|

Guddomiyaha mashruuca wadada cad Md Cali Sanyare oo soo gunaanaday safar shaqo oo uu USA ku joogay iyo xiliga uu Hargeysa ku beegan yahay

Maanta oo ah khamiis taariikhduna ay ku beegan tahay 04/28/16 waxaa Airpor ka Caalamiga ah ee Dalas Airport Ee ku yaala Caasimada Washinton DC ee Carigan maraykanka ka dhoofay Gudoomiyihii mashruuca Wadada Cad Mudane Cali Ibraahim muhumed ( Cali Sanyare ) , Waxaanu Caawa ka dagi doonaa magaalada Addisababa oo uu ku sii hakan doono mudo laba cisho ah isagoo ku beegan Caasimada Somali land Hargaisa Maalinta Axada ah ee bishu tahay 05/02/16 hadii alle idmo .

Gudoomiye Cali Sanyare oo ku sugnaa lixdii bilood ee ugu danbeeyay Carigan Maraykanka. Ujeedada safarkiisuna uu daarnaa sidii dadka Qurbaa jooga ahi uga qayb qaadan lahaayeen Mashruuca Wadada Cad ee Hargaysa -Salaxlay-Ina Guuxaa Wuxuu Socdaal dheer ku galaa bixiyay Gobolo fara badan oo ka mida Dalkan Maraykan ka ah oo jaaliyadaha somaliland iyo somaliya ku badan yihiin, Goboladaa oo ay ka mid ahaayeen Marland , Virginia , Washinton , Ohio, Georgei, Iyo Minnesota Waxaanu Goboladaa intooda badan ku Qabtay Xaflado qaadhaan ururina oo lacag loogu Ururinayay Mashruucaa Wadada Cad Waxaana lagaga yaboohay Gobolada Washinton , Ohio , Iyo minnesota Lacag dhan $ 170,000 (Oo Dollar ).

Geesta kale dhamaan Gobolada kale ee aanu tagin guddoomiyuhu ay ku  hawlan yihiin sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen mashruucaa wadada cad .

Waxaana la filayaa in labada bilood ee soo socda ay inta badan lacagahaa lagu yaboohay ku soo hoyan doonaan , Lana marin doono Lacagtaa haayad khayriya oo Arimaha muuqda ee Iskaa wax u qabsada ah taageerta oo waxay dadku iska ururiyeen u laban laabta waxaana lagu rajo wayn yahay in socdaalkaa Gudoomiye Cali Ibraahim Muhumed ay ka soo baxdo lacag gaadhaysa $400,000 (Dollar ) Hadii alle idmo .

Gudoomiyaha mashruuca wadada cad oo aanu ku helay khadka telefoonka isagoo ku sugan airporka waxaa uu noo sheegay in markii hore qorshihiisu ahaa inuu Canadana sii maro balse hawsha diiwaan galinta oo ah hawl Qaran oo aanu ka joogi karin uu go’aan saday inuu safarkiisii ku soo koobo USA si uu ooga gaadho hawsha diiwaan galinta insha alaah markay dhamaatona ugi danbayn sanadkan aakhirkiisa uu mar labaad ku soo noqon doono CANADA

SDN/QJ Mineapolis

contact@qurbejoog.com

Comments are closed