Hargeysa:13-sep-3013(SDN)-Xildhibaanada Aqalka Wakiillada ugu jira Xisbiga Talada dalka Somaliland haye ee Kulmiye, ayaa maalintii shalay markii ugu horraysay Kulan gaar isku soo horfadhiistay.
Kulankan oo ka dhacay Huteel Amassador ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa soo qayb galay inta badan xildhibaanada Golaha wakiillada Somaliland ee ka soo baxay xisbiga Kulmiye, iyagoo waliba ay kulankaas qayb ka ahaayeen xildhibaanada Xisbigii ay ka soo baxeen iyo xukuumaddaba haatan mucaaradka ku ah oo ay weheliyaan Hogaanka sare ee xisbigu.
Guddoomiye-ku-xigeenada Koowaad, Lababaad iyo saddexaad ee xisbigaas, Xog-hayaha Guud xubno sare oo ka tirsan Golaha dhexe ee xisbiga, islamarkaana ah xubno xildhibaanno ah ayaa ka qayb ahaa fadhigaas oo lagaga hadlayey sidii loo dardargelin lahaa hawlaha xisbiga, la iskuna xidhi lahaa xisbiga iyo xukuumadda oo haatan u muuqda inay kala xidhiidh furteen.
Sidoo kale waxa ay sheegayaan wararka shabakadda wararka ee Qurbejoog.com ka helayso fadhigaas Albaabadu u xidhnaayeen in si aad ah looga dooday sidii xisbul xaakimka kulmiye oo haatan u muuqda mid wali mucaarad ah oo aan galaangal hoose la lahayn xukuumadda ka dhalatay, looga dhigi lahaa mid bulshada tusa inuu talada dalka gacanta ku haya, maadaama ay shacabka qayb ka mid ahi aaminsan tahay in xisbigii kulmiye aanu wax talo ah oo miisaan leh ku lahayn Hawlaha iyo Go’aamada ay xukuumaddu gaadho.
Arrinta kale ee kulankaas lagu soo qaaday sida ay sheegayaan wararka aanu kulankaas ka helaynaa ayaa ahayd in xildhibaanadu in badan isla jeexjeexeen in maadaama shirweynihii xisbigu kaabiga inagu soo hayo laga saaro dhammaanba wixii khilaaf ah eek u kala dhex jira xubnaha iyo xildhibaanada xisbiga, islamarkaan xisbiga dhexdiisa laga dhaliyo jawi kalsooniyi ku dheehan tahay oo lagu kasban karo kalsoonida Bulshada, maadaama xisbigu tartamo kala duwan oo qaar dhexdiisa yihiin geli doono.
Xubno xildhibaanno ah oo hore xisbiga Kulmiye uga soo baxay Haatanse mucaarad ku ah, ayaa iyagana laga dhaadhicinayey inay ka tanaasulaan mucaaradnimadoodii, iyadoo loo sheegay inaau xisbiga Kulmiye Haatan qaadi Karin mucaarad dhexdiisa ah, islamarkaana u baahan in dhexdiisa midnimo awood leh laga dhaliyo si uu uga tallaabsado caqabadaha shirweynuhu leeyahay oo waliba si aad ah loogu dheg taagayo meesha ay ku biyo shuban doonto tartanka xisbiga dhexdiisa ka jiraa.
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaan isagu goobta ka soo xaadirin, waxana ka wakiil ahaa Maxamed Kaahin Axmed oo uu si aad ah ugu kalsoon yahay.
Sanadkan aynu ku jirno dhamaadkiisa, ayaa Haddii eebbe yidhaahdo loo ballansan yahay in shirweynihii xisbigaKulmiye uu Qabsoomo, iyadoo la wada sugayo halka uu sal dhigan doono tartanka u dhexeeya Muuse Biixi iyo Cabdicasiis Samaale oo labadooduba sheegay inay tartamayaal yihiin.
Somalidiasporanews.com
Axmed Cumar Axmed
Hargeysa/Somaliland.
Contact@somalidiasporanews.com
