Baydhabo 17.Sep 2013 (SDN)- Wafdi uu Hogaaminayo Afhyeenka Baarlamaanka Somalia ayaa safar ku tagay maanta Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay, halkaasoo ay si weyn ugu soo dhaweeyeen waxgarad, saraakiil iyo qaybaha bulshada Baydhabo.
Prof. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa wuxuu hogaaminayay in ka badan 50 xildhibaan iyo xubno wasiiro ah, lamana oga waxyaabaha uu socdaalkiisu salka ku hayo, inkastoo uu socdaalkan uu imaanayo xili uu khliaaf ba’an u dhexeeyo DF iyo Waxgaradka Gobolka Bay.
Afhayeenka Baarlamanaka iyo Wafdigiisa ayaa waxaa Baydhabo uga sii horeeyay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, iyadoo Amaanka guud ee Degmada Baydhabo aad loo adkeeyay.
Safarkan ayaa wuxuu noqonayaa kii labaad oo Prof. Jawaari uu Baydhabo ku tago tan iyo markii xilkan loo doortay, isagoo ka mid ah xubnaha golaha shacabka ku jira ee kasoo jeeda Gobolada Bay iyo Bakool.
Inta casho ee ay booqashadan qaadan doonto lama oga, Laakiin Odayaasha iyo Malaaqyada Digil iyo Mirifle ayaa waxay warbahinta Somalida u sheegeen in inta wafdigan ay joogaan Baydhabo ay ka qaybgeli doonaan kulamo ka dhici doona Baydhabo, kuwaasoo aysan faahfaahin ka bixin.
Dowlada Somalia oo uu khilaaf adag kala dhexeeyo Waxgaradka Gobolada Bay iyo Bakool ayaan iyaguna ka hadlin sababta safarka gudoomiyaha uu la xiriira, iyadoo shalay uu degmadaas ka dhacay dibadbax looga soo horjeedo shirkii Brussels.
Amaanka Magaalada Baydhabo ayaa la adkeeyay iyadoo Ciidamada AMISOM iyo kuwa DF ee ku sugan Magaaladaas ay bilaabeen inay roondooyin gudaha magaalada ku sameeyaan, si aanay u dhicin wax dhibaato ah inta wafdigan uu ku sugan yahay Baydhabo.
Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka socda shir la doonayo in maamul loogu sameeyo Gobolo lix ah oo ku yaala Koonfurta Soomaaliya, iyadoo xubnaha ka qaybgalaya shirkan ay horay u sheegeen inay xiriirka u jareen DF.
Baydhaba SDN.
Qurbejoog.com
