|

Muqdisho lagu soo gebagabeeyay Shirkii wadatashiga qaran

Muqdishu December 29, 2022 (QJ) -Waxa manta magaalada Muqdisho lagu soo gebagabeeyay Shirkii wadatashiga qaran ee u dhexeeyay dawlada federaalka iyo maamul goboleedyada dalka, waxaana shirka laga soo saaray heshiis dhawr qodob ka koobnaa oo qaar kamid ah maamulka Puntland aanu sexiixin.

Golaha wadatashiga, marka laga reebo Puntland, waxay isku raaceen heshiis siyaasadeed oo ku saabsan hannaanka fedaraalaynta garsoorka iyo heshiis siyaasadeed la xiriira qeexida awoodaha gaarka ah heer federaal iyo ka Maamul goboleed.

Gollaha Wadatashiga Qaran ayaan ka heshiin muddada xil haynta madaxda dowlad goboleedyada Soomaaliya.

Soomaalida ayaa fikrado kala duwan ka qaba qaadashada nidaamka Federalka iyo sida uu xal ugu noqon karo dhibaatooyinka ragaadiyay dawladnimada Soomaaliya.

Comments are closed