Xukuumada Soomaaliya oo Taageertay Heshiiskii ay la gashay Somaliland“Heshiiskani waa talaabo loo qaaday dhanka dib u Heshiisiinta iyo Midnimada”

    Muqdisho July 19, 2013(SDN)-Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii joogtada ahaa, waxaana shir gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, iyadoo looga dooday qodobo dhowr ah. Golaha Wasiiradu ayaa ka dooday heshiiskii 10-kii bishan July ku dhex maray dawladda Soomaaliyeed iyo Somaliland magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, waxayna…

    Read More

      “Waxaadna ogaataan in Soomaaliya ay u baahan tahay dhallinyaro dhanka saxan wax ka aragta” Ra’isal Wasaare Saacid

      Muqdisho 18.July (SDN) Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa caawa ku casuumay bahda warbaahinta kulan afur iyo oo qaatay muddo saddex saacadood ah, iyadoo ra’iisul wasaaruhu uu ka sheegay goobta in xukuumaddu aysan doonayn inay warbaahinta ku qasabto sharci aysan raalli ka ahayn. Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka warfaafinta, Cabdullaahi Ciilmooge…

      Read More

        Xildhibaan ka Tirsanaa Golaha Deegaanka ee Magaalada Berbera oo Hargaysa lagu aasay

        Hargaysa 18.July (SDN) Waxa maanta aas Qaran loogu sameeyey  Xabaalaha Naasa Hablood ee Magaalada Hargeysa Mar-xuum Cabdi Xuseen Rooble(Cabdi Looliya) oo ka tirsanaa xildhibaanada Golaha degaanka ee Magaalada Berbera. Aaskan ayaa waxa ka soo qayb galay Gudoomiyaha Golaha wakiilada Mud,C/raxmaan maxamed C/llahi, Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Mud,Cali Maxamed Cilmi , Maayirka Degmada Berbera Mud, C/shakuur Maxamed…

        Read More

          Xukuumada Somaliland oo Qaadacday inaanay Ogolayn Golaha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranka

          Hargaysa 18.July (SDN) Fadhigii Golaha Wasiirrada Somaliland ee maanta oo uu shir-gudoominayay madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa lagu go’aamiyay inaan la aqbali doonin wax urur ama gole ah oo ka baxsan kuwa dastuuriga ah ee dalka sifaha sharciga ah uga jira, sidaasna waxa shaaca ka qaaday Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Axmed Saleebaan…

          Read More

            Mishiinka Hawo Siinta Bukaanka oo Drs Edna Aadan ay ugu Deeqday Cisbitaalka Balli Gubadle

            Balli Gubadle 18.July (SDN) Isuduwaha wasaarada caafimaadka ee Gobolka Hawd Xuseen Xasan Cali ayaa Ka gudoomay  Mishiinka  loo adeegsado  Hawa siinta bukaanka  Drs,Edna Aadan Ismaaciil,kaasi oo ay ugu deeqday Isbitaalka Magaalada Balli-gubadle.   Mishiinkan oo ay DRS, Edna ismaaciil ku wareejisay  Isuduwaha  wasaarada caafimaadka ee Gobolka Hawd, oo ah mid  Tayadiisu sarayso, ayaa  isuduwuhu sheegay…

            Read More

              AMISOM oo ka Hadashay Xiliga ay ka Baxayaan Gobolka Bay

              Muqdisho 18.July (SDN) Afhayeenka ciidamada AMISOM oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in ciidamadooda ku sugan degmada Baydhabo ay buuxiyeen fariisimo ay ka baxeen ciidamadii Itoobiya ee halkaas ku sugnaa, isagoo xusay in ammaanka Muqdisho uu yahay mid aad u wanaagsan. Col. Cali Aadan Xumad wuxuu sheegay inay qorsheynayaan inay goobaha ay…

              Read More

                Sadex Sanno oo Shin Buuxa,Hogaaminta Madaxweyne Siilaanyo iyo Xusuusta Odhaahdii Waxaynu rabnaa Isbedel {DHAGAYSO}

                Hargaysa 18 July (SDN) Waxay ku beegnayd 26 bishii June 2010kii Markii Shacabka Somaliland ay u dareereen Goobihii Codbixinta Doorashadii Madaxtooyada oo ahayd wareegeedii labaad. Waxaa ku Loolamayay Sadex Xisbi,Sadex Murashax Madaxweyne iyo ku Xigeenadoodii oo ku lamaanaa. Waxay ahayd Mucjiso in Xisbigii ugu Tunka Weynaa Mucaaridka Somaliland ee Kulmiye uu ku Guulaysto kala badh…

                Read More

                  Agaasimihii Hore ee Dibu Dejinta oo Xilkii ku Wareejiyay Agaasimaha Cusub ee Wasaaradaas

                  Hargaysa 18.July (SDN) Wasiirka wasaarada Dib-u-dejinta Axmed Cabdi Kaahin ayaa maanta Xilkii ukala wareejiyay Agaasimihii Guud ee hore ee wasaaradaas Md. Cali Axmed C/lle Biikolo haatana ah Maareeyaha Hay’ada Dhawrista Tayada iyo AGaasimaha Guud ee dhawaan loo magacaabbay wasaarada Dib u dejinta md. Maxamuud Jibriil Yoonis . Kulanka Xilwareejintan oo ka dhacay xarunta wasaarada Dib…

                  Read More

                    DAAWO:Baarlamanka Somaliya oo Dood Kulul ka Yeeshay Xuduud Badeedyada

                    Muqdisho July 18,2013(SDN)-Baarlamaanka dalka Soomaaliya ayaa si adag uga dooday xeerka xuduudaha badda ee dalka Soomaaliya,ka dib kolkii xeer arintan ku saabsan ay Xukuumadu u soo guddbisay. Waxa Warbixin ku saabsan Kaluumeysiga iyo shuruucda hageysa Baarlamaanka wasiirka Kheyraadka Badda ee Dawlada taas oo ka dib abuuray doodo adag oo u dhexeeysa wasiirka iyo xildhibaanada dalka,DAAWO.

                    Read More

                      Ururka Suxuufiyiinta aan Xadka Laheyn oo dhaleeceeyay Xeerka Cusub ee Saxaafada Soomaaliya,Baaqna u diray Baarlamaanka

                      New York July 18,2013(SDN)-Ururka u dooda xuquuqaha Suxuufiyiinta ee Reporters Without Borders ayaa ka hadlay oo dhaleeceeyay xeerka cusub ee saxaafada Soomaaliya. Suxuufiyiinta aan xadka laheyn ayaa sheegay in xeerkani lidi ku yahay xoriyatu qowlka iyo in uu ku khasbayo Wariyeyaasha in ay iyagu afka isqaabtaan. Xeerka Warbaahinta oo ay dhawaan ansixiyeen Gollaha Wasiirada ayaa…

                      Read More

                        Guddida Doorashooyinka,Xukuumada iyo Xisbiyada Qaranka Somaliland oo Heshiis ka gaaray Diiwaangelinta Shacabka

                        Hargeysa July 18,2013(SDN)-Guddida Doorashooyinka Somaliland,Xisbiyada iyo Xukuumada Somaliland ayaa wada jir u sexeexay Heshiis laga gaaray Diiwaangelinta Muwaadiniinta iyo Codbixiyeyaasha Somaliland. Kulan ay Hargeysa isugu yimaadeen ayaa lagu Sexeexay Heshiiskan hagi doona Diiwaangelinta shacabka Somaliland. Heshiiskan oo mudo qaatay isla markaana la isku afgaran waayay qaar ka mida qodobada ku xusun,khaasatan cida masuulka ka noqoneysa…

                        Read More

                          Ogeysiis:waxa dhamaan Jaaliyada Somalida ah ee degan Miltonkeynes iyo Luton lagu wargelinaya in Xildhibaanka golaha wakiilada ee UK (MP) Mudane Larcaster oo shir la yeelan doono Jaaliyada

                          Waxa la ogeysinaya dhamaan Jaaliyada Somaliyeed ee ku nool magaalada Milton keynes iyo Luton.  Inay ka soo qayb galaan shir gaar ah uu la yeelanayo Mudanaha aqalaka wakiilada ee UK u matla magalaadan Milton keynes Mr. Larcaster.     Shirkaaso oo ku saabsan Joojintii daroogadii Qaatka ee dhawaan ay dhawaaqday Wasiirada Arrimaha Gudaha ee Uk Mrs…

                          Read More