Uncategorized

Madaxweynaha dalka Brazil oo baajisay booqasho ay ku tegi leheyd dalka Mareykanka,mexey tahay sababtu?

Brazilia Sept 18,2013(SDN)-Haweeneyda madaxweynaha ka ah dalka Brazil Dilma Rousseff ayaa baajisay booqasho hore loo sii qorsheeyay oo ay ku tegi laheyd dalka Mareykanka.

Arintan oo loo arkay mid muujineysa sida labada dawladood cilaaqoodkoodu u sii xumaanayo ayaan shaacin sababta dhabta ah ee ay goaankan u gaartay.

Waxaase lala socdaa in ay dhawaan soo shaac baxday in sirdoonka Mareykanku ay bartilmaansadeen isgaarsiinta u gaarka ah madaxweyne Dilma Rousseff.

Madaxweynaha ayaa lagu waday in ay booqato Washington bisha inagu soo fooda leh ee October.

Aqalka Cad ee looga arimiyo dalka Mareykanka ayaa arinkan ku micneeyay in ay tahay mid wada jir loo gaaray oo booqashada madaxweynaha Brazil dib uun ay u dhacday ee aan la baajin.

Dawlada Brazil ayase la sheegay in ay ku qanci weyday jawaabo aqalka cadi ka siiyay dawlada Brazil in ay mareykanku basaaseen madaxweyne Dilma Rousseff.

Sidoo kale waxa la shaaciyay in madaxweynaha dalka Brazil ay dalbatay in madaxweynaha Mareykanka Barack Obama uu raali gelin ka bixiyo in sirdoonka Mareykanku basaaseen,taas oo aan dheg jalaq loo siin.

SDN-Washington
contact@somalidiasporanews.com