Home » 11:19 am Entries posted on “September, 2013”

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay gudoomiyaha gobolka Istanbul iyo ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Turkey

Istanbul 30.Sep 2013 (SDN)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga kulamo kula qaatay ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Turkiga, jaaliyadda Soomaalida, gudoomiyaha gobolka Istanbul Mudane Huseyin Avni Mulu iyo ganacsato u dhashay dalka Turkiga. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa xalay kulan dheer la qaatay ardayda Soomaaliyeed ee […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Guddoomiye ku-xigeenka sadexaad ee UCID oo jawaab kulu siiyay wasiir Xirsi

Hargeysa Sept 30,2013(SDN)-Guddoomiye kuxigeenka sadexaad ee Xisbiga UCID Md Cali Gurey ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadal dhawaan ka soo yeeray wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi Xaaji. Wasiirka ayaa sheegay in mucaaridku ay kolkii ay waayeen qodob ay ku dhaliilaan xukuumada ay haatan dhaliilaan horumarka. Md Cali Gurey oo qoraal uu dhigan barta internetka ee Facebook […]

Posted in Uncategorized | Read More »

“Raggan maanta dawaladda ku jiraa waa raggii 1995-kii Dagaalka Sokeeye Burco ka bilaabay, Jaamacadda waxa ka dhacay waxay caddaynaysaa in…………” Eng. Faysal Cali Waraabe

Hargeysa:30-Sep-2013(SDN)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa eedo Culus Dusha ka saaray Hab-dhaqanka Xukuumadda uu Gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Siilaanyo, waxana uu jawaab ka bixiyey Qaabkii loogala dhaqmay Munaasibaddii  qalinjabinta jaamacadda Hargeysa ee Shalay.   Eng. Faysal Cali waraabe oo Habeenkii xalay waraysi gaar ah siinayey Shabakadda wararka ee Qurbejoog.com,  ayaa dhacdadii […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Xisbiga Ucid Beddelka Labadii Xildhibaan ee Kulmiye Ku Biiray U Gudbiyey Guddida Doorashooyinka Somaliland

Hargeysa:30-Sep-2013(SDN)-Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid ayaa maalintii shalay Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland U gudbiyey Beddelka labadii xubnood ee Golaha Deegaanka Berbera ee dhawaan sheegay inay ku biireen xisbiga Kulmiye. Sida  uu noo xaqiijiyey Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid Eng. Faysal Cali waraabe, waxa ay xisbigu codsigooda Hore ka gudbiyeen Maalintii shalay si ay u […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Somaliland: The protesters and Government Allergic to Demonstrations and Fair Criticism

Voluntary protesters asked the ministry of interior a permit to exercise their basic right: to peacefully demonstrate against what they recognize to be inappropriate bill but unfortunately, their right was denied for no apparent reason. The “propaganda” minister, in my view—because democracies don’t have information ministers but spokesperson for president or premier— jumped in to […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Dawladda Hoose ee Hargeysa Oo Soo Saartay Amar Shacabku Si weyn Usoo Dhaweeyey

Hargeysa:30-Sep-2013(SDN)-Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa soo saartay amar dad badani u riyaaqeen oo wax lagag qabanayo Dadka ku mamay dhulka aanay waxba ka beerayn ee ay iska sheegtaan. Dawladda Hoose oo uu Hormood u yahay Duqa Caasimadda ahna Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Hargeysa   Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco, ayaa amar ku bixiyey inaan cidna laga aqbali doonin […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Xukuumadda Somaliland Oo Ku Dhaqaaqday Tallaabo Axsaabta Mucaaradka lagaga Hor istaagayo Ka Hadalka Madalaha madaxda Qaranku isku Arkaan.

Hargeysa:30-Sep-2013(SDN)-Xukuumadda Somaliland  ayaa qaadday tallaabooyin dhiig Bax ah oo ay madaxda Axsaabta qaranka kaga  hor istaagayso inay ka hadlaan Goobaha  la iskugu yimaaddo ee munaasibadaha ah. Xukuumaddan haatan talada dalka haysa oo caan ku ah inay ka damqato, kana cararto dhaliilaha  mucaaradkeedu u soo jeediyaan, ayaa intii muddo ahaydba ku hawllanayd sidii ay  iska ilaalin […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Dawlada Kenya oo sheegtay in ay gacanta ku dhigtay ruux ay la xiriirinayso weerarkii Westgate Mall

Nairobi Sept 30,2013(SDN)-Dawlada dalka Kiinya ayaa sheegtay baaritaan ay mudaba waday in ay qabqabteen dad badan oo lala xiriirinayo weerarkii ay koox hubeysani ku qaadeen xarun ganacsi oo Nairobi ku taal. Dawlada Kiinya ayaa sheegatay in ay ilaa iyo haatan gacanta ku dhigeen ilaa 12 ruux oo ay ku tuhmeen in ay ku lug lahaayeen […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Xukuumadda Oo Habeenkii Xalay Mar kale Jeelka Ku Hubsatay Wadaad Ku Fallaagoobay

Hargeysa:30-Sep-2013 (SDN)- Xukuumadda Somaliland ayaa Habeenkii Xalay mar kale xabsiga u taxaabtay  Sheekh Maxamuud C/laahi Geelle  oo Hoggaamiye u ah Urur-diimeedka Xisbullah, kaas oo dhawr jeer oo hore xabsiga la dhigay. Sheekhan oo  saaxiib la ah jeelka, ayaa xadhiggiisa waxa xaqiijiyey Afhayeenka Xisbullah   Cali Cumar Maxamuud, isagoo   sheegay in aanu garanayn sababta keentay xidhiga sheekha. […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Ceerigaabo: Askari Boliis ah Oo Toogasho Lagu Dilay iyo Gacanku-dhiiglihii Oo La Hayo

Ceerigaabo:30-Sep-2013(SDN)- Askari Boolis ah ayaa Duhurnimadii shalay  ku Geeriyooday    Degaanka Ximan-gareen oo qiyaastii 20-km jahada bari ka xigta magaalada Ceerigaabo kaddib markii sida la sheegay uu meel u galay nin booliisku doonayeen in ay soo qabtaan oo laga soo dacwoodey.   Boliiska ayaa gacan ku dhiiglihii “Ninka boliisku doonayeen inay soo qabtaan ayaa dhexda u […]

Posted in Uncategorized | Read More »