Uncategorized

Dawlada Somalia oo ku Hawlan Qorshe ay ku Maxkamadaynayso Xasan Daahir Aways

Muqdisho 16.Sep 2013 (SDN)- Xog-hayaha ururkii burburay ee Xisbul Islaam, Maxamed Macallin ayaa maanta sheegay in dhowaan maxkamad la soo taagi doono hor-jooge Xasan Daahir Aweys oo u xiran dowladda federaalka Soomaaliya.

Xasan Daahir Aways

 

 

 

 

 

 

Maxamed Macallin oo warbaahinta shir jaraa’id ugu qabtay magaalada Muqdisho ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay xarigga Xasan Daahir iyo maxkamadda la soo taagayo.

Wuxuu ka dalbaday dowladda inay sii dayso horjooge Aweys, isla markaana ay eegto maslaxada shacabka Soomaaliyeed.

Maxamed ayaa sheegay in xaalad liidato oo dhinaca nolosha ah ay xabsiga ku haysato Xasan Daahir Aweys, maadama sida uu sheegay aanu helin daryeel wanaagsan.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com