|

3 qof oo ku dhintay hoobiye Muqdisho ku dhacay iyo faahfaahinta

Muqdisho 1 September, 2022 (QJ)- Inta la xaqiijiyay 3 qof ayaa ku naf waayay halka tiro ka badan ay ku dhaawacantay hoobiye ku dhacay degmada Xamar Wayne ee Muqdisho, iyadoo dadka dhintay ay hal qoys kasoo wada jeedeen.

Dadka dhintay oo laba ka mid ah caruur yihiin ayuu awoow u ahaa xildhibaan Cali Ganey oo Hore xildhibaan uga soo noqday Baarlamanka Soomaaliya.

Xildhibaan hore Cali Ganey oo booqday hoyga uu hoobiyaha ku dhacay ayaa ururka Alshabaab ku eedeeyay inay ka dambeeyaan falkaan, isagoo sheegay inay doonayaan inay ku muujiyaan amni xumada magaalada Muqdisho.

“Anigoo jiifay waxaan ka war helay jug culus. Haddii bannaanka usoo baxayna, waxaan ka war helay gabartii deriska ahayd oo cabaadaysa oo dhahaysa, “ilmahaygii way dhammadeen. Gabadhiiyaan kusoo kala orodnay. Ilmihii aan soo daldalnay qaarna iyagoo mayd ah ayaan bannaanka usoo bixinay, qaarna iyagoo dhaawaca,” ayay yidhi haweeney kamid ahayd dadkii usoo gurmaday qoyskan.

Saddex kamid ah afar qof oo dhaawacmay ayaa xaaladdooda caafimaad laga dayrinayaa, iyagoo lagula tacaalayo isbitaalada magaalada Muqdisho.

Muqdisho waxa caan ka ah hoobiyayaasha guryaha kusoo dhaca ee leh bar tilmaameedyada kale.

Comments are closed