Hargeysa:13-Sep-2013(SDN)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa saluug ka muujiyey Tayada Goobaha Waxbarasho ee xukuumaddu Somaliland Gacanta ku hayso, oo uu sheegay inaan lagu sheegi Karin Iskuullo.
Guddoomiye Faysal cali waraabe waxa sheegay inay ayaandarro tahay in Goobaha waxbarasho ee xukuumaddu gacanta ku haysaa ay noqdaan meelo maalinba maalinta ka sii dambaysa sii baaba’aya iyadoo dawladaha Deeqaha ina siiyaana ay lacago badan ku bixiyaan koru qaadidda tacliinta dalka, “Ingiriisku waxa uu xoogga saaraa mucaawinadana geliyaa waa tacliinta, maanta iskuulladeedana dawladdu maamushaa Hargeysa oo kale kuwa hoose dhexe waa 33, kuwa gaar ka ahina waa 96, markaad is barbar dhig samaysid kuwa dawlddu gacanta ku hayso ee lacagta adduunka ee la ina siiyo la geliyaa waa Jeelal lagu xidho dadka oo carruurta lagu hayo” ayuu yidhi eng. Faysal cali waraabe.
Eng. Faysal oo Hadalkiisa sii wata kana hadlaya dayaca iyo darxumada ka taagan goobaha waxbarasho ee xukuumaddu maamusho, ayaa yidhi, “goobaha caynkaas ahi ma aha iskuullo, macaalinka joogaana waa miskiin aan ka hawlgeli Karin kuwa gaarka loo leeyahay tacliintiisa awgeed, musquluhu waa ay ka buuxsameen tayactirna ma laha, carruurta danyarta ah ee masaakiinta ah ayaa ilaa kawda ulo lala horjoogaa oo la leeyahay car soo baxa waxna looma dhigo, baylah badanina way jirtaa.”
Dhinaca kale waxa uu Faysal cali waraabe xusay halis amni oo ka soo socota dhinaca deegaanka Taleex, “Meesha la yidhaahdo taleex fidmaa laga soo wadaa, beryahanna waxa joogay madaxweyne-ku-xigeenka Garoowe, arrintaana waa in shacab iyo dawladba laga digtoonaadaa.” Ayuu yidhi Faysal cali waraabe.
Waxa uu Guddoomiye Faysal cali waraabe farriin u diray shacabka ku dhaqan deegaanka laascaanood, waxana uu yidhi, “Dadka reer laascaanoodna waxan leeyahay Dagaal Soomaaliya ayaa wax ku heli lahayn.
Ismaamul-goboleedka Puntland ayuu sidoo kale Guddoomiyuhu farriin cad hawada u mariyey, waxana uu yidhi, “Reer Garoowena waxanu u sheegaynaa annagu dadka ma daan-daansanee, haddiise nala daandaansado, wax baanu iska celinaa, dhabar la cunaanu leenahaye Laab la cuno ma lihin.”
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid ayaa caan ku ah inuu farta ku fiiqo isagoon cidna uga gabbanaynin dhaliilaha muuqda ee ay xukuumadda Somaliland ee Hadda jirtaa leedahay, waxase dhacda inaanay xukuumaddu garwaaqsan waxyaabaha laga sheego oo ay kaga jawaabto kaliya nidaam isdifaac ah.
Somalidiasporanews.com
Contact@somalidiasporanews.com
