Uncategorized

War Deg Deg ah: Shaqaalihii doontii ku Qarqoontay Xeebaha Yemen oo Dhamaantoodba Badbaaday

Dubai 04.Aug (SDN) Doontii u rarnayd Ganacsatada Somaliland ee Todobaadkii Tegay ku Qaraqantay Xeebta u dhaxaysa Wadamada Somalilland iyo Yemen ayaa lagu  soo Waramayaa inay ka badbaadeen 11 qof oo ka Mid ah Naakhuudayaashii iyo Hawl wadeenadii kale ee Doontaasi saarnaa .

Warku waxaa uu Intaas ku darayaa in Shaqaalaha Doontaas uu Badbaadiyay Markab laga leeyahay Wadanka Kuuriya hasa Yeeshee Waxaa dhamaanba ku Lee’day Xoolihii Saarnaa doontaas oo isugu Jiray Lo iyo Adhi,Sidaana Waxaa Shabakada Qurbe Joog.com u  Xaqiijayay Mulkiilihii doontaas oo ku Sugan Magaalada Dubai.

Doontan ayaa Degtay kadib Markii ay la Kulantay dabaylo Xoogan iyo Kacsanaan bada ah Waxaanay Noqonaysa Tii Kowaad ee Sannadkan aynu Ku Guda Jirno ku Qarqoonta Xeebta u dhaxaysa Somaliland iyo Yemen iyadoo Maalmihii u danbeeyayba la la’aa Hawl Wadeenadaii doontaas la socday.

Dubai SDN.

Qurbejoog.com