Hargeysa 17 Sept.2013 (SDN)- Ururka samofalka ee Maankaab oo ka dhisan galbeedka magaalada London, ayaa maanta maamulka cusbataalka guud ee Hargeysa ku wareejiyay deeq kala duwan oo uu ugu talogalay bukaanada ku jira qaybta Dhimirka ee cusbataalka caasimadda.
Munaasibad loo sameeyay wareejinta deeqdaas oo lagu qabtay qaybta Dhimirka ee cusbatalka, waxa ka qaybgalay Agaasimaha Guud ee Cusbatalka Hargeysa Dr. Axmed Cumar Askar, Agaasimaha waaxda Dhimirka Mustafe Xuseen Xirsi, guddoomiyaha ururka samofalka Maankaab Mr. Ismaaciil Axmed Xaawa iyo martisharaf kale.
Ugu horayn, guddoomiyaha ururka Maan-kaab Mr. Ismaaciil Axmed Xaawa oo hadal kooban ka jeediyay munaasibaddaas, waxa uu sheegay in ururkooda oo ka dhisan Galbeedka London (West London) ee dalka Ingiriiska uu in muddo ahba deeqo joogto ah u fidinayay dadka bukaanada ah ee ku jira qaybta Dhimirka cusbatalka Hargeysa. Waxa uu sheegay in deeqdaas ay maanta maamulka cusbataalka ku wareejiyeen ay ka kooban tahay 50 tenag oo Mitir ah, 22 kartoon oo caanaha la cabo ah [caano boodhaha] iyo 40 Macawisood. “Haddaanu nahay ururka Maankaab ee West London, waxaanu muddo ilaa toban sano ah soo wadnay deeqaha noocan ah ee aanu ugu talogalay dadkeena bukaanada ah ee jilicsan ee ku jira qaybta Dhimirka cusbataalka Hargeysa,” ayuu yidhi guddoomiyuhu. “Waxaanu ugu talogalay inay waxtar u noqoto dadkeena bukaanada ah ee xagga dhimirka ka xanuunsanaya, waxaananu doonaynaa inay noqoto mid dadka Somaliland guud ahaan qaybihiisa kala duwani ku daydaan, si wax loogu qabto dadkeena xanuunsanaya,” ayuu raaciyay.
Guddoomiyaha ururka Maankaab waxa uu tilmaamay sida loogu baahan yahay in loo istaago sidii wax loogu qaban lahaa dadkaas dhinaca Maskaxda ka jiran ee ku jira qaybta Dhimirka cusbataalka Hargeysa.
Agaasimaha qaybta Dhimirka ee cusbataalka Hargeysa Dr. Mustafe Xuseen Xirsi oo isna hadal ka jeediyay munaasibadaas, waxa uu u mahadceliyay ururka Maankaab ee deeqdaas ugu yaboohay dadka Dhimirka ka xanuunsanaya. “Deeqdani maaha tii koowaad ee ururka Maankaab noo keeno, marar badan oo horena wuxuu noo keenay deeqo noocana, ahna kuwo ay u baahan yihiin bukaanada dhimirka ka xanuunsanayaa ee cusbataalka ku jira,” ayuu yidhi Mustafe. Wuxuuna tilmaamay siday marba marka ka dambeeya u sii kordhayaan bukaanada uu asiibayo cudurka Dhimirku iyo sida loogu baahan yahay in si wadajir ah loogu gargaaro, looguna xanaaneeyo bukaanadaas.
Ugu dambayn, Agaasimaha Guud ee cusbataalka guud ee Hargeysa Dr. Axmed Cumar Askar oo hadal ka jeediyay halkaas, waxa uu Illaahay ka baryay in uu dadkii deeqdaas soo bixiyay iyo kuwa kasoo shaqeeyayba uu ka abaalmariyo, wuxuuna ururka samofalka Maankaab ku amaanay deeqaha noocan ah ee ay siiyaan qaybta Dhimirka. Sidoo kale, Agaasimuhu waxa uu xusay sida loogu baahan yahay in cusbataal ahaan gacan laga siiyo xanaanaynta bukaanada xanuunada Dhimirka qaba.
Qurbejoog.com, Hargeysa
