|

Mid Ka Mid Ah Culimada Soomaalida Ee Caanka Ah Oo La Soo Taagey Maxkamad Ku Taalla Dalka Maraykanka & Farriin Uu U Diray Bulshada DAAWO

Colombus, 29 April, 2016-(SDN/QJ):– Maxkamad ku taalla Magaalada Colombus ee Gobolka Ohio ee Dalka Maraykanka, ayaa doraad la soo taagay Sheekh Maxamed Idiris oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Maraykanka.
SHEEKH MAXAMED IDIRISLama oga Sababta Sheekha Maxkamadda loo soo taagay iyo waxa lagu heysto, laakiin Sheekh Maxamed Idiris, ayaa Muuqaal Fiidiyoow ah oo uu soo geliyey Internet-ka ka hor intaan Maxkamaddaa la soo taagin, ayaa Dadweynaha ka codsaday inay u soo duceeyaan, “Maxkamaddu waxay bilaabmaysaa 9-ka Subaxnimo ee Maraykanka, Geeska Afrikana ah 4-ta Galabnimo. Waxaan idinku dejinayaa oo aan idiin sheegayaa waanu degganahay, waanu Xasilloonahay oo wax wer-wer ahi nama hayo, Waayo? Wax kasta oo ILAAHAY noo qoro inay kheyr noo yihiin ayaanu aaminsanahay, oo ILAAHAY noo roonaanayo. Idinkuna sidaa u soo wada ducadiina, waayo? Ducadiinu waa waxaanu ku dhaqdhaqaaqeyno, ILAAHAY dabadii.”ayuu yidhi, Sheekh Maxamed Idiris ka hor intaan Maxkamadda la soo taagin ee aanay Dacwaddu ku bilaabmin.

Laakiin, Muuqaal kale oo uu iska soo duubay Furitaanka Dacwaddaasi ka dib, ayuu ku sheegay, “Walaalayaal, waxaan idiin sheegayaa in Maalintii koowaad ee Dacwaddu soo dhamaatay. Waxaan odhan karaa Dacwaddu Maalintii koowaad guul-bay ku soo dhamaatay, ILAAHAYNA Ducadiinii wuu aqbalay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Dawladda Maraykanka ee Dacwadda ku oogeysaa Maxkamadda keentay waxa ay Caddeymo u hayeen Kiiska lagu heysto iyo Markhaatiyo, “Qolada Dawladdu waxay hayeen iyo Markhaatiyadoodii way keeneen Maxkamadda, hawshoodiina waa la soo gabogabeeyay, Berina (Maanta) inta kale ayaa la is raacin doonaa, intaa ka dibna Garsooraha Maxkamadda ayaa go’aankiisa soo saari doona.”

Sheekhu hadalkiisa kuma sheegin waxay tahay Dacwadda loo heystaa, laakiin, wuxuu mar kale Dadweynaha ka codsaday inay sii wadaan Ducadooda, si ILAAHAY uga furdaamiyo Kiiska lagu Maxkamadeynayo.

Comments are closed