Garowe 17.Sep 2013 (SDN)- Kulan looga hadlayay horumarinta jidadka iyo xakameynta burburka waddooyinka ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.
Kulanka oo dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay socday ayaa waxaa soo qabanqaabisay hay’adda waddooyinka Puntland, waxaana ka qeyb-galay ganacsato, injineerro ku xeel-dheer dhismaha waddooyinka iyo mas’uuliyiinta maamulka Puntland.
Guddoomiyaha hay’adda jidadka Puntland, Maxamuud Cabdi Nuur ayaa sheegay in ganacsatada laga doonayo inay gacan ka geystaan dhismaha waddooyinka iyo kaabayaasha dhaqaalaha.
Wasiirka maamul wanaagga Puntland, Maxamed Faarax Ciise Gaashaan oo ka hadlay kulanka ayaa isna ku baaqay in si wada-jir looga qeyb-qaato dhismaha waddooyinka.
Burburka waddooyinka ayaa inta badan sabab u ah gaadiidleyda oo buux dhaafiya xammuulka ay raraan.
Garowe SDN.
Qurbejoog.com
