|

Miisaniyada Soomaaliya 2023 oo la ansixiyay

Muqdisho December 28, 2022 (QJ) – Xildhibaanadda labada Aqal ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa dood maalmo qaadatay ka dib maanta ansixiyay Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2023-ka.

Wadarta guud ee Miisaaniyadda sanadkan ayaa gaartay in ka badan $973 oo million iyada oo Miisaaniyadda sanadkan loo kordhiyay adeegyada xarumaha Caafimaadka dowladda, Waxbarashada iyo hay’adaha amniga dalka.

Miisaaniyadda 2023ka ayaa xoogga lagu saarayaa sare u qaadidda dakhliga gudaha oo hadda la rajeynayo inuu ka sare maro sanadihii la soo dhaafay.

Ma jirto xisaab xir rasmi ah oo lagu qanci karo oo laga soo saaro misaaniyada Soomaaliya.

Comments are closed