo magacaabay iyo wasiiro cusub oo bedelay kuwii hore ee […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Soomaaliya iyo Suucuudiga oo heshiis dhinacyo badan kala sexeexday

Riyadh April 07, 2024 (QJ) -Dowladaha Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa si wadajir ah u soo saaray war saxaafadeed dhinacyo badan taabanaya kadib kulankii dhexmaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan. Labada hoggaamiye ayaa dib u eegis ku sameeyay xiriirka labada dal, waxaana ay ka […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Puntland oo sii wada xiriir ay la yeelanayso Itoobiya

Addis Ababa April 06, 2024 (QJ) -Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Duulista Hawada Puntland Abdullahi Bille ayaa la kulmay Wasiirka Gaadiidka Itoobiya Dagmawit Moges, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Hawada Itoobiya Getachew Mengistie iyo Madaxa Shirkadda Diyaaradaha Itoobiya Mesfin. Tasew Bekele. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sare u qaadida xiriirka Addis Ababa iyo Garoowe, iyo […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »