|

Ismaaciil Cumar oo safar ujeedo badan ah ku tegay Muqdisho

Muqdisho December 28, 2022 (QJ)- – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Jabuuti ku soo dhaweeyay magaalada Muqdisho, masuuliyiinta Labada dal ayaa yeeshay wada-xaajoodyo ku saabsan xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti, iyo sidii loo sii horumarin lahaa.

Labada Madaxweyne oo shir-saxaafadeed wada qabtay kulanka kaddib, ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh uu uga mahadceliyey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, iyo shacabka Jabuuti sida ay u garab istaageen walaalahooda Soomaaliya, xilligii ay u baahdeen shacab iyo dowlad ahaanba. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo isna halka ka hadlay ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha, dowladda bogaadiyayna guulaha laga gaaray howlgallada dib u xoreynta deegaannada ay ku dhuumaaleysanayeen Al Shabaab.

Wax intaa dhaafsiisan oo ay labada madaxweyne bulshada u soo bandhigeen ayaan jirin, isweydiintuna waxa ay tahay ujeedada dhabta iyo faaidada labada Bulsho ugu jirtay safarkan kharashaadka iyo culeysyada kale leh ee manta keenay madaxweyne Geele Muqdisho iyada oo labada masuul ay maalmo horteed uun ku kulmeen Jabuuti.

Comments are closed