Home » 4:15 am Entries posted on “March, 2015”

Rajadii Laga Qabay In Xal Laga Gaadho Wada-xaajoodka Nuclear-ka Iran Oo Xumaatay iyo Wakhtigii Oo Gabaabsi ah

Geneva:Mar,31,2015(SDN/QJ)-Wada-xaajoodkii ku saabsanaa Hubka Nuclear-ka Dalka Iran  oo shalay ka furmay Dalka Zwitzerland, ayaa muujiyey rajo xumo keeni karta inaan natiijo fiicani soo bixin. Wada-xaajoodkan oo ay ka qaybgeliyaan Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka lixda ah ee awooda leh iyo Ergada dalka IRAN, ayaan samaynin wax horumar ah, waxana lagu sii dhammaanayaa wakhtigii kama dambaysta […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Madaxtooyada Somalia Oo Beenisay Inay Saldhigyo Ciidan Siisay Huwanta Duullaanka ku Haysa Dalka Yemen

Muqdisho:Mar,31,2015(SDN/QJ)-Madaxtooyada Somalia, ayaa markii ugu horraysya ka Hadashay Wararka sheegay inay jiraan Saldhigyo militeri oo Badda iyo Berriga ah, kuwaas oo loogu deegay isbahaysiga weerarka ku Haya Xuutiyiinta Yemen. Afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya Daa’uud Aweys oo la Hadlay Idaacadda Goob-joog, ayaa sheegay inaanay jirin go’aan ay Dawladdu ku gaadhay inay Bixiyaan Saldhigyadaas, marka laga reebo taageerada […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Kenya oo Gacanta ku dhigtay Hablo u Talaabayay ku Biirista Xarakada Alshabaab

Mandhera:Mar,31,2015(SDN/QJ)-Saraakiisha Ammaanka waddanka Kenya ayaa shaaciyey inay gacanta ku dhigeen Saddex Hablood oo Arday ahaa, kuwaas lagu eedeeyey inay qaraxyo ka Abaabulayeen Xeebta Mombasa. Gudoomiyaha magaalada Mombasa Nelson Marwa, ayaa sheegay in saddexda Hablood lagu qabtay magaalada Ceelwaaq ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, waxayna dumarka ay doonayeen iney ku biiraan Alshabaab. “Dadkaasi waxay saarnaayeen […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Mayeedhaan Lagu Xardhay Halku dhigyo lagaga soo Horjeedo Musuq Maasuqa Kenya oo Layaab ku Noqday Bulshada

Nairobi 31.March 2015 (SDN/QJ):- Fajac iyo yaab ayay ku noqotay in badan oo dadweynaha ku dhaqan Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi oo lagu dhex-arkay Mayeedhaanka Dameeraha oo korkooda lagu soo xardhay weedho iyo hal-ku-dhegyo muujinaya heerka Musuqmaasuq baahsan oo lagu tilmaamayo inuu waddankaas ka jiro, sidoo kalena ka jiro tacaddi ka dhan ah Haweenku. Arrintan […]

Posted in Uncategorized | Read More »

“Un-ta Waan u shaqayn Jiray oo Mas’uul aad u weyn ayaan ahaa Laakiin Xil aan iska Casilayaa Ma Jiro” Wasiirka Arrimaha Dibada

Hargeysa 31.March 2015 (SDN/QJ) Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay inaanu diyaar u ahayn xil uu ka qabto Qaramada midoobay sidoo kalena aanu iska casilayn jagada uu Xukumadda Siilaanyo ka hayo. Hadalka Wasiirka ayaa ka dambeeyay warar maalmihii u dambeeyay soo baxayay oo sheegayay in Xogyaha Qaramada midoobay xil u magacaabayo sidaas […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Muxuu daaranaa Kulan dhex maray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xoghayaha Guud ee Q.Midoobay?

Hargeysa  31,March 2015 (SDN/QJ) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Sharm El Sheikh ee waddanka Masar kulan kula yeeshay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki Moon. Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda siyaasaddda iyo amniga Somalia, gaar ahaan Hiigsiga 2016-ka, dagaalka looga soo horjeedo Al-shabaab, xoojinta ciidamada xoogga dalka iyo qodobbo kale. Xasan Sheekh […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Ganacsatada Gaadiidka soo Dejisa oo ku Hanjabay inay ka Wareegi doonaan Dekeda Magaalada Berbera iyo Sababaha Keenay

Dubai 31.March 2015 (SDN/QJ)-Ganacsatada Somaliland ee keena Gaadiidka, ayaa shir ay ku yeesheen Dubai ku sheegay inay u wareegi doonaan Dekeddaha Somalia haddii laga dayn waayo lacag 80 Dollar ah iyo qalab la sheegay in lagu hubinayo tayadada gaadiidka soo degaya oo Dekedda Berbera la dhigay. Waxay sheegeen inaanay arrintaasi qaadi karrin, iyagoo Madaxweyne Siilaanyo […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Madaxweyne Obama oo Booqasho Safar Taariikhi ah Ku Tegi doona Dalka uu Asal ahaan ka soo Jeedo ee Kenya oo Mudadii uu Xilka hayay aanu cago dhigiin

Washington 31.March 2015 (SDN/QJ)- Madaxweyanaha Maraykanka Barack Obama ayaa qorsheynaya inuu booqdo waddanka uu asal ahaan ka soo jeedo ee Kenya, iyadoo booqashadan noqon doonto tii ugu horreysay ee uu dalkaasi ku tago isagoo madaxweyne ah. Eric Schultz oo ah kuxigeenka madaxa warbaahinta ee Aqalka Cad, ayaa sheegay  in Madaxweyne Obama uu dhammaadka bisha July […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Yemen oo laga daad gureeyay Dublamaasiyiin Shisheeye ah Xili ay Duqaymaha Sucuudigu sii Libin laabmeen

Sana 31.March 2015 (SDN/QJ)- Ciidanka badda dowladda Suucidaga ayaa toddobaneeyo dibloomaasiyiin ah ka soo daad-gureeyay dalka Yemen sida lagu sheegay war laga baahiyey telefishinka xukuumadda Sucuudiga. Dibloomaasiyiinta ayaa laga soo daad-gureeyay magaalada Xeebta ee Cadan iyadoo la keenay magaalada Jidaha ee Sucuudiga. Dad-gureyntan ayaa imaanaysa xilli uu dagaal culus ka socdo magaalada Cadan kaasoo u […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Baarlamankii Uk oo la Kala Diray+ Ololihii Doorashada oo Bilaabmay Iyo Saadaasha Xisbiyada Waaweyn oo Liidata

London 31.March 2015 (SDN/QJ)- Waxaa Wadanka Ingiriiska ka bilaabmay Ololaha doorashada qabsoomi doonta Bisha may ee Sannadkan. Waxaa la filayaa in ay noqoto doorashadii ugu adkayd ee dhinacyadu si aad ah isugu soo dhowaadaan tartanka muddo tobanaan sano ah. Ra’iisul wasaaraha David Cameron, ayaa aaday xarunta boqortooyada ee Buckingham Palace si uu ugu wargaliyo boqoradda […]

Posted in Uncategorized | Read More »