|

Akadeemiye-goboleedka Af Soomaaliga oo Muqdisho laga furay

Muqdisho December 29, 2022 (QJ) -Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo dhiggiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xarigga ka jaray Akadeemiye-goboleedka Af Soomaaliga oo xarunteeda laga hirgeliyey magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kula dardaarmay fanaaniintaiyo abwaanada Soomaaliyeed in ay xoojiyaan doorkooda ku aaddan wacyigelinta bulshada iyo dowladnimada, iyo in xaruntu hagto suugaanta, afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo madasha kahadlay ayaa xusay faa’iidada ballaaran ee ugu jirta dhammaan dadka Soomaaliyeed hirgelinta akadeemiye-goboleedka Af Soomaaliga, waxa uuna tilmaamay dadaalka dowladdiisu ay ku bixisay dhismaheeda, maadaama ay xuddun u tahay ilaalinta midnimada iyo wadajirka dadkeenna Soomaaliyeed.

Wasiirka Difaaca Dalka Kenya Aadan Barre Ducaalle oo isna ka qeybgalay xaflada furitaanka Akademiyad Goboleedka Af- Soomaaliga ayaa sheegay in xaruntu muuhiimad gaar ah u leedahay Soomaalida geeska Africa ku nool.

Luuqada iyo suugaanta Soomaaliga oo mar aheyd ta ugu mudan geeska africa ayaa intii ka danbeysay burburkii Dawladnimo ee Soomaaliya waxa soo wejahay hoos u dhac baahsan

Comments are closed