Home » 3:34 am Entries posted on “January, 2015”

Somaliland Oo jawaab Ka Bixisay Eedo Puntland Uga Yimi Oo La Xidhiidha Arrimaha Markab Hub Sida Oo Dekedda Berbera Ku Sugan

Hargeysa:Jan,31,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda Somaliland ayaa jawaab ka Bixisay Hadal shalay Maamulka Puntland ka sheegeen Markabka ku xidhan Dekedda Berbera oo shixnado hub ahi saaran yihiin, kaas oo maamulkaasi sheegay inay Somaliland si dhuumasho ah ula soo degtay. Wasiir-ku-xigeenka Amniga ee Somaliland Cali Maxamed Cilmi jawaabtaas Bixiyey, ayaa iska fogeeyey inay Somaliland wax lug ah ku leedahay soo […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Xildhibaanadii Hore Iyo Qaar Ka Mid Ah Odayaasha Dhaqanka oo Mudanayaasha Baarlamaanka Ka Codsaday Iney Ansixiyaan Xukuumada Cusub

Muqdisho Jan 30,2015(SDN/QJ)-Xildhibaandii Hore ee Baarlamaanka, Odayaal dhaqameedyo, Siyaasiyiin iyo Xubno ka socday bulashada rayidka ah ayaa saaka kulan isigu yimid ay ku taageerayeen xukuumada cusub ee uu soo magacaabay Raysal Wasaare Cumar Cabdirashid, iguna dalbanayeen xildhibaanada baarlamaanka iney  siiyaan codka kalsoonida. Kulankaan oo quraac ahaa ayaa waxaa laga soo jeediyey talooyin ku aadan qaabka […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Dowladda Soomaaliya oo dhiirigelisay Maktablayda Soomaaliyeed oo Ka Qayb Gashay Bandhig Buugaag oo Lagu Qabtay Qaahira

Qaahira Jan 30, 2015(SDN/QJ)- Sii Hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustafa Sheikh Cali Dhuxulow ayaa dhiirigeliyey Maktablayda Soomaaliyeed oo markii ugu horreysay kas oo muuqatay bandhiga buugaag oo lagu qabtay magalada Qaahira waxaana Soomaaliya mataleyay Midawga Maktablayda dalka oo ay ka socdeen 14 maktabadood oo ka jira dhamaan Gobollada Soomaaliya, iyadoo Safaarada Soomaaliyeed ee Masar ay […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Puntland Oo Fasiraad Diblomaasiyadda Ka Baxsan Ka Bixisay Shixnad Hub ah Oo Dekedda Berbera Kasoo Degtay

Garowe:Jan,30,2015(SDN/QJ)-Puntland ayaa Noqotay Maamulkii ugu horreeyey ee Jawaab ka Bixiya  Markab shixnad Hub ah siday oo dhawaan kusoo xidhay Dekedda Berbera, waxana ay  bixisay Fasiraad liddi ku ah Hanaanka Diblomaasiyadeed ee arrimaha Noocan oo kale ah looga Hadlo. Wasiirka Amniga Puntland Xasan Cismaan Maxamuud (Aloore) ayaa isagoo gees ka dhaafay, isla-markaana iska indhotiray Habkii hubkasi […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Baadi-doon Hay’da FBI-da Maraykanku Ugu Jirto Nin Soomaali Ah Iyo Qiime Lacageed Oo Madaxiisa La Duldhigay

Washington:30,2015(SDN/QJ)-Shalay Khamiistii ayaa Hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee FBI-du waxay ay liiska dadka ay raadinayso ku dartay Muwaadin soomaaliyeed oo  haysta Dhalashada Dalka Maraykanka. Muwaadinkan ayey Hay’adda Sirdoonka Maraykanku sheegtay inuu yahay nin Aqoon durugsan u leh Dhismayaasha Magaalooyinka New York iyo Washington ay ku leedahay dawladdu iyo waliba Garoomada Diyaaraduhu ka Hadaan. Ninkan la doon […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Booliska Hargeysa Oo Toogasho Ku Dilay Wiil Dhallinyaro ah, Mid Kale Oo Dhaawacmay Iyo Dadweynaha Oo Gadooday

Hargeysa:Jan,30,2015(SDN/QJ)-Ciidamada Ammaanka eeBooliska Caasimada Hargeysa, ayaa toogasho ku dilay Wiil dhalinyaro ah, mid kalena dhaawac culus gaadhsiiyey gelinkii dambe ee shalay. Dhacdadan ayaa ka dhacay Gudaha Garoonka Kubadda Cagta ee Dugsiga Maxamuud Axmed Cali oo Dhallinyaradan Boolisku dhimashada iyo dhaawaca Gaadhsiiyeen kubad ku ciyaareen. Kolanyo Boolis ah oo isugu jirta, kuwa Saldhigyada jooga, RRU iyo […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Qaramada Midoobay Iyo Maraykanka Oo Hawraarsan Kusoo Dhaweeyey Dawladda Kooban Ee Ra’isal Wasaare Cumar Cabdirashiid

New york:Jan,30,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda Cusub ee Dhawaan uu Ra’isal wasaare Cumar Cabdirashiid soo magacaabay, ayaa waxa soo badanaya Dawladaha soo dhaweynaya, waxana u dambeeyey Dowladda Maraykanka iyo Qaramada midobay oo soo dhaweeyey. War-saxaafadeed ka soo baxay Wakiilka Dawlada Maraykanka u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James P. McAnulty ayaa lagu sheegay in talaabadani ay dhiiri gelinayso in dhamaan dadka […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Mu’addin Masjidka Nabiga SCW 58-sano Ka Addimiyey Oo Si Kedis ah U Geeriyooday

Madina:Jan,30,2015(SDN/QJ)-Kaamil Saalax Amed Najdi oo ah Mu’adinkii Masaajidka Nabiga scw ee xaramka barakaysan ee Madinah, ayaa  si kedis ah u geeriyooday kadib uu salaadii Cishaa’I edaamay, ka dibna aqiimay ee uu tukaday, kuna gutay Masaajidka barakaysan. Sheekh Kaamil, ayaa ku dhawaan muddo lixdan sano ah mu’adin kasoo ahaa Masaajidka Barakaysan, kaas oo caan ka ahaa […]

Posted in Uncategorized | Read More »

DAAWO:Difaaca Nabi Maxamed waa waajib saaran qof kasta oo Muslim ah

Ottawa Jan 30, 2015(SDN/QJ)-Waa mid kale oo ka mida muxaadarooyinkii qaaliga ahaa ee uu halkan inoogu soo bandhigi jiray Sheekh Saciid Cali Axmed oo ka hadleysa Waajibaadka ka saran ruux walba oo Muslim ahi in uu difaaco Nabigeena suuban.

Posted in Uncategorized | Read More »

General Jidhif Oo Soo Jeediyey In Ciidamada Qaranku La Wareegaan Hubka Saaran Markabka Dekedda Berbera Taagan

Hargeysa:Jan,30,2015(SDN/QJ)-Taliyihii hore ee Ciidanka Qaranka Somaliland Maxamed Xasan Cabdilaahi Jidhif, ayaa markii ugu horraysay ka Hadlay  Markab sida Shixnad hub ah oo dhawaan kusoo xidhay Dekedda Magaalada Berbera. General Maxamed Xasan Cabdilaahi Jidhif waxa uu sheegay in hubkaasi ay haboon tahay in ciidada qaranku la wareegaan isagoo taasna ku sababaeeyey in la waayey ciddii iska […]

Posted in Uncategorized | Read More »