|

8 Qof Ayaa Dhintay Ka Dib Markii Uu Nin Hubaysani Rasaas Ooda Kaga Qaaday Dalka Maraykanka

Mississippi 28. May 2017 (SDN/QJ):- Booliska ayaa sheegay inay xidheen nin looga shakisan yahay inuu khilaaf ka dhexeeyey xaaskiisa iyo seediyadii, ka dib markii uu toogasho ka geystay deegaanka  Mississippi.

Sida ay ku warramayso warbaahinta gudaha ee dalka Maraykanka toogashada ayaa ka dhacday saddex guri wakhti habeenimo ah.

Baadhayaasha ayaa sheegay in dadka dhintay ay ku jiraan laba wiil, gabadh iyo nin dhammaantood la dhigay cisbitaal ku yaalla deegaanka ay toogashadu ka dhacday.

 

Afhayeen u hadlay kooxaha baadhaya falkan ayaa ku gaabsaday in aanay weli wax rasmi ah haynin, oo ay dhawaan dhacday toogashadu. Dadka toogashada ku dhintay waxa ku jira guddoomiye ku xigeenkii garsoorka ee gobolka Missippi, sidoo kale waxa meydkoodii goobta laga helay saddex dumar ah.

 

Ninka looga shakisan yahay inuu toogashada geystay ayey warbaahinta gudaha Maraykanku ku sheegay inuu yahay Cory, balse weli wax war ah oo faahfaahsan lama hayo.

Comments are closed