|

Xisbiga Kulmiye oo diiday talo-soo-jeedintii ganacsatada Somaliland

Hargeysa 29 Aug, 2022 (QJ)- Xisbiga muxaafadka ah ee talada Somaliland haya, Kulmiye, waxa maaanta uu cadeeyay  mawqifkiisa ku aadan dhex dhexaadinta ay sameeyeen ganacsatada ugu waawayn Somaliland oo soo saaray talo soo jeedin kadib muddo ay la tashiyo iyo kulamo la laahaayeen dhinacyada isku haya siyaasadda Somaliland.

Xisbiga Kulmiye waxa uu qaadacay isla markaana si cad u diiday talo soo jeedinta ganacsatada ee ku aadan doorashooyinka la isku hayo oo hal mar la wada qabto.

Xisbiga talada haya ee Kulmiye waxa uu sheegay in doorashooyinka oo hal mar la wada qabto ay tahay arrin aan caqliga gali karin oo aan sax ahayn.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Somaliland oo Gallaydh Media Hargeysa kula hadlay ayaa sheegay in doorashooyinka loo qabto sida ay usoo kala horeeyaan, isla markaan xisbi ahaan ay taageersan yihiin waxa uu sharcigu qabo, waa sida uu hadlaka u dhigaye.

Hore mucaaradka Somaliland waxay u aqbaleen talo soo jeedinta ganacsatada Somaliland oo aaha rejadii ugu danbaysay ee shacabku uu qabay isla markaana lagu soo af jari lahaa khilaafka siyaasiga ah ee Somaliland ka jira.

Gudoomiyaha xisbiga UCID iyo xoghayaha guud ee xisbiga Waddani oo kala hadlay maalmihii Satida iyo Axadda waxay soo dhaweeyeen talo soo jeedinta ganacsatada oo ay sheegeen in ay u aqbaleen danta qaranka iyada oo doorashada madaxtooyadu ay kasoo horayso doorashada ururada, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Diidmada xisiga Kulmiye ee talo soo jeedinta xalka ganacstada Somaliland ka yimi waxay dadka wax falanqeeyaa ku tilmaameen in ay tahay curashada khilaaf kale oo hor leh iyo hubanti la’aan laga digayo oo mar kale Somaliland ay wajahayso.

Natiijada aan la saadaalin karin ayaa ah waxa xigaya maadaama labada dhinac waa madaxweynaha iyo hogaanka xisbiyada mcuaaradka e’ ay kala aaminsan yihiin in labada doorasho ay usoo kala horeeyaan sida ay qolo waliba sheeganayso.

Doorashada madaxtooyadu waxay ku beegan tahay 13 bisha November oo kaliya laba bilood inaga xigaan iyadoo 13 December wixii ka danbeeya uu meesha ka baxayo sharci ahaanshaha madaxweynaha Somaliland, halka 26 December ay meesha ka baxayso iyana sharci ahaanshaha xisbiyada imika jira muxaafad iyo mucaaradba.

Comments are closed