|

Mudaharaadyadii Laascaanood oo weli socda

Laascaanood December 28, 2022 (QJ) – Ciidamada Somaliland ayaa mar kale maanta Rasaas ku kala eryay dad rayid ah oo muddaharaad ka samaynayay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Madaxweynaha mudoxileedkiisa dhamaaday ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa qalalaasaha Laascanood ku eedeeyay cadow uu sheegay in ay Somaliland ku soo duulay.

Xisbiyada Mucaaridka Somaliland ayaa dhaliilay sida ay xukuumada Somaliland uga jawaabtay mudaharaadkii shalay ee Laascaanood.

Mucaaridku waxa ay xukuumadda ugu baaqeen in ay baaritaan dhab ah ku sameyso dilalkan soo noqnoqday ee loo geysanayo indheergaradka reer Laascaanood lagu beegsanayo.

Comments are closed