Burco 16.Sep 2013 (SDN)- Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa Sheegay in Dhismaha Wadada isku xidhaysa Gobolada Sanaag iyo Togdheer uu dhararkeedu yahay 370 Km isla markaana ay tahay Mashruuc Qiimo weyn u leh Guud ahaan dalka.

Wasiirka Madaxtooyada ee Somaliland waxa uu ugu baaqay dhamaanba Golayaasha qaranku inay Kaalintooda ka qaataan hirgalinta riyadan si looga dhabeeyo waxaanu iftiimiyay in Madaxweynuhu ka Ogolaaday in dollar badhkii la saaro cashuurta xoolaha si ay wadadani u dhamaystiranto.
Wasiirka ayaa hadalkan ka jeediyay Deegaanka Ina afmadoobe oo uu maanta madaxweyne Siilaanyo ku dhagax dhigay dhismaha wadadan
Halkan Guji oo Mobilkaaga ka Dhagayso hadalka Wasiir Xirsi
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/WasiirXirsi16(1).mp3″]
Burco SDN.
Qurbejoog.com
