Home » 5:33 pm Entries posted on “September, 2015”

“Madaxweynuhu hadduu Cid gaar ah taageero KULMIYE dhaawac bay ku keenaysaa, laakiin…” Xildhibaan Axmed Kijaandhe

Hargeysa, 29 Sep 2015 (SDN/QJ)-Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, isla markaana dhawaan shaaciyey inuu u tartamayo Musharraxa Jagada Madaxwaynaha ee Xisbiga KULMIYE, ayaa sheegay in haddii Madaxweynaha talada haya Axmed-Siilaanyo oo ah aasaasihii Xisbigaas kala jeclaysto Musharrixiinta oo uu cid gaar ah dhabarka taabto ay iman karto saamayn […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Baarlamanka Yurub oo loo gudbiyey Warbixin Dr. Edna loogu sharraxey Abaalmarinta Sakharov 2015

Brussels 29 Sep 2015 (SDN/QJ)- Xildhibaan James Carver oo ka tirsan Baarlamaanka Yurub, ayaa shalay shaaciyey inay taageerayaan una sharraxayaan hanashada Abaalmarinta Sakharov ee sannadkan 2015 Dr. Edna Aadan Ismaaciil. Baarlamaanka Yurub oo fadhi ay shalay yeesheen kaga hadlayey Abaalmarinta Sakharov ee sannadkan iyo magacyada dadka loo xulay, ayaa  dhegeystay Kooxaha iyo Ururrada taageeraya Xubnaha […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Murashax Jamaal Cali Xuseen oo Xisbiga KULMIYE uga digay Burburkii UDUB oo kale, kana hadlay qodobbo kale

Hargeysa, 29 Sep 2015 (SDN/QJ)- Musharraxa u taagan Jagada Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa ka digay in burbur la mid ah kii uu Saaxadda Siyaasadda Somaliland kaga baxay Xisbigii ugu da’da waynaa Axsaabta Siyaasadda ee UDUB ay ku dhacdo Xisbiga talada haya ee KULMIYE oo Loollan adag oo Siyaasadeed ka […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Ninka Labaad Ee Aduunka Ugu Dheer Xuseen Bisad Oo Taageeray Xadhiga 4-ta Hobol Ee Ka Tirsan Kooxda Xidigaha Geeska Ay Xukuumaddu U Geysatay

Hargeysa, 29 Sep 2015  (SDN/QJ)-Xuseen Bisad oo ah ninka labaad ee Aduunka ugu dheer ayaa  si weyn u tageeray xadhiga ay xukuumadda siilaanyo u geysatay 4-ta hobol ee ka tirsan koox faneeda xidigaha gees oo  uu fadhigoodu yahay magaalada Hargeysa.. Xuseen bisad dhalasho ahaan ka soo jeeda somaliland ayaa xukuumadda Siilaanyo ku taageeray xadhiga 4-tan […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Muxaadiradii u danbaysay ee Habeenkii Xalay ee SH,Mustafe Xaaji Ismaaciil “WAA KUMA AQOONYAHAN” {DHAGAYSO}

Hargeysa, 29 Sep 2015 (SDN/QJ)-Waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa muxaadiroo uu cinwaankeedu ahaa Waa kuma Aqoonyahan oo xalay lagu qabtay magaalada Hargeysa. Muxaadiradan oo ay soo qabanqaabisay Jaamacadda Islamic Online University, ayaa waxa ka soo qayb galay dad tiradoodu ku dhow dahay 3000 oo qof. Waxaana muxaadiradan jeediyey Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun. Sheekh […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Mayd Laga Helay Duleedka Lawyo-Cadde Iyo Goob Jooge Ka Waramay Marxuumkaasi In Saddex Maalmood Uu Ku Xidhnaa Dhinaca Jabuuti

Lawyo cadde, 29 Sep 2015 (SDN/QJ)-   Nin Maydka ah ayaa shalay laga heley meel shan killo mitir bari ka xigta magaaladda Law-yo cadde ee xaduudda ay wadaagaan Somaliland iyo Jabuuti. Goob-jooge ku sugnaa Magaaladda Lawyocadde ayaa wargeyska Saxafi u xaqiijiyey maydkan laga helay duleedka Lawyo Cadde, waxaanu sheegay in ninkan inta aanu dhiman  saddex […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Warmurtiyeedka Kullankii Somalia iyo Caalamka,oo Diiradda lagu saarayey hannaanka siyaasadda Soomaaliya,Iyo Halista Alshabaab

WASHINGTON, D.C. 29.Sep 2915 (SDN/QJ)- Kullankan gaarka ah ee Soomaaliya iyo caalamka, ayaa waxaa wada shir gudoominayey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Guddiga Midowga Africa DR. Nkosazana Dlamini Zuma, xogahayaha guud ee Ururuka iskaashiga dalalka Islaamka Iyad Ameen Madani, xogahayha guud ee Jaamacadda Carabta Mr. Nebil Elaraby iyo xogahayha guud ee QM Ban Ki Moon. […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Maxkamada Hargeysa oo Rumaan u Dirtay Hoboladii Xidigaha Geeska iyo Shacabka oo soo dhaweyey

Hargeysa, 29 Sep 2015 (SDN/QJ)- Maxkamada Gobolka Hargeysa ayaa Maanta Todoba cisho oo Rumaan ah u dirtay Fanaaniinta Afartii Fanaan ee ka Tirsanaa Xidigaha Geeska. Fanaaniintan oo Maalintii Axadii laga Qabtay Madaarka Cigaal ee Hargeysa kuwaasi oo ka soo laabtay Bandhig faneed maalintii ciida ay ku dhigeen Magalada Muqdisho, fanaaniintan ayaa ku eedeysan qarandumisnimo ka dib […]

Posted in Uncategorized | Read More »

“Madaxweynuhu Waxa La Filayaa Inuu Iclaamiyo Inaanuu Musharax Ahayn, Kolayse Cid Buu Dhabarka Taaban doonaa” Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow

Hargeysa, 29 Sep 2015 (SDN/QJ)-Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow, oo ka tirsan hogaanka dhaqanka Somaliland, laguna tiriyo dadka xogogaalka u ah siyaasadda xukumadda iyo xisbigeeda Kulmiye, ayaa iclaamiyay in la filayo in Madaxweyne Siilaanyo cid gaar ah u asteeyo musharaxnimada Kulmiye. Boqor Buurmadow oo waxa uu sheegay inaanu Madaxweynuhu sharaxnayn “Qoladii Kulmiye way muddeeyeen wakhtigay […]

Posted in Uncategorized | Read More »

“Markaa Waxaan Ku Lahaa Maxamed Biixi, Ma Xusuusataa Ushii Dheerayd Ee Aad Sidan Jirtay Berrigii Aad Macalinka Noo Ahayd” Gudoomiye Muuse Biixi

Hargeysa, 29 Sep 2015  (SDN/QJ)-Siyaasiyiinta loollanka adagi ka dhexeeyo ee Maxamed Biixi iyo Muuse Biixi ayaa shalay ku kulmay madal hadhimo sharafeed ahayd oo nin ganacsade ahi ku martiqaaday wasiiradda beesha woqooyiga iyo galbeedka Hargeysa kaga jira xukuumadda, Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye, Wasiirka arrimaha Gudaha, xubno madax dhaqameed ah iyo xubno kale, kuwaasoo isu gaynta wadartoodu […]

Posted in Uncategorized | Read More »