Home » 3:00 am Entries posted on “October, 2014”

Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyey geeridii ku timid taliyahii Ciidamadda Boliiska

Abu Dubai Oct 31, 2014(SDN/QJ)– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka tacsiyeeyey geeridii Allaah ha u naxariistee Taliyahii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Ismaacil oo maanta ku geeriyooday Muqdisho. “Innaa Lillaahi wa innaa Illayhi raajicuun, waxaan Eebbe ka baryayaa inuu dhammaanteen samir iyo iimaan naga siiyo Taliyahii Ciidanka Booliiska […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Muqdisho oo laga Furay Goobo lagu Diiwaangeliyo Dhallinta uu Madax maray Fikirka Jihaadku si ay uga barbar dagaalamaan Kooxda Daacish

Muqdisho 31.Oct 2014 (SDN/QJ)- Wararka laga Helayo Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in Halkaas laga diiwaangeliyo Boqolaal Dhallinyaro ah oo la Dhacsan Dagaallada ururka Daacish wado, kuwaas oo doonaya inay gaadhaan Dalalka Ciraaq iyo Syria. Sarkaal Sare oo ka tirsan Ururka Al-shabaab, ayaa qaarkamid ah Warbaahinta u sheegtay in dadka buugaasi lagu diiwaan galiyo loo qeybin […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Khilaafkii Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha oo ay Soo raaceen Is fahmi waa Xoogan oo soo kala dhex galay Waaxdii Garsoorka Somalia

Muqdisho 31.Oct 2014 (SDN/QJ)- Khilaafka u dhexeeya xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo guddoomiyaha maxkamadda sare ayaa cirka isku sii shareeraya, iyagoo  ay labadan mas’uul warbaahinta isku mariyeen hadallu u muuqday inay isku eedeynayaan.   Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, Avv. Caydiid C/llaahi Ilko-Xanaf oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in xeer ilaaliyaha […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Amniga oo Ragii la Xidhnaa ee Maxkamaddu Dembi ku weydey Mar kale Xabsiga dib loogu celiyey

Hargaysa 31.Oct 2014 (SDN/QJ)- Laba Nin oo la xidhnaa Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cabdillaahi Abbokor Aw Cismaan, balse uu Garsooraha Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ee Axaddii toddobaadkan xukunka ku riday Cabdillaahi Abbokor iyo Askarigii ilaalada u ahaan jiray uu sheegay in wax dembi ah lagu waayey oo ay Maxkamaddu Fasaxday, […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Xukuumada oo Xabsiga dhigtay Mas’uul sare oo ka tirsan Xisbiga Waddani iyo Afhayeenka Xisbigaas oo ka hadlay

Hargeysa 31.Oct 2014 (SDN/QJ)-Xoghayaha Xanaanada Xoolaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Xasan Axmed Goodaad,ayaa Xabsiga loo taxaabay kadib markii uu dhawaan dhaliilo ugu jeediyay Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan(Saleebaan-Gaal). Sida Wararku sheegayaan Xukuumada Somaliland ayaa dhibsatay Dhaliilo xoogan oo uu u jeediyay Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo iyo Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan-Gaal sida ay ugu badheedheen […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Dhallinyaro Reer Gebilay ah oo dabka qabadsiiyay Calanka Xisbiga Kulmiye,Maxaa Sababay? DAAWO

Gebilay 31.Oct 2014 (SDN/QJ)- Axsaabta Mucaaridka ah ee Ucid iyo Waddani ayaa Badhtamihii Bishan October waxay Magaalada Gebilay ku qabteen Munaasibado ay u sameeyeen Taageerayaal la sheegay inay ka soo digo rogteen Xisbiga Kulmiye. Hasa yeeshee Xisbiga Talada dalka haya ee Kulmiye ayaa isagu waxa uu Shalay Magaalada Gebilay ku qabtay Kulan uu Nuxurkiisu ahaa […]

Posted in Uncategorized | Read More »

“Laascanood Dasturka Puntland ee aan ku dhaartay ayey ka mid tahay,gacantayada waan ku soo celinayaa Laascanod, In Afti laga qaado….” Madaxweyne C.weli Gaas

Garowe 31.Oct 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Maamul-goboleedka somaliyeed ee Puntland Cabiweli Maxamed Cali(Gaas), ayaa soo jeediyey in baahi loo qabo in afti ku saabsan cidda ay jecel yihiin inay raacaan laga qaado shacabka deggen Gobolka Sool oo maamulkiisu sheegto inuu ka tirsan yahay. Madaxweyne Gaas waxa uu sheegay inuu si dhab ah u doonayo in shacabkaas […]

Posted in Uncategorized | Read More »

“Saddexdii qoddob-ba xukuumaddu way fulisay oo waxa u dambeeya mashruucan biyaha ee aynu daah furayno” Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil

Laascaanood 31.Oct 2014 (SDN/QJ)- Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, oo ka mid ah madax-dhaqameedka waaweyn ee gobolka Sool, ayaa shaaca ka qaaday in xukuumadda Somaliland ka soo baxday balan-qaadyadii Horumarinta gobolka la xidhiidhay, iyaguna ay lama huraan tahay inay ka soo baxaan oo ay garab istaagaan xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo ka shaqaynaysa horumarinta dalka. Sida uu […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Wasiirka horumarinta caalamiga ah ee Britain oo booqatay Muqdisho Kana Hadashay Arrimo aanay Somalidu Niyad u hayn

Muqdisho 31.Oct 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka horumarinta caalamiga ah ee dowladda Britain, Lynne Choona Featherstone oo  booqatay magaalada Muqdisho ayaa qaar ka tirsan wasiirrada xukuumadda Soomaaliya kala hadashay sidii loo xoojin lahaa xuquuqda haweenka iyo in la hubiyo in ay haweenku yihiin halbowlaha horumarka dalka. Lynne Featherstone, ayaa la kulantay wasiirka haweenka iyo horumarinta xuquuqda aadanaha […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Halkan ka daawo dood xiiso badan oo dhexmartay sadexda Xisbi qaran Kulmiye Ucid iyo wadani khilaafka Golaha Guurtida iyo wariye Mustafe Shaafi

London31Oct14(SDN/QJ) Baraamijka Xulashada Todobaadka oo iska kashadaan webka qurbejoog iyo wariye Mustafe Shaafi oo lagu soo qatay dood xiiso badan oo dhexmartay Sadexda Xisbi Qaran oo lagu falaqaynayey khilaafka xeerka doorashooyinka baraamijkan oo xiiso badnaa ayaa waxa si kulul uga dooday xeerka dorashooyinka sadexda xisbi Halkan kaa daawo.

Posted in Uncategorized | Read More »