Home » 6:31 am Entries posted on “July, 2014”

Ganacsigii Bakaaraha Oo Istaagay iyo Ciidamo Xooggan Oo Suuqa Gudaha u Galay

Muqdisho:July,31,2014(SDN/QJ)-Suuqa ugu weyn Magaalada Muqdisho ee Bakaaraha, ayaan saaka wax ganacsi ahi ka soconin, waxana baadhitaanno laxaad leh ka wada Ciidamo Xooggan oo AMISOM iyo kuwa Dawladdaba iskugu jira. Wadooyinka waaweyn ee laamiyada ah ee hareeraha ka mara Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa dhooban ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Midowga Afrika iyo ciidamada Dowladda oo […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Ururrada Bulshada Puntland Oo ka Qayliyey Maamulka Loo Dhisay Gobollada Dhexe

Garowe:July31,2014(SDN/QJ)-Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Puntland ayaa noqday cidii ugu horraysay eek a soo horjeedsatay Maamullada Xalay loo sameeyey Gobollada dhexe ee Somalia. Afhayeenka ururada bulshada Rayidka Puntland Daahir Cumar Siyaad ayaa si kulul  u cambaareeyey kulankaas iyo waliba maamullada loo sameeyey Gobollada Puntland deriska la ah. Waxa uu sheegay in madaxda dalka ay ku […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Danjire Kay oo soo dhaweeyay maamul ay yeeshaan Mudug iyo Galgaduu

Nairobi 31.July 2014 (SDN/QJ)- Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uqaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay, ayaa soo dhoweeyay heshiiska hal maamul looga dhisayo gobollada dhexe ee Soomaaliya ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho. Kay ayaa sheegay in talaabadan ay muujineyso hirgalinta nidaamka federalka oo ah in laxoojiyo dhismaha maamullada gobollada dalka. Ergeyga ayaa […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Muwaadinkii faransiiska u dhashay Ee Somaliland Lagu Xidhay Oo La Sii Daayey

Hargeysa:July,31,2014(SDN/QJ)-Ciidanka Dembi-baadhista somaliland, ayaa  xorriyadiisii dib ugu soo celiyey muwaadin u dhashay dalka Faransiiska oo muddo habeenno ah u xidhnaa. Muwaadinka Faransiiska ah oo ay warbaahinta Somaliland baahisay xadhigiisa ayey Sirdoonku si qarsoodi ah u sii daayeen kadib markii ay ka waayeen tuhunadii ay la xidhiidhinayeen qabashadiisa, kaasoo ay afka ka xidhatay sababta xadhigiisa.   […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Diiwaangelintii Codbixiyeyaasha Somaliland oo la sheegayo inaanay Sannadkan Hirgalayn iyo Cabsi haysata Komiishanka doorashooyinka.

Hargaysa 31.July 2014 (SDN/QJ)- Waxaa laga Walaacsan yahay Sidii ay Somaliland uga Dhaqangeli lahayd Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha doorashooyinka oo Komiishanka doorashooyinka Somaliland ay bishii April ee Sannadkan Iclaamiyeen inay qabsoomi doonto bisha Sagaalad ee soo Socota. Komiishanka ayaa hore u sheegay in gebi ahaanba la bedelayo qaabkii diiwaangelinta oo markii hore ahayd mid uu qofkasta oo […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Koox uu ku Jiro Fududeeyihii Weerarkii Madaxtooyada Oo Dil Lagu Xukumay

Muqdisho:July,31,2014(SDN/QJ)-Saddex Dhallinyaro ah oo uu hormood u yahay ninnkii fududeeyey weerarkii dhawaan kooxda Al-shabaab ay madaxtooyada ku qaadday, ayaa maxkamadda Derejada koowaad ee Ciidanku ku qaadday xukunno isku jira dil iyo xabsi daa’im. Saddexda eedeysane ee  shalay Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida la horgeeyay oo lagu kala magacaabo Xasan Maxamed Xasan oo ahaa […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Weerar qorshaysan oo Xalay Lagu Qaaday Xarunta Wargeyska Ogaal Ee Hargeysa

Hargeysa:July,31,2014(SDN/QJ)-Waxa Habeenkii xalay  kooxo  dhallinyaro ah oo abuubulani ay weerareen Xarunta Wargeyska Madaxa Bannaan ee Ogaal ee Magaalada Hargeysa, iyagoo hanjabaad iyo handidaad u geystay shaqaalihii halkaas joogay. Sida ay qurbejoog.com u sheegeen hawlwadeenada wargeysku, waxa kooxdaas oo intooda badan wajiya-yadooda la aqoonsaday ay halkaas ka akhriyeen hadallo deelqaaf ah oo ay wax kaga sheegayaan […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Somali Pirates and Iranian Navy Fight

Somali pirates and Iranian Navy fought after the pirates attacked Iranian merchant ships. According to FARS, an Iranian news agency, the Iranian navy saved the ships which were five in number from the pirates. The clash happened at the Gulf of Aden. Admiral Habibullaah Sayari, the head of the Iranian Navy confirmed the incident and […]

Posted in Uncategorized | Read More »

“Guddoomiyaha Golaha Wakiillada waxaannu ugu celinaynaa in uu naftiisa baro in ay muddadu dhammaan karto” Wasiirka Warfaafinta Somaliland

Hargaysa 31.July 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa sheegay in Guddoomiyaha Wakiiladda oo xilka ku sii haya afar sanadood oo muddo dhaaf ahi, uu haddana Madaxweyne Siilaanyo oo aanu wakhtigiisiiba dhamaanin ku eedeynayo inuu muddo korodhsan doono. Wasiirku waxa uu sheegay in xukuumadda ay ka go’an tahay […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Somali family living on bench outside Tooting TK Maxx

A Somali family have been living on a bench in Tooting for weeks on end. Last night two people were huddled under sleeping bags, directly outside TK Maxx, in Tooting High Street. They had multiple suitcases around them However, this is not the first sighting of the pair who have been spotted on the bench over the […]

Posted in Uncategorized | Read More »