Home » 10:27 am Entries posted on “March, 2014”

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo Xadhiga ka Jaray Jidkii ugu Muhiimsanaa ee Magaalada Boorama

Boorama 31.March 2014 (SDN)- Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil Saylici ayaa furay waddo laami ah oo laga hirgaliyey gudaha degmada Boorama ee xarunta gobolka Awdal. Waddada oo dhererkeedu yahay 1.5 km ayaa waxaa hirgalinteeda iska kaashaday dowladda hoose ee Boorama iyo hay’adda Habitat ee caawisa mashaariicda horumarinta. Guddoomiyaha golaha deegaanka degmada Boorama, Sulymaan […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Qaraar ay gudida Mihnadlayaasha Caafimaadku ka soo Saareen Qadiyadii Shaqo ka Joojinta Dr Macow

Hargaysa 31.March 2014 (SDN)- Warar sugan oo aanu ka helnay kiiska Dr Macaw iyo Xukuumadda u dhaxeeya ayaa sheegaya in ay guddida Xirfadlayaasha Caafimaadku shalay soo saareen go’aan ah in aanu buuxin shuruudaha u yaala in uu kaga shaqaysan karoSomaliland. Go’aanka tguddida ayaa ka dhigan in uu joojiyo isla markaana faraha kala baxo hawshii baadhiseed […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Mareykanka iyo Ruushka oo ku heshiiyay in Ukraine noqoto Federal

Paris Mar 31,2014(SDN)-Kulan ay wasiirada arrimaha dibeda ku yeesheen Paris ayaa waxa la iskula qaatay in dawlada Ukraine ay noqoto mid ku dhisan nidaam fedelaka. Xoghayaha arrimaha dibeda Mareykanka John Kerry iyo wasiirka arrimaha dibedda ee Ruushka Sergey Lavrov ayaa kulankooda ka soo saaray qodobo isku heyn kara bulshada kala duwan ee dalka Ukraine. Kulanka […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Xaakim ku eedeeyay Muslimiinta in ay aaminsan yihiin in ay xaasaskooda garaaci karaan oo raali gelin bixiyay

Dublin Mar 31,2014(SDN)-Xaakim dhegeysanayay dacwad lagu soo oogay nin Soomaali ah oo lau eedeeyay in uu u dhacay aqalka haweeney ay kala tageen ayaa laga soo xigtay hadalo meel ku dhac ku ah muslimiinta. “Waxaan u maleynayaa in Muslimiintu in ay dareensan yihiin in ay xaasaskooda garaaci karaan”ayuu yiri xaakimku xili lagu gudo jiray dhegeysiga […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Ma Komishanka,Ma Wakiilada mise waxaynu Soo horaysiinaa doorashadii Madaxweynaha

Dalkan Jamhuuriyada Somaliland waxa iyana dhinacooda ka wiiqay doora-shooyinkan isdaba taxan ee aan dhaqaalana loo hayn sida ay xukuumadu tidhaa,dadkuna aanay weli u bislaan.Waana dhibaato taagan oo u baahan in xal loo helo,shacabkana lagu wacyi geliyo hawlahooda oo si deggan u socda inay codeeyaan,lagana baxo ololayaasha waalida huwan. Aan taabto halkuu qalinku tebayo,maanta waxa innagu […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Ra’iisal Wasaaraha Turky oo ku dhawaaqay Guusha Xisbigiisa ee Doorashooyinka Deegaanka

31,mar.2014(SDN)-Natiijooyinka hour dhaca ah ee ka soo baxaya Doorashooyinkii Goloha Deeganka ee shalay ka qabsooomtay Dalka Turky,ayaa tilmaamaya Horumar uu ka gaadhay Xisbiga Cadaalkadda Iyo Horumarinta ee Haatan Hogaanka u haya Dalka Turky.waxaana ilaa hadda inta la ogyahay uu ku Guulaystay 47% guud ahaanba Codbixintii shalay.Xalka Xisbiga uu Xifaaltanka Xoogani ka dhexeeyo ee Xisbiga Shacabka […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Masar oo la mudeeyay xiliga Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Gen El-Sissi oo isa sharaxay

Qahira Mar 31,2014(SDN)-Doorashooyinka madaxtooyada dalka Masar ayaa loo qoondeeyay in ay qabsoomaan dhamaadka bisha May guddida doorashooyinka dalkaasi ayaa sheegay in doorashooyinku laba wareeg noqon doonaan. Doorashooyinkan ayaa noqon doona kuwii u horeeyay ee dalkaasi Masar ka dhaca ka dib kolkii afganbi xilka looga tuuray madaxweyne Maxamed Morsi oo ahaa hogaamiyihii u horeeyay ee ebid […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Tacsi loo diraayo dhamaan reer Mohamed Sheikh Dheere

 Inaaa Lilaahi Wa Inaa Lilaahi Raajicuun, Tacsi ayaa halkaan waxaa uu Mohamed Sheikh Abdisalaam (Madey) uga diraayaa: Asmo Sheikh Mohamed, Sharifo Sheikh Mohamed, Asli Sheikh Mohamed, Dr. Mohamud Sheikh Mohamed iyo dhamaan reer Mohamed Sheikh Dheere meel meelkasta oo dalka iyo dibada ka joogaan oo hoyadood Adey Mursan ku geeriyootey Magaalada Muqdisho, laguna aasi doono […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Gudoomiyaha la dagaalanka Musuqmaasuqa oo baaq u diray shacaabwaynaha reer Somaliland inay xog ka soo uruuriyaan Musuqmasuqa wadanka ka Jira

London31March14(SDN) gudoomiyaha la dagaalanka musuqmaasuqa ee xaruuntiisu tahay magalada london ayaa baaq u diray shacabwaynaha reer somaliland inay xog ka soo ururiyaan wax ala waxii ku salaysan musuqmaasuq iyo hanti boob xaad dhaafay ee ka jira dalkeena  somaliland waxana yeelaya nidaamkeena dawladnimo iyo inaaynu helo aqoonsi caalami ah taasi oo ah hadafka ugu waayn ee […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Musharaxa Xilka Madaxweyne ee Xisbiga UCID oo ka hadlay xaalada Dr Macoow oo Hargeysa lagu carqaladeeyay

Hargeysa Mar 30,2014(SDN)-Musharaxa xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ugu sharaxan Xilka madaxweyne Md Jamaal Cali Xuseen ayaa war uu soo saaray uga hadlay Dr Cali Macoow oo baaritaano Caafimaad ka fulinayay magaalada Hargeysa isla markaana ay xukuumada Somaliland ka hor joogsatay. Qoraal uu dhacdadaa ka soo saaray Musharax Jamaal Cali Xuseen ayaa sidan u qoraa: […]

Posted in Uncategorized | Read More »